Burjiga adag, Dabeecadaha yaabka leh iyo Mucjisooyinka ku lammaan Fardaha

BURJIGA ADAG, DABEECADAHA YAABKA LEH IYO MUCJISOOYINKA KU  LAMAAN FARDAHA

Waxaa ka Sheekeeyey AHN Abwaan Siciid Maxamed Jaamac (Siciid-Biid)

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

                      Qof kasta oo Aadami ahi marka uu ishiisu qabato
muuqaal ama sawir Faras, cajalada garashadu waxay soo tuurtaa xusuusta
ficilada lagu yaqaano,  sida orodka xawaaraha  aan hakashada lahayn,
awooda Allaah siiyey ee qofka dushiisa saaran miisaankuu doono ha
lahaadee  aanay culays ku ahayn, ayaa   ku suntan maskaxda Aadamaha
waana aragtida ay ka qabto Faraska.

                Hadaba si aan wax uga ogaano dabeecadaha iyo
habdhaqanka fardaha waxaan 11 Sano ka hor 9.2.2011. la kulmay Abwaan
dhaqan-yaqaan ahaa oo khibrad weyn u lahaa aqoonta Fardaha,  Allaah
haw naxariistee Marxuum  Siciid Maxamed Jaamac (Siciid-Biid) oo
29.11.2020 Ku geeriyooday Jigjiga, xiliga aan qoraalkan ka
diyaariyeyna wuxuu macalin  ka ahaa Dugsiga Sare  Bursade ee Magaalada
Berbera.

                 Abwaankan oo Waayihiisii Nololeed kasoo hawlgalay
deegaano badan oo dhulka Af-soomaaliga lagaga hadlo ah, wuxuu dhalasho
ahaan kasoo jeeday Degmada Taleex oo caan ku ah dhaqashada Fardaha,
ilaa haatana laga heli karo Fardo isirkoodu ku arooro  Dirkii
DHOODI-MEER iyo XIIN FINIIN. Oo kamid ahaa Fardihii  ugu caansanaa
Cahdigii Daraawiishtii  Sayid Maxamed Cabdule Xasan,

                  Alaah haw naxariistee Abwaan Siciid-Biid oo kamid
ahaa raga fara-kutiriska ah  ee wax laga weydiiyo aqoonta Fardaha.

                    Waxa  uu  ahaa dhaqan-yaqaan xog  badan ka haya
taariikho iyo dhacdooyin  bulshooyinka Afsoomaaliga  ku hadla soo
dhexmaray, isla markaana   xafidsan tix iyo tiraab wixii  waayahaasi
lays weydaarsaday,

            Arimaha kale ee AHN Abwaan Siciid-Biid lagu xusuusto waxaa
kamid ahaa     Maansooyin dhowr ah,  sidaan filayona abwaanka kasoo
maaxday, horaantii sanadihii Sagaashanaadkii,  inkastoo ay  aad u
caanbaxday markii lagu baahiyey Telefishinada madaxa banaan,  waa
mudadii uu ku sugnaa Magaalada Jigjiga.

            Maansada  ugu magaca dheerna waa GOOGAA ABWAANKOOW.  Oo
sida abwaanku sheegay ka koobnayd 630 tuduc,  xaqiiqo ahaan waxay  ku
qotontay dhud suugaaneed oo farshaxan ah, baaq furan iyo fariin
baahsan oo ku socday dhamaanba Hal-abuurada iyo Abwaanada suugaanta
Afsoomaaliga ayaanay ahayd  waxaana isku arkay silsiladaasi  19
Abwaan.

             Dhinaca kalena sida abwaanku sheegay waxaa jirey tiro
Riwaayado ah oo uu Alifay, qisooyinka iyo sheekooyinka ay
xambaarsanyihiin uu kaga sheekeeyay waraysiyo  uu saxaafada siiyey,

   Kaydka keliya ee laga reebay Abwaankana waxaa laga heli karaa dhowr
Telefishin oo ay kamid yihiin SRTV iyo Astaan TV. Anigoo aad u
hambalyeynaya dhamaanba suxufiyiintii iyo filimqaadeyaashii hawshaasi
galay oo xaqiiqo ahaan badbaadiyey,   qayb kamid ah xogtii iyo
xikmadii murti dhaadhigaasi   oo marka si dhow loo tilmaamo ahaa
Matxaf galbaday.

