“Markaan ka soo Miiraabay dhaawacaas culus, ayaa la ii sheegay in Ninkaygi I furay!” Hooyo dhibi haysato

Muqdisho(Aftahannews):- Todobaadkii la soo dhaafay aniga oo ku sugan Xafiiskayga waxaa ii soo gashay Gabadh Garbaha la hayo, oo aan da’adeeda ku qiyaasey 24 jir. Waxay iila muuqatay Gabadh qaarka dambe laga hayo. Salaan iyo isbariidin ka dib waxaan bilaabay in aan wareysto.

Waxaan weydiiyay ujeedka ay noogu timi?. waxay ku jawaabtay; “Walaal Waxaa la i yidhaahdaa Maryan Xasan Xiireey, dad baa ii kaasoo tilmaamay in aad wax ka qorto inta badan arimaha Bani’aadanimada, markaa sidaas baan kuugu imi, kuna darso in aan muddo ku raadinayay.” Waxaan kale oo aan sii weydiiyay, waxa ay hadda u baahan tahay in aan la qabto?. Waxay iigu jawaabtay; “Walaal waxaan doonayaa in aad ii qaylo dhaamiso si aan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibadiisa Caawimo uga helo.”

Waan sii warsaday si aan u ogaado sababta?. Waxay ku jawaabtay; “Waxaan ku dhaawacmay Rasaas ay fureen Ciidammadii Itoobiya 2009-kii, anigoo ka adeeganayay Suuq-Bacaad (Magaalada Muqdisho), waqtigaas oo aan Uur lahaa, waxay wax iga gaadheen labada lugood, waxaan miyirsaday oo aan soo toosay anigoo aalla Isbitaalka Kaydsaneey. Wax yar ka dib markii uu Miyirkaygu soo laabtay ayaa la igu war geliyay in Ninkaygii i furay sababo la xidhiidha dhaawacayga oo aad u cuslaa darteed. Wuxuu ahaa hadal aan maqlo kii ugu qadhaadhaa, sababtoo ah aniga iyo caruurtayduba, Alle ka sokow isaga ayaanu ku tiirsanayn.”

Way sii hadashay Maryan oo waxay tidhi; “Dhibaatadaas waxaan la soo kufoo kacaba, waxaan aakhirkii la degay Hooyaday oo degeneyd Suuqa Xoolaha(Muqdisho), waxa intaa noo sii dheerayd in aan hadba Magaalada dhinac uga barakacno, haatan waxaan ku noolnahay Ex- Kontorool Afgooye, guri cooshado ka Samaysan baan ku jiraa, halkaas ayaanu maalinna ku quudanaa, maalinna ku qadnaa. Sadex Caruur ah oo aan dhalayna, labaa saqiirtay.”

Hooyo Maryan waxay intaas ku sii ladhay oo hadalkeeda ku soo xidhay; “Waxaan ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed ee wax haysata iyo Hay,adaha Samafalka, gaar ahaan ururada Haweenku, in ay iga caawiyaan sidii aan u heli lahaa Caafimaad dalka gudihiisa ama dibadiisa, waayo Dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen in dhaawacayga wax laga qaban karo hadii la helo dhaqaalihii lagu maarayn lahaa.”

Haddaba, Ciddii dooneysa in ay Caawinta Hooyadan Soomaaliyeed ee dhibaataysan ka qayb-qaadato ama u gargaarto, waxay kala xidhiidhi karaan Taleefan Lambarkan Hoose ku qoran:-

Maryan Xasan Xiireey

Tel 00252615529437…………

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.