Jawaabtii Samiira: Jacbur Qosol Badan oo uu Curiyey Xasan Maxamed Yuusuf

Hargeysa(Aftahannews):- Suxufiga caanka ah ee Xasan Maxamed Yuusuf oo ah Suxufi Ruug-caddaa ah, isla markaasna ka tirsan Dadka Suugaan-dhaadhiga ah, ayaa curiyay Maanso cusub oo Jacbur ah, taasoo magaceeda la yidhaahdo ‘Jawaabtii Samiira’.

u_120920d_2014-1-9-21-35-8f_Cannnnaaoooooo

Xasan-M-Yuusuf

Maansadan ayaa waxa uu Xasan Maxamed Yuusuf kaga jawaabayaa Maanso uu hore u tiriyay Weriye Axmed Cusmaan Batuun oo uu ugu magac-daray ‘Lap-top’.

‘Jawaabtii Samiira’waxay ku bilaabantay sidan:

Niyaddiyo Quluubtaba

Hardwere-ki wadilaa

Adigaa khalkhaliyoo,

C-da iyo D-dii

Aan kugu xafidilaa

Bluetooth-yadaadaa

Belo soo walwaaloo

Trojan-ka Daran iyo

Virus miidhan geliyoo,

Faylashii Kalgacalkaba

Adaa Tuuree ma ogtahay .

Jacaylkaagi inanyow

Waxa diiddey laabtoo

Kolkaan Save idhaahdaba

No-bay I lleeyahay.

Tan Recycle binkuna

Very ease weeyoo

Haddii aad ku jirilayd

Restore baa ku filanoo

Halkaagii ku dhigilayd.

Dibindaabyadaadaa

Iskiriinki demisoo

Maankaygu Wiilyohow

Wax Repair gareeyiyo

Anti-virus Xaadhiyo

Wax Scan Yidhaahdaba

Markii aan ka Quustuu

Formaat garooboo

Sababtana adaaloo

Computerkaygaas

Ugu wacan Crash-kee

Bal Yaad eersanaysaa

Maskaxdaydii anigana

Restart aan idhaahdiyo

Guux hay dambeeyee

Meel geriirta malahoo

Rag Aaytii yaqaanoo

Fix all yidhaahdiyo

Injineer sameeyiyo

Expert-ki joogaan

Bal inay daweeyaan

Ayaan hore u geeyoo

Kolki lagu wareeree

Loo maaro waayaa

Imaaraadka loo diray

Dhawaan inuu hagaagoon

Internetki galo oon

Emailladaydiyo

Facekii ku laabtana

Waan rajeynayaayoo

Alle waxaan ka tuugaa

Inuu ii shaqeeyaa.

Error kaad I gelisaan

Xal u daydayaayoo

Marka aan Xasuustaba

Dhanjaf baygu kaca oo

Dhakadaa I faartoo

Dhaayahaan wax Arag oo

Dhegahaa I awdmoo

Lugahaan Dhaqaaqine

Fadlan waxaan ku leeyahay

Flash-kaloo aad leedoo

Softwere Caashaq lagu sido

Inistooling-maayee

Ha ii keenin Axmedoow

Asxaabtaada Face-kana

Aksebt ku odhan maayee

Iska kay illow oo

Kola haygu soo darin”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.