Madbacadda Qaran Waxay Gaadhay Horumar La Taaban Karo

Qaliinkii Daahir Cabdi Ciise (Daahir-Camey)Madbacadda Qaranka  waxay  horumar ka samaysay ka midho dhalinta waajibaadkeeda qaran oo ah inay daabacdo dukumantiga dawladda nooc kasta oo uu yaha.

DAAHIR CABDI CIISE 112

Hadaba waxay  maraysaa halkii ugu wanaagsanayd, waxaanan ku tilmaami karaa in ay ku jirto marxaladdii ugu wanaagsanayd. Waxyaabaha horumarka madbacaddu ku talalabsatay gaadhsiiyay, libteeda koowaad waxa leh Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, isaga ayaana digreeto ku soo saaray inaan dukumantiga dawladda meel kale laga daabacan karin.

Madbacadda Qaranka ayaa la soo degtay agabka kala duwan ee ay u isticmaasho daabacaada dukumantiga dawladda, agabkaasi oo ku filan muddo sanad ah,  Sanadkastana  madbacadda waxay soo iibsataa  agabka  gaadhsiiyay sanad kale, Maareeyaha Waxa  ku guulaysta 3 makinadood. inuu soo kordhiyo.

1mashiinka cat mashiina uu ayaa madbacadda muddo badan la il darneyd  iyaddoo markii marxuun cigaal  madbacadda aasaasay uu keenay xabda cat mashiin ah,
2.Baafareeshina  mashiin
3Later press mashiin,

Maareeyaha waxa  uu.  yidhi. Waxaan   doonayaa in marba hantida madbacadda ka soo baxda aan wax ka jarno oo aanu makiinado  soo iibsano, halka  markii hore ay noqon jirtay in la yidhaa madbacaddu $500 dollar ayey u baahan tahay.

Mid ka mid ah shaqaalaha maddbacadda qaranka oo lagu magacaabo Eng Naasir xasan. Cumar oo ka waramayo horumarka balaadhan. Ee  gaadhay  madbacadda ayaa wax uu yidhii, wax soo saarkii oo sare u kacay iyo shaqaalihii si wanaagsan ula shaqaynaya maareeyaha.

Sida  la wadda ogahay waxaanu mushaharka  waayi  jireen   lixlix bilooda,balse maareeye C\laahi maxamed jaamac( Carey) waxa uu ku guulaystay  shaqaalaha madbacaddu  mushaharka in ay qaatan 28-ka bisha.

Waxa uu Maareeyaha hore Shaqaalaha madbacadda ka hawlgal ka jiri jiray 12%. Isagoo iska dhega maray digreedaadii Madaxwaynaha oo  haday  in shaqaalaha dawlada laga jaro 100% Lix Halka maareeyaha maanta uu tixgaliyey  cabashada shaqaalah, isaga oo adeecay  digreedadii Madaxwaynaha.kana  dhigay in laga jaro 6%. Taasina waxaan ku tilmaami kara in ay tahay dadaalka iyo kartida uu la yimid.

Waa talaabo ku haboon in la soo dhaweeyo wax qabad ka muuqda ee maareeyaha, waayo{ hadii aanad u mahada naqin adoomaha alle abuurtey uma mahad naqaysid allaha ku abuurtay].

,Waxaan xasuusta maareeye ka mid ah kuwii ay soo magacawday xukuumadii hore oo ay shaqaalha wadda shaqayn kari waayeen  oo shaqadii hakad gashay  saacado kooban oo carshuurtii dalka khalkhalgashay, taasna waa mid meesha ka baxday intii  xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo talada qabsatay mar qodha  lama waayin mushaharka.

Sida oo kale wuxuu  tilmaamay inuu maareeyaha dardar galayay  hawl maalmeedkii madbacadda oo ayay shaqadda ka soo galaan 7:00am  subaxnimo  kana  rawaxaan 2:00pm taaso kordhisay wax soo saarkii daabacaadah, ayuu yidhi .isaga oo hadalkiisa sii wata  waxa uu haa,yadaha dawliga iyo kuwa caalimigaba igu baaqay inay madbacadda qaranka in ay wax ka daabacadan oo ay qaban karaan daabacaada ay u baahan yihiin.

Kuna dayaan  haa, ydda unfice oo ka daabacadda kaadhadhkii lagu soo daabaci jiray magaalada nayroobi. Si kastaba ha ahaatee  hiigsiga madbacadda waxa ka mid ah in  ay todobada magaalo ee ugu waaweyn dalka sida Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gabiley in laga  sameeyo dukaanno qalabka madbacaddu soo saarto lagu iibiyo.

Daahir Cabdi Ciise
Daaha013@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Qoraallada ay noo soo gudbiyaan Akhristayaasha iyo Qoraayada Sharafta leh saamayn kasta oo ay leeyihiin waxaa ka masuul ah qofka soo qoray, keliya annagu Aftahan ahaan waxaannu dhiirrigelinaynaa qofkasta oo waqtigiisa siiyey inuu wax la aqbali karo oo caqli gal ah qoro oo uu fikirkiisa cabbiro sida uu dhigayo Xeerka Saxaafadda caalamiga ah iyo Dastuurka dalalka dimuquraaddiga ah. Markaa, dhib iyo dheef, magac iyo sumcad wax kasta oo uu leeyahay maqaalkani waxa ka masuul ah qoraaga maqaalka.