Doorasho Noocee ah ayaa ka dhici Karta Soomaaliya 2016-ka?

Sida aynu wadda ognahay Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1991kii Waxay ku jirtay qalalaase siyaasadeed oo aad u daran, illaa immikana ay ku jirtaa.

DOOOO

Muddo ku siman Rubuc qarni waxa ka jara Xasillooni-darro Dhaqaale mid siyaasadeed iyo mid Amniba shan iyo labaatan kaa sannadood ee dhibka ay ku jirtay Soomaaliya shan iyo tobanka mid ahi waxaa Masuuliyadeedda dusha kusitay hoggaamiye-kooxeedyo, Maamul iyo xukun isku hirdiyaayay, Toban sannood oo ka mid ahna waxaa walaaqaayay Ssoomaaliya Kooxo Diimeed.

Dhawr jeer oo Somalia laga filaayay inay nabad ka dhalatana ma ay dhicin oo way dhicisoowday. Beesha Caalamka iyo Dawladaha la jaarka ihiba Mararbadan way isku dayeen inay qolyaha iskuhaya gudaha Somaliya isku keenaan oo ay hashiiska dhexdhaliyaan, iyaga (Dawladahajaarka) sida ay doonaan ha u wataanqorshelaakin ma suuroobinoo way saqiirtay

Imikaooaynujoognay 2016-ka Soomaaliya waxa laga sugayaa inay doorasho ka dhacdo gobalada Soomaaliya oo dhan marka laga reebo Somaliland oo Madax-bannaadideedii dib uga soo ceshatay Soomaaliya 1991kii. Sida muuqatana ama ay tahayba Suuragali mayso inay Ssoomaaliya doorashada ay rabaan reer galbeedku ay kadhacdo Sabab badan oo jira awgeed oo kala ah:-

  1. Amaanka oo aan Gacanta lagu wada hayn
  2. Dhaqaale-xumo
  3. Maamul aan dhisnayn
  4. Hay’adihii doorashada qaban lahaa oo aan la unkin
  5. Goballadii iyo degmooyinkii oo qaar ka mid ah laysku haysto
  6. Al-Shabaab

Soomaaliya waxay ka kooban tahay illaa saddex afar Maamul-gobaleed iyo dawlada dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdhiso, Sidaaynu soo sheegnay marnaba suuragal ma aha inay ka dhacdo doorasho ah (One Men One Vote) ama mid xisbiyo badan tartamaan oo gobollada oo dhanlaga codeeyo oo sanaaduuq la dhigo, sidaasoo ay tahay Wakhti badana kama hadhin xiligii loo qoondeeyay Doorashada Soomaaliya.

Sanadkan gudihiisa ayaa la doonayaa in ay doorasho ballaadhan oo Soomaaliya oo dhan ka dhacdaa ay Qabsoonto, Doorashadaasina waxay ku xidhan tahay sida Soomaaliya iyo Maamullada ka jirtaa ay isugu Waafiqaan ama ay ku heshiiyaan qaabkii ay Doorashadu u dhici lahayd iyo sida ay ugawada shaqeeyaan.

Waxa kaliya ee banaan waxaweeye

In la dardargaliyo Hawlaha ballaadhani sidii ay u socon lahaayeen in la diyaariyo Qorshe Hawleed  Bile ah oo lagu dhaqmo inta ka horraysa Xilliga doorashada in la dhiso Hay’adihii doorashada qaban lahaa oo la soo xulo, la curiyo Shuruudaha Tartamayaasha iyo Xeerar guud oo ku saabsan doorashada.

Qaabka ay doorashou dhicikartoooMala’awaal ah.

Marka Hore Yagleelida guddi doorasho oo balaadhan oo ka hawlgali kara Goblada Soomaaliya oo dhan oo laga soo Xulo Maamul-goballeedyada. In la diiwaangaliyo Tartamayaasha Jagada Madaxtimo ee Soomaaliya ka dib Laga codeeyo Maamul-gobaleedyada Baarlamaannadooda oo matalaaya Bulshada oo dhan.

Aanfaahfaahiyo Kaba soo qaad 22 Musharax ayaa la diiwaangaliyay oo isugu jira u tartamayaaal Madaxweynennimo iyo Ku xigeeno 22 kaasi Musharax in la horgeeyo magacyadooda Baarlamaannada maamul-gobaleedyada Soomaaliyaoo la yidhaahdo u codeeya ka aad   rabtaan ka dib Afarta Maamul-gobaleed Baarlamaannadoodu ay codeeyaan Iskugaynta Codaynta guud ee Afarta Baarlamaan ee Maamul-gobaleedyada lagu kabo Codaynta guud ee Baarlamaanka Federalka.

Ka db la tiriyo cidda ugu codka badan wadarta guud Sidaasna ay Guddigga doorashadu ay ugu dhawaaqdo cidda ku guulaysatay Doorashada. Sidaas mooyaane iima muuqato qaab doorasho oo kale oo Soomaaliya ka dhici karaa.

Guul baan u rejaynayaa Soomaaliya

MM.Tiyo

Tiyo1884@Gmail.com

Hargeisa, Somaliland.