Sweden oo sheegtay inay si weyn kor ugu kacday korodhka ku yimi Soogaleetiga dalkeeda gaadhay 2013

Stockhome(Aftahannews):- Laanta socdaalka dawladda Sweden, ayaa sheegtay in kor u kac weyni ku yimi tirada dadka Magan-galyo doonka ah ee dalkeeda iska dhiibay sannadka dhammaaday ee 2013.

ww1

Warbixinta ay Laanta Socdaalka Sweden soo saartay, ayaa lagu sheegay inay dalkooda soo galeen dad tiradoodu gaadheyso 54,259 oo Qof tiradan ayaa aad ugu soo korodhay boqolkiiba 24% sanadkii tagay 2012.

Waa markii ugu horeysay ee tiradaa dad le,eg oo magangaliyo doona soo galaan marka loo eego sanadkii 1992 markaa oo ay aheed tiradii ugu dhawdhaweyd.

Waxaa iyaguna boqolkiiba siddeed kordhay dhallanka keligood dalka yimaada oo tiradoodu ku dhowaatay 3900 oo qof.

Tirada ugu badan ee dadka magangelya-doonka ah waxay ka yimaadeen dalka Suuriya – halkaas oo ay ka yimaadeen magangelyadoon tiradoodu kor u dhaaftay 16000 oo qof. Tirada dadka suuriyaanka ah oo ka soo carara dagaalka ka aloosan dalkooda hooyo waxay ka soo labanlaabmeen tiradii sannadkii 2012.

Kooxda labaad oo magangelya-doonka ahi waa dad aan dal lahayn oo falastiyiin u badan. Kaalinta saddexaadna waxaa galay dadka ka yimaada dalka Eriteriya. Somalia iyo dalalkale oo African ah taas oo aaney xusin warbixintu.

Cabdiqaadir Ismaaciil Askar

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.