Daawo Wacdaraha Fannaanka Cabdiraxmaan-Oday & Bandhigga Nairobi ee Xiddigaha Geeska

Nairobi(AFNS):- Fannaanka Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi (Oday), Hees cusub oo uu ku soo bandhigay Bandhi-faneed ay Fannaaniin uu ka mid yahay oo Kooxda Xiddigaha Geeska ka tirsani ku ku qabteen magaalada Nairobi ee Caasimadda Waddanka Kenya, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Qaybteennan Suugaanta iyo Dhaqanka ee Warbaahina Aftahannews.

Heestaas oo uu Curiyey Abwaan Cabdiweli Saxardiid Xirsi (Abwaan OK), waa Hees Jacayl ah oo Hal-ku-dheggeedu yahay ‘DHOOL’, waxa Laxanka Saaray Fannaan Cabdiraxmaan-Oday, Muusigana waxaa ku ladhay Muusiyahanka Ilyaas Iddiris, waxaanannu Heestaas oo si wacan ugu ciyaareen dhalinyarada reer Nairobi ee inay Bandhig-faneedkaas ka qaybgalaan nasiibka u yeeshay, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.