Dayuuradda Xabashida iyo Soomaalida Maxaa Kala Haysta? W/Q: Axmed Cabdi Kooreeyee (CAJIIB)

Ethiopian Airline in Hargeisa Airport

SEPT.11, 2015 – Anigoo Booqasho iyo fasax u tegey dalkaygii Hooyo, ayaan kasoo baxay Hargeysa, maalin  jewigu uu aad u qorux badnaa, hadh iyo hoosiis ahayd Cirkuna Daruur jiq ahaa bisha Sept.10 keedii, sannadkan 2015-ka.

Ethiopian Airline in Hargeisa Airport
Ethiopian Airline in Hargeisa Airport

Waxaan soo raacay Dayuuradda Xabashida Hargaysa illaa London. Waxaan ku degney Addis Ababa fiidkii, markaasaa Hudheel laseexdo ay nagu dejiyeen. (Waxaan idiin sheegayaa in Xafiiskaygu Hargeysa ku yaal Ethiopian Airlines ka dushooda daarta baxsane ee Cimaaratul Khayr oo ka soo horjeeda Baar Hargeysa.), ismaan lahayn haddii Soomaaliya ARGAGGIXISO lagu sheegayo Adigaa lagugu sheegayaa.

Subaxdii Sept.11, 2015(Sept.11 waa maalintii la qarxiyey Mareykanka sannad-guura walba waa in la qabtaa qof Muslin ah oo ARGAGGIXISO ah), waxaan ka duulnay 10:30 Addis Ababa to London Ethiopian Airlines. Cunta aan xalaal ahyin bay nasiiyeen iyo cabbitaan intaanu hawada ku jirney. Rakaabku waxay u badnaayeen Soomaaliya.

Laakiin, aniga waxa I ag fadhiyey nin reer Simbaabwi. Waannu sheekaysannay xagga madaxweynahooda Robert Mogaabi iyo nin halgankii Jabhadda la soo galay oo la odhan jirey Jooshmo Onkoomo. Waxaan kalloo islasoo qaadnay sababta loo ICTRAAFIWAAYEY Somaliland.

Waxaan sii soconney qiyaasti 8 sacadoo. Dhow jeer baan jarska garaacay markaan harraaday. Markaan fadhiga ku daalona halka dhexda Ayaan ku manja baxsadaa oo socsocda. Xabashiyad Dayuuradda ka shaqaysa baa igu qaylisay oo tidhi; “Waryaa sitdown” intaan sidaa u eegay baan ka jeestey, may odhan PLEASE.. maxay u tidhi waryaa oo ku garatay inaan Somali ahay. Waa kelmad yasid ah.

Ethiopian Airline in Hargeisa Airport
Ethiopian Airline in Hargeisa Airport

Mar danbaan fadhiistay, dayuuraddina way soo dhowaatey inay London soo caga dhigato. Maba ogiyi shaw tilifoon bay direen Xabashidii dayuuradda wadatey. Waxay London airport ka ku yidhaahdeen nin ARGAGIXISA ah baa nala socda. Dayuuraddana khatar geliyey intii annu soo soconney.

Waaba laysugayaa anna ma ogi. Markay dauuraddu soo caga dhigatay waxay istaagtey meel aanan hore u arag waan yaabay 25 sano baan dhoofayey. England waxan ugu tegey Aabhay (Allah yarxamo) oo Seaman ahaa 1977 markaan ka baxay Secondary Sheekh.

Waxba yaanan hadalka idinku daalin, markay dayuuraddu istaagtey, waxa duuliyuhu ku dhawaaqay oo ka codsaday rakaabka in qofna aanu ka kicin kursigiisa. Waxaan idhi waa la yaab, dayuuradduna waa taagantahay. Taaqadda baan qooraansaday, gawaadhi wada qafilan iyo dab bakhtiintii eerboodka baa dayuuradda hoos joogta. Allah Kariim. Tolow maxaa dhacay.

Cabbar dabadeed baa waxa soo fuulay dayuradda niman qafilan oo si baas u hubaysan oo soo gurguuranaya. Markay marayeen kursigayga bay yidhaheen istaag gacmaha tag oo haysdhaqaajin. Oo waayo baan idhi? Waa lay qabtay laysukay jibiyey Katiinad laba duble laygu xidhay oo gaadhi qaffillan laygu ridey. Waa lay baadhay computer kii waa laga qaaday, Passportkii waa layga qaaday, shandadaydii weyneyna waa soo qaateen. Wixiiba waa la baadhay.

Waxa lay geeyey Heathraw Police Station, badhitaan baan galy 6 saacadod ah. Markii waxba layga waayey waa laysiidaayi DAMMIIN la’aan. Waxana lay yidhi waa lagugu caddaynayaa inaad ARGAGGIXISAY Dayuradda Xabashida iyo Rakaabka maanta kula socdey. Kaalay Maxkammadda 12/10/2015.

Waan saxeexay inaan imanayo. Waan tegey maalinta la cayimi aniga iyo GARYAQAAN kaygii. Lakiin dayuuraddi xabashida Cidi kama iman. Dibbaa loo dhigay bil kale ilaa iyo 24/11/2015. Maalintaana cidi ma iman Mudduci iyo markhaati toonna.

Maxkamaddu waxay ii sheegtay in kiiskaasu uu buray oo wax kama jiraan yahay, Haddad adigu dacweyneyso dayuuradda xabashida xaq baad u leedayhay inaad dacwad soo qorato. Maxay idinla tahay ma Dacawad baan ku oogaa mese maalintaydaan sugaa SOMALIYEY!

Axmed Cabdi Kooreeyee (CAJIIB)

axmedkooreeye@gmail.com.