                AHN Abwaan Dhaqan-yaqaan  Siciid-Biid oo  mihnadiisa
Fanka ka sokow lahaa xirfad Bare-nimo  waxa uu macalin suugaanta iyo
cilmiga luqada soomaaliga  ka noqday Dugsiyo, iyo Jaamacado dhowr ah.
Xaqiiqo ahaana wuxuu ahaa Shaqsiyad qaali ah  oo cid kasta oo aqoon u
lahayd  aanay ka xiiso-goyn jirin  sheekadiisa, sanadihii  u dambeeyey
noloshiisana wuxuu Barmaamij soo saare ka ahaa shabakada Warbaahinta
Murti Media TV mudadii uu ka hawlgelaayeyna waxaa kusoo xidhmay
kumanaan qof oo aad uga helay macluumaadka uu tebin jiray.

       Badiba dhalinyaradii iyo asxaabtii ay isku barteen Magaalada
Berbera oo mudo dhowr sanadood ah uu  macalin ka ahaa, waxay
tilmaameen inuu ahaa shaqsiyad aanay suurtogal ahayn in la helo qof u
dhigma,  oo buuxin kara dabeecadihii iyo hab-dhaqankii uu lahaa.
Waayahaa uu macalinka ka  ahaa  Berberana waxaa loogu yeedhi jiray
Naanaysta AWOOWO oo ahayd  kelmad  uu dadka ku odhan jiray.

                Markaan hadaba usoo noqdo Sheekada Fardaha iyo
sharaxada uu AHN Abwaanku ku xusay

·       Noocyadda Fardaha

·       Midabada ay yeeshaan oo saamayn ku leh tayada Faraska ama Geenyada

·       Qaababka orodkooda oo mid waliba leeyahay Magac u gaar ah iyo Asto

·       Qaar kamid ah xanuunada ku dhaca iyo sababaha ay ku yimaadaan
iyo sidoo kale waxyaabaha lagu daweeyo ee  dabiibka u ah.

·       Iyo sidoo kale arimo dhaqan ahaan aad laysaga ilaaliyo oo
hadii ay  dhacdana xaal iyo ganaax culus leh.. waana sheeko aad u yaab
badan oo tilmaamaysa ixtiraamka iyo karaamada Fardaha.

                     Waxaanu sheekadiisii ku bilaabay  farduhu waa
xawayaan aad u burji  badan, soomaaliduna waxay tidhaahdaa “wax booda
oo markuu damco inuu soo dego intaanu dhulka gaadhin dib u noqda waxaa
jira Faras iyo Libaax”

                Markalena inta noole alle abuuray waxaa ugu dhegawadan
 waa Faraska oo awood  u leh inuu maqlo jabaq ama  sanqadh meel aad u
fog ka baxaysa.

        Hadiiba ay dhacdo inuu farasku dhib dareemo wuxuu dhaqso u
toosiyaa ninka gacanta ku haya, sidoo kale xoolaha oo dhami  haday
weel ku cabaan ma isticmaali kartid,

           laakiin fardaha waad ku weysaysan kartaa, sababtoo ah
farduhu way luqluqdaan marka ugu horeysa ee ay biyaha afka saaraan,

               Arimahaasina waxay ka dhigeen in Soomaalidu  u
aqoonsado Gobta xawayaanka, oo aan lagu arag fal saqajaanimo oo dadku
ku nacaan,

                    sida badan dadka reer miyiga waxa ugu muhiimsan ee
ay dhaqdaan waa Geella,  oo qoyska aanu kasoo dareerin xagooda uu gun
ka yahay, balse marka Faras la kala iibsanayo,   qiimaha ugu hooseeye
ee la kala siisto waa Todoba qaalmood  oo ugub ah,

      sidoo kale wax xaal laysu siiyo  waxaa ugu qaalisan waa Hablaha,
 waxaana ku xiga Fardaha, sababtoo ah Fardaha waxaa loo aqoonsan yahay
Teknikadda Dagaalka, ninka aan faras lahayna haduu 300 Halaad u
dareeraan, waxaa ka xarago qaada wiil keliya oo Faras ku jooga. Hadii
aanay difaac fardooley lahayna si fudud baa looga didsan karaa.

