Way ku lammaanayd!

W/Q: Saddaam Carab….Iyada aad baa loo jecelyahay. In aan laga maarmin baa in badani u arkaan. Haddana, waa qallad cago kulul. Waa qumayo qaxar badan. Lama deyn karo. Quruumo hore baa sidan u iyaguna u jeclaa. Inkasta oo la ogyahay dhibkeeda, qaaxo iyo Qabrina loo sahadiyo, haddana lama daayo. Waa mid la jecelyahay, waliba si aad ah. In badan oo bulshada ka mid ah baa jecel.

saddam-c-213x300

Qof kasta oo jecelina wax walba waa uu u sameeyaa daraaddeed. Isaguna dadkaas buu ka mid yahay. Waxa ay isbarteen maalintii uu garaadsaday. Adeerkii iyo aabbihii oo galab wada fadhiya baa isbaray. Isaga iyo iyada. Goortaas, wiil yar buu ahaa. Hilaaddii toddoba ama siddeed sano jir buu ahaa. Garaadkiisu aad buu u koobnaa. Wax badan oo wanaag iyo xumaan ah ma kala saari jirin. Sababtaas buu u aqbalay barashada gabadhaas.

Labdoodu muddo ayey wada socdeen. Arrimo badan baa la isla sii gartay. Markii dambena aad baa al isu bartay. Maadaama mustaqbalkiisa iyo gabadhan jacaylkeeda la isku xidhay. Maadaama hiil ay u ahayd kolka uu u baahdo. Maadaama ay xataa gardarrada ku taageeri jirtay, waa uu jeclaaday. Dunida la’aanteed in aanu waxba noqon karin buu istusiyey. Haddii uu qayshado iyada ugu hor gurman jirtay. Waa uu aamminay.

Garab iyo gaashaan aan iyada ahayn in aanu jirin buu maleeyay. Maalin ba ta ka dambaysa buu sii jeclaan jiray. Ilaa uu la guri galay oo ay bogga iska galeen. Kalgacayl bislaaday buu u qaaday. Iyana waa ay garabsatay. Habeenkii oo dhan iyada ayuu ku hadri jiray. Waa uu ku hammiyi jiray. Iyada ayaa halhays iyo halbeeg ba u ahayd. In qof gabi ahaan saxsani jir ayuu illaaway. Malaga ama aayad in ay tahay buu u qaatay. Dabadeed waxa uu u aaminay si diin samada ka timid. Khalad iyo sax wuu ku taageeri jiray. Dumar iyada ka fiican in aanay jirin buu xataa maskaxda gashaday. Wax walba waa uu ku miisaami jiray. Indho kale oo aan iyada ahaynna ma lahayn. Haddana ma uu sheegi karayn barkhad iyo balaayo midda ay u leedahay! Aqoontiisa jacaylkeeda ayaa shiikhiyey.

Haba garwaaqsan waayo waxtarkeeda, haba garanwaayo waxyeelladeeda ee aad ayuu ugu mintidaa waligii. Waa uu ku dhaar iyo nadri jiray! Qofka ceeb ku sheegana caddiyaha ayuu ula bixi jiray. Waayo waa uu jeclaa, si indho la’aan ah. In uu jeclaa walina meel walba waa uu ka caddaystaa. Ma se ay ahayn wax laga fili karayey marna. Dad badani waxa ay malayn jireen sababta uu gabadha u jecelyahay in ay tahay garasho la’aan. Sidaas awgeed bay sahadin jireen haddii uu garaadkiisa iyo aqoontiisu kobcaan uu nici doono gabadhan. Se ma ay noqon. Waloow ay jiraan dad aqoon leh oo qabaa. Hadda waxa si guud la isula ogyahay qofka aqoonta iyo garashada leh iyo gabadhani in aanay habeen isu dhaxayn. Si kasta oo ay ahayd isaguna waxa uu ku biiray kuwa aqoonta leh, gabadh caynkan ahna ay wada joogaan. Wax la fili karayey ma ahayn.

