Waa kuma Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland?

“Dooro Musharax lagu hubo Dedaal, Daacad, Diin jeceyl, Dadnimo iyo Waayo aragnimo Siyaasaddeed”

Tartan ayaa loogu jiraa Doorashada Madaxtiminadda Puntland ee shanta sanadood ee soo socota oo dhacaysa sida lagu waddo horaanta bisha Janaury ee sanadka.

Maxamed-Xirsi-Ducaale-300x225

Dhawr iyo labaatan Musharax ayaa u ordaya Jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka, waxaana ka mid ah kuwo cusub iyo qaar Siyaasadda Gobolka muddo dheer ku soo jiray.

Dr. Maxamed Xirsi Ducaale, wuxuu ka mid yahay xubnaha ku tartamaya Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka, waana musharaxa qudha ee ilaa hada haysta Kalsoonida in Kursigaasi loo doorton.

Waa Ruugcadaadi siyaasaddeed afartankii sanadood ee la soo dhaafay ku soo jiray Saaxadda Siyaasadda iyo nidaamka dawladnimadda, waana nin leh Aqoon dhakhtarnimo iyo waayo aragnimo siyaasadddeed.

Waa Shakhsiyad ku sifoowday hufnaan siyaasadeed, Diin,daacadnimo,hufnaan maamul,karti iyo dadaal dheeraad ah iyo waayo- aragnimo-ba, waxaanu wakhti dheer iyo waayo badan naftiisa iyo maalkiisaba u huray sidii uu dalkiisa u dhisi lahaa.

Dr-Maxamed Xirsi Ducaale  wuxuu xilal muhiima  ka soo qabtay dowladihi somaaliyeed intii xoriyadda ka dameeysay, waxaanu wixii xiligaasi ka horeeyay ka soo shaqeeyay Gobollo badan oo dalka ah.

Dawladdii Somalia ka hor bur-burkii 1991, wuxuu soo maray  Dhakhtar, Col Dakhtar Ciidanka Boliiska(Isbitaalkii Madiina),Agaasime iyo Maamulle Cisbitaalkaasi ah.

Markii ay bur-burtay Dawladdii dhexe wuxuu ka mid ahaa dadkii u istaagay dib u soo celinta Nidaamkii dawladnimo ee Somalia, waxaanu ka qayb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Dalalka Djabouti iyo Kenya.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii Waddanka uga tegi waayay bur-burka iyo balan balka u bilaabay Bulshada Soomaaliyeed, isagoo kaalin firin fircoon kaga jiray ashkhaastii hormuudka u ahayd dib u soo celinta nidaamkii dawladnimo, isagoo sida lagu xasuusto marna aan ka mid noqon kuwii u ordaya ama dhaqdhaqaaqyadaasi  ugu jiray inay Mansab ka helaan heshiis kasta oo la gaadho.

Shirkii Carta

Shirkii Carta ee Waddanka Jabouti ka dhacay  sanadkii 2000 wuu ka qayb galay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii sida weyn uga duulayay in halkaasi lagu soo dhiso dawlad cusub oo soomaaliya yeelato.

Natiijadii shirkaasi iyo dhismihii Dawladii halkaa lagu soo dhisay muu doonan Kursi sare iyo xil u qalma, hase ahaatee wuxuu noqday Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, ahna Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamankii xiligaasi.

Shirkii Imbagaati (Kenya)

Ka dib markii ay fashilantay dawladii Carta lagu soo dhisay, waxa uu mar kale ka qayb-galay, door weyna ka qaatay hir gelintiisa, shirkii lagu qabtay Dalka Kenya ee lagu soo dhisay dawladii Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Dawladda Imbagaati  lagu soo dhigay oo ah ta ay ka soo bilaabantay nidaamka iminka ka jira Somaliya, wuxuu ka noqday Xildhibaan Baarlamankii Ku-meel gaarka aha aka tirsanaa, waxaanu dedaal dheer u galay sidii uu Baarlamanka uga dhigi lahaa mid umadda Somaliyeed u horseedda dawladnimo iyo kala dambeyn u bedesha dhibaatooyinkii haystay 15-ka sanadood.

Laakiinse xaaladdu may noqon sidii ay rabeen isaga iyo qayrkii kuwii damiirku shaqaynayay ee caqabado badanbaa soo foodsaaray dawladii uu ka tirsanaa, taasoo ku kaliftay inuu ka yar nasto Dabeysha siyaasadda ee degi wayday, isagoo  sanadihii 2007-dii dib ugu soo laabtay Gobollada Puntland ee uu ka soo jeeddo.

Dr. Maxamed Xirsi ayaa juhdigii iyo daacadnimadii ku jirtay u soo wareejiyay Puntland si uu dib u dhiska iyo rejo soo celinta uga bilaabo Gobolladii ka nabdoonaa qaska ka socday Koonfurta.

Ka dib Doorashadii ka dhacday Puntland sanadkii 2009-dii, waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland, xilkaasoo uu tan iyo wakhtigaasi hayay, isla markaana uu wax badan ku qabtay.

Waxa jira Mashaariic badan oo uu hogaaminayay oo laga fuliyay Gobollada Puntland, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay ashkhaasta Madaxweynaha iminka ee Puntland talada badan ka siiya sidii umada wax loogu qaban lahaa.

Hada waa wasiir u Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ahna Musharaxa Madaxweyne ku-geenka ee shanta sanadood ee soo socda.

Marka la eego muuqaalka iyo Miisaanka ashkhaasta u taagan Kursiga uu u tartamayo, ma jirto cid kula loolami karta ama amaanadiisa lagu aamini karaa, siday sheegayaan dadka la socda arrimaha doorashooyinka Puntland iyo kuwa siyaasadda ka faaloodaa.

La soco Taariikh Nololeedka iyo aqoonta Dr, Musharax Maxamed Xirsi Ducaale oo dhamaystiran qormada dambe…

By: S.Mustafe  Cabdi Cali

Email: editor@gobanimonews.com