            Arimaha dhaqankii hore ee soomaalida ku jiray ee  hadiiba
ay dhacdo  xaalka badan  lagu kala qaado  waxaa kamid ah Hadii Ninku
Inaadeerkii ama saaxiibkii  uu Faras ka kaxaysto,   marka uu soo
celiyo haduu yimaado Gurigii oo ragii ka maqan yahay, waxaa reeban
inuu Faraska Haweenka u dhiibo,

             Waxaana ka yaala xeer hadii la jebiyo ganaaxiisa leh.
dhinaca kalena marka Geenyadu dhasho ee lays weydiinayo neefka ay
dhashay erey bixinta la isticmaalaa  wuxuu noqdaa  Geenyadii maxay
umushay, iyadoo afka laga dhowrayo in xawayaanka kale lagala meel
dhigo.

  Noocyada Fardaha ku dhaqan Dhulka Afsoomaaliga waxay u qaybsamaan Saddex

1-Boqonweyn ama Galbeedi

2-Wajeer

3-Sunaari

Wajeer iyo boqonweyn markii la shirabay waxaa tartankii kusoo baxay
nooca Wajeeri, hase ahaatee fardaha sunaari kuma dherersan karaan
(lama beretemi karaan) waayo neef sunaari ah haduu aad u kicitimaayo
ama uu ku jiro xawli ma dhici karto inaad aqoonsado qofka saaran ama
neefku mid uu yahay,  waxaana halkaasi ka cad, sida  ay u kala
dheereeyaan oo kaalinta koowaad uu leeyahay nooca sunaari, ama
qoobyaraha oo asal ahaan laga helo Deegaanka Nugaal.

  Kaalinta 2aad waa Faraska Wajeeri, halka 3aad uu gelaayo Faraska
Galbeedi ama Boqonweynaha.

      Arimaha kale ee saamaynta ku leh Noocyada Fardaha waxaa kamid ah
tababarka labada qaybood ee Wajeer iyo Boqonweynaha  marka la
jarabarayo,  ninka macalinka ama jarabaruhu wuxuu ku dul baraa
3-5bilood,  halka faraska sunaariga ah lagu dulbaro sanad iyo sideed
bilood waa mudo gaadhaysa sanad iyo lixbilood.

MIDABADA FARDAHA

             Midabada fardaha ayaa iyaguna lagu fasiraa  inay qeybweyn
ku leeyihiin, orodkooda iyo mid walba  awoodiisa dhinaca deegaanka ama
goobta uu marayo, tusaale ahaan waxaa jira faras ay dhib ku tahay
meesha dhagaxa leh, iyo mid dhulka ciida badan marka uu ordaayo
socodkiisa wax  iska bedelaan, AHN xeeldheeraha aan sheekadan ka qoray
wuxuu tilmaamay inta uu isagu indhihiisa ku arkay ilaa 15 Nooc oo kala
ah

1.     BOOD                       6-CAYNAB
11-BAROOR SUULAL MADOOW

2.     ASHKIR                   7-BUR-CIID                        12-CUSBAA-WIIR

3.     QAAJE                     8-DHUUX-CAD                 13-BAROOR CIID

4.     XAMAR                   9-DHIMBIIL                       14-CUSAYB-NOOR

5.     GUULAAMO         10-CAS-BAROOR              15-CIR-BICIID

             Hase ahaatee  Gabaygii Sayid Maxamed Cabdule Xasan  ee
caynlayda wuxuu AHN  Abwaan Siciid-Biid ku tilaamay inuu sifaynayo
ilaa 45 midab oo Farduhu leeyihiin.
Midabka Baroorka la yidhaahdo oo noqon kara Faras ama Geenyo waa ka
ugu muhiimsan dhamaan.

