Taliye Fooxle Waa Ruug Cadaa Ciidanka Booliska Somaliland Udub Dhaxaad U Ah

Taliye xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxa uu ku guuleystay inuu soo afjaro Murankii isku dhafka Ciidanka Cashuuraha Saylac, waxaa kale oo uu ku guuleystay dhawr jeer mudaharaadyo ka dhacay jaamacadda Hargeysa waxaana uu hormood ka ahaa inuu mideeyo dhammaan macalimiinta iyo ardayda wax ka barata jaamacadda. Waxa kale oo iyaduna xusuus mudan inuu gacan ku lahaa inuu bakhtiiyo arrintii muranka baddan dhallisay ee wareejinta Keydka Haamaha Shidaalka Berbera, iyadana waxa kale oo uu ku guuleystay arrintii iyaduna muranku uu ka taagnaa ee Buurta Gacan Libaax, isaga oo mar walba reerka uu ka soo jeedo ku qabanayay gacan bir ah.

Taliye Fooxla waxa kale oo uu hogaaminayey ciidankii  ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaa Argagixiso ku dhuumaaleysanaysay magaaladda Burco horaantii sannadkii 2009-kii, isagoo wakhtigaas ahaa Hogaanka Gobolladaha Barri ee ciidanka Booliska Somaliland. Sidoo waxa kale oo iyaduna hubaal ah inuu dhawr jeer gaadhay magaaladda Laascaanood iyo weliba Ceerigaabo oo uu u tegay sidii u ogaan lahaa shaqooyinka kala duwan ee Ciidanka Boolisku qabtaan, isaga oo warbxino ka dhageystay Qaybaha Iyo Saldhigyadda kale duwan ee Ciidanka Boolisku joogaan ILAAHAY-na wuu ku guuleeyey isaga oo adeegsanaaya aqoontiisa iyo khibradiisa ciidanimo.

Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Fooxle maaha nin lacag u soo doontay Ciidanka, sidoo kale waa nin dhallinyarada wax baratay gaar ahaan Qeybta Sharciga ku soo dara Ciidanka Booliska JSL. Taliye Fooxle sidoo kale wuxuu yahay nin la saaxiib ah guud ahaan ciidanka waxaana uu ku qaabila dareen soo dhaweyn iyo naxariisi ku dheehan tahay. Waa Taliye soo kormeera Saldhigyadda iyo Qeybaha Ciidanka eegana sida ay u shaqaynayaan, ka dibna kormeer ayuu ku sameeyaa Roondada iyo Isgoysyada ciidamadu joogaan.

Haddaba isku soo wada duuboo hadda waxa uu ku sugan yahay Taliye xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)  dhul-marseedka Ceel-garde ee shaqaaqadu ka taagnayd labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, waxaana uu ku guuleystay inuu demiyo shaqaaqadaas isagoo gacanta ku dhigay qaar ka mid ah cida qas wadaysaasha ah, kuwa kalena uu ku duba jira waana guul la taaban karro oo uu hormood ka yahay Taliye Fooxle.

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) inuu yahay Taliye xigeen  ay si fiican u wada shaqeeyaan Taliyaha Ciidanka ama saraakiisha kale ee ciidanka Booliska Somaliland, waana masuul dulqaad, naxariis iyo ixtiraam leh.

Maxamed A. Xandulle