Hargeysa: Caasimad Harraadan!

Caasimad Harraadan: Rejo ku saabsan in Hargeysa heli doonto Biyo ku filan….

Sida qof kasta oo Caqli lhi uu qiri karo waa hubaal biyo kama dhibcaan ah oo Xaqiiq ah in Caasimadeenu ay Ooman tahay, mana aha baahida biyo la’aaneed ee ka jirta Hargeysa mid ku kooban xaafadaha Qaarkood, waxa biyo la’aantu ay ka jirtaa guud ahaan Magaalada Hargeysa oo dhan, marka laga reebo guryo tiro yar oo iyaga laftoodu hela biyo aan joogto ahayn, ma jirto amaba aad ayay u yar tahay meel ama xaafad la odhan karo si haqab li’i ah oo joogto ah ayay biyo ku filan u helaan, laakiin way is dhaamaan xaafaduhu.

KAYSAL CLLAAHI

Dhibaatada Biyo la’aanta ee Hargeysa waa mid soo jirtay muddo aad u dheer, waana mid xallinteedu iyo wax ka qabashadeedu ay tahay waajib qaran oo sugaya Xukuumad iyo Shacab labadaba, waana mid u baahan in dhamaanteen aan u guntano oo dhexda u xidhano sidii loo yarayn lahaa Culayska Biyo la’aanu ay ku hayso dadweynaheena Caasimada ku Nool, taasoo maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa.

Arrinta Biyuhu maaha mid Siyaasad gali karta, Xisbiyo Gali karta, kooxo gali karta, waa hawl Qaran oo aan kaftan gali karin, laguna dheeldheeli karin, goolal siyaasadeedna aan lagu kala dhalin karin, waa mid u baahan in si deggan oo Xikmadi ay ku jirto loo maareeyo sidii Biyo ku Filan loogu Heli lahaa Caasimada, inta taas ka horraysana si siman loo wadaagi lahaa wixii Biyo ah ee la haysto.

Hadaba marka aynu hoos ugu daadegno nuxurka qoraalkeena waxaa hubaal ah in Xukuumada uu Hogaaminmayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay dedaal aad u badan ku bixisay sidii wax looga qaban lahaa baahida Biyo la’aaneed ee ka jirta Dalkeena, iyo waliba gaar ahaan caasimadeena Hargeysa, Markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegayba waxa uu markiiba si balaadhan u hawl galiyay in Wasaaradaha Macdanta iyo Biyaha iyo Wasaarada Arrimaha Debadu ay u hawl galaan oo ay xoogga saaraan dedaal aad u badana ku bixiyaan sidii Dunida aynu u weydiisan lahayn in ay inaga taageeraan dhibaatada inaga haysata biyo la’aanta. Waxaana Bulshadeenu ay marag ka tahay in si balaadahan ay Wasaaradahaasi uga hawl galeen arrintan, kuna Guuleysteen inay Caawimo aad u balaadhan ka soo helaan Midowga Yurub iyo Wadanka Imaaraadka Carabta.

Waxaa markiiba la bilaabay Qoditaanka Ceelal aad u tiro badan oo aynu si gaar ah u xusi karno Ceelasha Xumbo Weyne oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee Hargeysa, kuwaasoo loogu talo galay inay waraabiyaan Xaafadaha Bariga iyo koonfurta Caasimada, waxaa kale oo dhinaca galbeed ka socda mashruuc biyo galineed oo ay ka faaiidaysan doonaan dadka ku nool xaafada Sheekh Cumar iyo nawaaxigoodu, dhinaca Geed deeble waxaa loo hayaa lacag malaayiin ah Dolar ah oo Yurub inoogu deeqday lana rajaynayo in Dhuun kale oo dheeraad ah lagu soo kordhiyo dhuuntii hore ee biyaha kasoo qaadi jirtay geed deeble, waxaa kale oo Ceelal cusub lagu kordhiyay kuwo dunsanaaana dib loo sameeyay, mishiino cusubna lagu soo kordhiyay Ceelasha Geed Deeble. Waxa xukuumada Somaliland ay si aad iyo aad ah ugu hawlan tahay sidii loo soo afjari lahaa waxna looga qaban lahaa baahida biyo la’aaneed ee jirta.

Aniga oo Nasiib u yeeshay inaan Dalka Hooyo tago kuna sugnaado dhowr bilood sanadkan dhamaanaya badhtamihiisii, waxa aan si buuxda u arkay baahida daran ee biyo la’aaneed ee ka jirta Hargeysa. Dhinaca kale waxaan soo arkay rajada muuqata ee ah in xilli aan fogayn ay caasimadeenu biyo ku filan heli doonto Insha Allah.

Mayorkii Hore ee Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka mid ah dadka ku hawlan kana shaqeeya arrimahan Biyaha xogogaalkana u ah, oo aan wax ka weydiiyay rajada laga qabi karo in Magaalada Hargeysa ay Biyo hesho ayaa waxa uu ii sheegay in ay aad ugu han weyn yihiin kalsooni buuxdana ku qabaan in Muddo Labo Sanadood Gudahood ah ay Caasimada Hargeysa Biyo ku filan heli doonto Insha Allah.

Ugu Danbayn waxaan usoo jeedinayaa muwaadiniinta Hargeysa ku nool ee ay biyo lanaatu dhibaatada badan ku hayso inay ogaadaan in Xukuumadoodu ay dedaal balaadhan ugu jirto sidii dhibtaas looga bixi lahaa, waxaa kale oo aan usoo jeedinayaa in ay ogaadaan in aynu hayno dariiqii ugu haboonaa ee aynu biyo ku heli lahayn, sidaas darteedna loo baahan yahay in Xukuumada lagu taageero dedaalkeeda, lagana fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara Nabadgelyadeena iyo Horumarkeena

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Bristol. UK

kaysar@diplomats.com

Qoraallada ay noo soo gudbiyaan Akhristayaasha iyo Qoraayada Sharafta leh saamayn kasta oo ay leeyihiin waxaa ka masuul ah qofka soo qoray, keliya annagu Aftahan ahaan waxaannu dhiirrigelinaynaa qofkasta oo waqtigiisa siiyey inuu wax la aqbali karo oo caqli gal ah qoro oo uu fikirkiisa cabbiro sida uu dhigayo Xeerka Saxaafadda caalamiga ah iyo Dastuurka dalalka dimuquraaddiga ah. Markaa, dhib iyo dheef, magac iyo sumcad wax kasta oo uu leeyahay maqaalkani waxa ka masuul ah qoraaga maqaalka.