Bahda Aftahan Tacsi Tiiraanyo leh

Guddoomiyaha ahna Tifaftiraha Shabakadda Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Tifaftire Ku-xigeenka Aftahannews Faysal Xiis Weerar (Afgaab), Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Maxamed Bashiir Nuur Giriig iyo guud ahaan shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Bahda Shabakadda Aftahannews (Aftahan Media Group) waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba Bahda Saxaafadda Af-Soomaaliga wax ku gudbisa ee uu ka baxay Siciid Ismaaciil Gurraase oo ku geeriyooday dalka Itoobiya oo shalay caafimaad ahaan loogu qaaday, ka dib markii Dhiig Madaxa kaga furmay, waxaannu Illaahay uga beryeynaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo Marxuumka Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo guud ahaan inta uu ka baxay, gaar ahaanna qoyska, ehelada iyo qaraabada.

Aammiin……Aammiin……..Aammiin.

tacsi1