Meherkii E-Dahabka! Qalinka Muuse F. Jaambiir

MEHERKII E-DAHABKA –  Hoy ahaan, waxay ahayd madal qurux badan. Wuxuu ahaa masrax lagu farayaraystay oo si casriya loo bilay, udug iyo bidhaanna sankiyo isha ba dhereg ugu filan. Sidda loo qurxiyay goobta, ayaa dadka lagu marti qaaday laftoodu u qurux badnaayeen. Labeen bulsho oo da’ kastaba le’ ayaa isugu timi.

Kaadhka marti qaadka ayaa qiimaha madasha sheegayay. Gadh cas iyo gadh madow, inan rag mooyee cid kale halkaa laguma casuumin. La yaab may lahayn oo iyagaa lahaa. Ugub may ahayn ee curad bay ahayd. Dhaqan iyo dhaadasho udub cusub lagu taagayay ayay ahayd. Xidid iyo xigaalba, labada dhinac ee gacalka cusubi way fadhiyeen. Markii laysu soo dhammaaday ayaa la furay barnaamijkii laysugu yimi. Akhriska Aayado qur’aana iyo wacdi guud oo wanaaga loo fadhiyay ku saabsanaa kadib, waxa loo gudbay wejigii labaad.

Waxa istaagay haybadle gadh cas, hadal yaqaana, lebiskiisuna xil dhaqan muujinayo. Wuxuu ku halqabsaday dhiggii oo ka soo horjeeday. Kuye; “Caaqil hebelow; qudh iyo qabiilba waxaanu idiin waydiisanaynaa heblaayo hebel hebel, oo aanu u doonayno hebel hebel. Markaa waxaanu idinka codsanaynaa inaad na siisaan, meherkana noo raacisaan”.

Markuu intaa yidhi ee uu fadhiistay ayaa Caaqilkii kale jawaabtii u kacay. Kuye; “Hebelow, isu diido maynu lahayn, beryahan dambe na isdoonkeenu intii hore wuu ka badanyay, markaa heblaayo hebel hebel, qudh iyo qabiilo ba waanu idiin siinay, meherka na waa idiin raacinaynaa, laakiin wax baa ka horeeya ee…..”.
Qosol baa la wadaagay, midhka ka horeeya ayaa laysla fahmay riyaaqu na halkaasuu daaranaa.

Mar kale, ayaa haybadlihii wiilka u doonayay inantu, la wareegay hadalka. Kuye; “Caaqil hebelow, marka hore waad mahadsantay, waana kaa guddoonay. Marka labaad, meherka wixii ka horeeyay waa naga diyaar, malaha yarad iyo gabaati ba culays aanu sidno ayaad arki waydoo, waxaad is tidhi maxaa khaldan? Kkkkkkk, qosol baa hakad geliyay hadalkiisii, markuu go’ayna halkii buu ka sii watay. “Caaqil, waxba ma khaldana, wixii madashan layga filayayna waa naga diyaar, adna tuhunkaagu ma khaldana, ee waxa sidaa isu keen tusay casriga maanta la joogo. Wixii cumaamadaha iyo shandadaha lagu soo qaadi jiray maanta waxa bedelay Zaad iyo Edahab. Sidaa darteed Caaqil; 3kun oo dolar oo yarad hortiiya iyo 20 milyan oo shilin oo gabaatiya, Edahab aan ku shubo ii sheeg”.

Weger! oo tanba yaa u fadhiyay. Caaqilka inanta bixiyay ee yarad iyo gabaati ba gudoomi lahaa Edahab ma lahayn, ka kale na Edahab buu ku hayay. Caaqilkii way ku dhegtay, horuu u jawaabi waayay, raggiisii buu eeg eegay, qaarkood way lahaayeen Edahab, misana dhawr aan lahayn ayuu waydiiyay.

Goor dambe, ayaa mid ay Caaqilka ilmaadeer ahaayeen oo fadhiga ku xigay, indhahana uu dhaafinayay ku sarakacay oo ku yidhi; “Kanba ku soo shub”. Hadalba yaraa, caaqilkii wiilka inanta u doonayay markiiba wuu ku shubay, isna markiiba wuxuu u celiyay saamigii dhaqanku ahaa in gabaatiga looga celiyo reerka inanta doonaya, sidaana waxa lagu gudagalay meherkii. Gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax, hambalyo, sidaasaa lagu kala dareeray, markii meherkii dhacay.

Ninkii ay ilmaadeerka ahaayeen caaqilka inanta bixiyay, ee Edahabkiisa gabaatigu ku dhacay, wuxuu ku jeestay tolkii.Wixii Edahab lahaa midba wuxuu u dirayba wax buu u diray, yaradkiina inanta hooyadeed buu u diray oo aabaheed ma noolayn. Caaqilka, inanta bixiyay iyo ka ay lacagtu ku dhacday Edahabkiisu, waa ilmaadeer ruma, inantana waxay u ahaayeen adeer inaadeer ruma. Midkood, wuxuu lahaa Zaad iyo Edahab labadaba, caaqilkuna Zaad keliya. Sidaa awgeed, maamulkii lacagtaa waxa la wareegay Edahablihii, ninkaan Edahab lahayni na maalintaa wuu ka qaday gabaatigii tolka. Caaqilkii, Edahab la’aantu talada ka wareejisay waxa laga hayaa; “Aheey Ah, ma maantaa Edahab i dhacay. Laakiin, igama gardara, horaa laygu sheegay ee anaa laygu taag waayay. Maantuu iskay xusuusiyay oo dib ii cawari maayo”.

Markii ba wuxuu ku tibaday xarumaha laga helo, markuu soo qaatayna waxa laga hayaa; “Waar hooy hooy, Edahab nin ka eexday, wuu ka eexdaaye mid haysku koobina. Anigu qaataye qaata, haddii kale kaad ilowdaaba ku ilow”.

Allaa Mahadle
Muuse F. Jaambiir.