Xaajo Nin Libin Xaaftiyay Xumihii waa yaabe !!! W/Q. Boqor Axmed BadMadow

Ganacsade Xaaji Cabdi Aadan oo ka mid ah saamilayda shirkada Red Sea ayaa inta badan shaqsiyaad had iyo jeer aan aqoon uu lahayn muwaadinka kula kaaca aflaagado iyo eedayn aanu marnaba galaabsan, sidoo kale muwaadinkan oo ah nin ganacsade ah oo dawladihii hore iyo tan danbana aan xil u qaban kuna soo saqajaamin wax hanti dowladeed la yidha islamarkana ah nin cibaadadisu iyo dhaqaankisuu aad uu wanaagsan tahay marka aad is baratan.
Qofkuna hadduu inta leeyahay xaaraanta iyo xalaashaba wuu kala yaqaana, maalkiisa iyo ganaacsigisa aan marnaba ku hamiyiin in hanti umad dhan ka dhexayso ku saqajaamo, lakinse waxa aan filayaa sababta loo eryanayaa oo aniga ila tahay in walaashii marwo Zam zam Cabdi Aadan oo ah wasiirka maaliyadda Somaliland, lakinse ay waajiib qaran tahay ay xaaq u leedahay inay wasiir iyo wax ka sareeyaba ay dalka ba ka noqoto.
Halgankii Dalkan loo soo galay ayay wasir Zam zam ay ka mid ahayd haweenkii dawoyinka iyo wixi kale loo bahdaba soo laba dhigaysay, iyadu dalku baaba’sana wakhtigii laga soo noqday xeeriyihi qoxoontiga, ayay inantii u horaysay ee haayad samafal ah umadeeda uu shaqayse sii bila hakraasho la’an ah, cid wax u sheegan karta manta ma jirto.
Sidoo kale walaalkeedna waa nin ganacsade oo xoogiisa ka macaasha horena waa loogu qaldamay ninka muwaadinka ah haddii aflagaadada la joojin waayana si qaawanbaa loo wada hadli.
Waxa aan ganacsade Xaaji Cabdi Aaden aan ka xaal marinaya cidii aflagaadada u geysatay, waxaanan kaga baxayaa maalin walba muwaadinkaasi in aanay cidna wadanka u sheegan karta oo kaga horaysa aanay jirin, oo ay tahay in loo ducayo mar walba oo dadka iyo dalka iyo agoontaba waxtara.
Intaasaanan kaga baxayaa
W/Q. Boqor Axmed Baad-Madow
Hargeysa, Somaliland