                In badan waxaynu maqalnaa magaca Senge, waa Faras
isagoo yar la dhufaanay markay beretan noqotana, waxaa ag iman kara
darmaan garabweyn ah oo aan weli Faras  kutin, sidaa si lamid ah raga
Fardaha ku xeeldheeri waxay isku raacsanyihiin  Sange Baroor ah mooyee
wax kale ma hawaysan karo darmaan Garabweyn ah.

KOORAHA FARDAHA

Farduhu waxay leeyihiin heense  waa agabka ugu muhiimsan ee aan
la’aantood la fuuli karin heensuhu wuxuu ka kooban yahay 9 shay oo
kala ah koore markuu isku dhanyahay ka kooban afar qaybood oo kala ah.

1-Geed la qoray          6-Yaar ama Xakame

2- Harag lo’aad laga shaqeeyey  7-Hoos dhig

3-Rakaab                                     8-Korsaar

4-Wegerad                                   9-Shalmad ka samaysan marada Shaalka

5-Jare

ORODKA FARDAHA

                  Hadaynu jaleecno orodka iyo qaababka kala jaadka ah
ee lagu yaqaano oo mararka qaarkood xarrago iyo quruxda socodkooda
indhaha aad usoo jeedo AHN abwaan Siciid-Biid oo ah Macalinka waaya
araga ah ee Sheekadan aan ka qoray wuxuu tiriyey 7 Nooc oo kala ah

1-Kadle  4-Gaaguf

2-Cidilaab 5-Kacdin

3-Jeefag   6-Xawaare

                 7-Xawli

            Intaas oo u kala horeysa sidey isugu xigaan marba marka ka
dambaysa ayuu sii kordhiyaa, socodkiisa waxaa jira laba hab oo loo
fuulo Fardaha waxaanay kala yihiin  LEEDO iyo HEENSO.

              Dhinaca caafimaadka  xaalado dhowr ah oo hadaan cida
Faraska watadaa  ka taxadarin sababi kara xanuuno halis ah oo ku dhaca
ayaa jirta, marka uu farasku galo orodka nooca loo yaqaano KACDIN ma
neefsado. Raga aqoonta u lihina marku mudo sidaa ku hayo intuu qabto
ayuu neefta kasii daayaa.

   Hadii kale waxaa Faraska ku dhaca oo aan seegin cudur la yidhaahdo
FUDROOR, daaweyntiisuna waxay ku qaadataa hawl badan waxaana qasab ah
sagaal ama toban wan oo ahmin ah, inaad u qasho wan kastaana siduu u
dhan yahay xitaa dhiigiisa oo la karshimay ayaa la cabsiinayayaa.

                              Waxaa kaloo  jira cudur  soomaalidu u
taqaano DARFAC oo kaga dhaca feedhaha, xanuunkan waxaa sabab u ah
marka in mudo ah lagu fuulo mir la’aan. Waxaana lagula tacaalaa subag
Idaad, qisada yaabka leh waxay tahay iyadoo aan loo quudhin dawada ugu
dhow oo ah  Dab, balse waxaa dhacda in faraska xanuunsanaya meel
lasoo joojiyo, goob dhowr talaabo u jirta oo u muuqadana waxaa la
keenaa dameer, kadibna intii meelood ee faraska dabka lagaga dhufan
lahaa, waxaa lagu dhejiyaa Dameer aan waxba qabin jiritaanka qisadana
wuxuu tusaale usoo qaatay AHN abwaanku heesta  CUDURKA KAA GALA
FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER . gabagadiina waxaan leeyahay Rabbi haw
naxariisto oo ha u nuuro Xabaasha Cidkastoo Nasiib u yeelada Qormadan
Akhriskeedana waxaan si aad ah uga codsanayaa in loo duceeyo
Marxuumkaas, Allena uga barino inuu Dembigiisa dhaafo Naxariistii jano
ka waraabiyo.. Aaamiin