In uu gabadhan iyo aqoontiisa isku hayo dhowr aarrimood baa loo aaneeyaa. Waligii wax iyada u dhaama ma uu arag. Dad badani aqoonta in ay ka doorteen gabadhan buu ogyhay. Laakiin bulshadiisa ayaa gabadhan aqoonta ka jecel. Meel uu bulshadiisa uga go’o buu arki waayey. In uu iyaga baro waxa maankiisa ku jira iyana wuu tahli waayey. Saboolnimo in ay sabab u tahay iyana wuu ku fikiray. Sidaas oo kale maankiisa ayey la kortay. Dabadeed ay noqotay waax isaga ka mid ah. Waxa kale oo uu wali aamminsanaa in aanu la’aanteed wax noqon karin. Sababahaas oo dhan baa gabadhan ku dabray oo qoorta ugu duubay. Isla sababaaas baanu uga madax adaygay furriinkeeda. Sidaa darteed hadh iyo habeen waa uu isgarab wadaa. Hawl kasta iyada ayuu kala tashadaa. Go’aan kasta oo noloshiisa ahna, waa ay ku lammaantahay.

Hase ahaatee, maxay bay dadku kuula yaabayaan haddii aad gabadhan wada noolaataan? maxay ula yaabayaan in aad kala tagtaan haddana? Mooyi. Iyagu ha ka warceliyaan. Ma jiraa wax qabis iyo furriin u dhexeeya? Haa way jirtaa. Maxaa la yidhaa? Furdaamin baa la yidhaa. Furdaamintu waa maxay? Waa furfuridda dhibaatooyinka, iyada oo la iska jiray abuuridda dhibaato kale. Ama xal u helidda dhib xalkiisu noqday dhib kale sida gabadhan qabiddeeda iyo furriinkeed. Adigu haddaba gabadh ma furi kartid, ma qabi kartid ee ma iska furdaamin kartaa? Kollay nin tashaday ma tamar yara. Ayuu naftiisa kula sheekaystay. Waxa se uu awoodi la’yahay iska furdaaminteedi. Waa uu qabaa, oo jecelyahay marna necebyahay. La tashadaa oo iyada darteed arrimaha qaar uga tanaasula marna u taag beelaa daraaddeed.

Haddii aad furto kali ma noolaan kartid. Kali isu taagi maysid oo waad garab iyo gaashaan beeli. Dadka laftoodu way kugu ceebayn in aad kala tagtaan gabadha caynkan ah. Dadka haddii aad ka dhex baxdo xaggeebaad kale ee tagi? Noloshaadu iyada ayey ku xidhantahay ayuu aaminsanyahay. Si kasta oo ay tahay gabadhan in aanu furin karin baa u soo baxda. Hal mar oo kali ah baa furriinka gabadhani suuro gali lahaa. Waa haddii oo kali ah aanay ku lammaanayn intii uu wax dhiganayey iyo korriinkiisii. Haddii ay intaas ka maqnaan lahayd maankiisa waa uu ka saari lahaa. Qabyaalad la’aanteed nolosha dhadhankeeda ayuu arki lahaa. Se waa ay la kortay, wax la dhigatay, oo ku lammaanayd waligii. Waanay adagtahay in si dhib yar saddexdeed dalaaqood in uu u dul dhigaa.

Way ku lammaanayd

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Qoraallada ay noo soo gudbiyaan Akhristayaasha iyo Qoraayada Sharafta leh saamayn kasta oo ay leeyihiin waxaa ka masuul ah qofka soo qoray, keliya annagu Aftahan ahaan waxaannu dhiirrigelinaynaa qofkasta oo waqtigiisa siiyey inuu wax la aqbali karo oo caqli gal ah qoro oo uu fikirkiisa cabbiro sida uu dhigayo Xeerka Saxaafadda caalamiga ah iyo Dastuurka dalalka dimuquraaddiga ah. Markaa, dhib iyo dheef, magac, sumcad iyo xogta ama macluumaadka uu xambaarsan yahay Maqaalku wax kasta oo uu leeyahay waxa ka masuul ah qoraaga Maqaalka.