Waxaan Ahay Hiil Qaran Haddii Layla Garto!

Qalinka Mustafe Axmed Keyse. Marka hore waxaan salaan gobannimo u dirayaa guud ahaan bulsha dayda qaaliga ah ee aan jeclahay ee u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu horree yaan Madaxda Qaranku Mucaarid iyo Muxaafid`ba gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne kuxigeenka qaaliga ah ee Sharafta iyo Qadarinta mudan.

m3

Marka labaad waxaa wagama maar maan ah inaynu wax isu sheegno oo qof waliba dhankiisa wixii qalad ah ee jira ee uu arko uu cod dheer iyo cod gaaban ba kusoo gudbiyo isagoo raacaya waddada wanaagsan ee uu wax ugu gudbin karro walaalihiisa isla markaana aan wax yeello ugey sanayn wadan kiisa tusaale ahaan waxaa jirta inay dad badan oo kamid ah bulshada marka ay wax sheegayaan iyagoo ujeeddo ahaan wax toosinaya oo qalad til maamaya inay haddana ku hadlaan hadallo wax yeelaya qarannima deenna.

Markaa walaalayaal ugu horeyn waxaan odhan lahaa halaga fiirsado hadallada oo muwaadin adoo wax wanaaji is leh wax yeello hasoo kordhin wacyi galinta aad waddaana yay noqon mid wax sii kala fogaysa midda kale waxaan usheegayaa Muwaadi niinta sharaf leh ee reer Smaliland Sacab iyo Masuul labadaba inay ka waan toobaan hadallada ay had iyo jeer warbaahinta kasoo day nayaan ee wax yeello mooyee aan wax ay tarayaan jirin waxaan ku boori nayaa mudane iyo marwaba inay ogaadaan hadalladaa cayn kaasi waa idiin sharaf dhac iyo karaama darro oo idinkaa is qiima ridaya marka erey qalloocan afkiinna laga maqlaba waxaa ogaataan inay hoos udhacayso subcaddii aydun ku lahay deen bulshada kale dhex deeda.

Hadaba walaalayaal waajibka inawada saran ayaa ah inaynu iska wacyi galinno waxkasta oo inagu keeni kara dhibaato haday tahay bulshada xaggeeda iyo haday tahay qaranni maddeenaba markaa Dhammaan Umadda reer Somaliland waxaan maanta kula talin lahaa inay wadajir iyo isku duubni ah uga hawl galaan hawlaha taagan oo ay hor illaahay ugu hiiliyaan Hashooda Maandeeq ee marka labaad halista u ah inay hallowdo oo walaalayaal wax yar bal hoos u eega addada aa haysaan inay tahay mid sax ah oo tagaysa halkii aynu hiigsa naynay iyo in kale waxaa se is waydiisaan Muxuu ahaa wixii lagu hesheeyay ee ay 18kii May.1991kii bulshada reer Somaliland ay isla qaateen Miyuu se hirgalay waxaa kale oo iyana lagama maar maan ah inaynu isu miisaanno Waxa inoo qab soomay iyo Wakhtiga aynu jirnaa ma yihiin wax isu dhigma WAA MAYA JAWAABUHU aniga iyo fikir kayga waana waxa igu kalifay inaan qoraal kan idiin soo gudbiyo. waayo walaalayaal Ta koobaad Waddada aynu haynaa maaha mid sax ah maadaama aynu wali is bar-bar wadno Qaran iyo Qabiil isu cadaw ah oo aan meelba wada gali karin inta aynu ku dhaq mayno qabyaalad ee aynu wali reer hebel taaganna hay inay naan qaran noqon kara hayan waddadii aynu u mari lahaynna aynaan haynin Ta labaad waxii ay bulshadu ku heshiisay maalintii Burco 1991kii waa laga leexday waayo waxaa marag maddoon ah haddii cod laqaado inaan maanta la qiyaasi karin bulshada inta u coday naysa Gooni isutaagga Jamhuuriyadda Somaliland sababtoo ah shacabka reer Somaliland maanta iyo maalintaa faraq wayn baa u dhaxeeya tusaale ahaan walaalayaal bulshada 100% waxaa ku dhacay khal khal iyo jaah wareer oo waxaa ka lumay hadaf koodii guud iyo waxay ahayd himila doodu ee ay hig sana yeen waxaana usabab ah khilaafka iyo muranka siyaasadeed ee mar walba taagan ee madha layska ah isla markaana waxaa meesha kabaxay wixii looga baahnaa siyaasi yiinta iyo madax dhaqameedka iyo qof kasta oo wax garad ah oo u dhashay Jamhuuriyaddan Somaliland oo halkii laga rabay inay hadh iyo habeen`ba ku hawla naadaan danta shacabka sidii ay isugu soo jiidi lahaa yeen bulshada ee ay uga dhex dhalin lahaa yeen farxad iyo kal gacayl iyo wanaag ayaa iyagii dhex doodii isku mashquul san oo waliba shacabkii ku riday khal khalka iyo jaah wareerka isla markaana iyagaa u sabab ah inay dadku bilaa mabda noqdaan maanta oo ay niyad jab iyo kalsooni darro kaga dhacdo oo ay gooni isutaa goodii iyo aqoonsi inay helayaan oo ay noqo nayaan qaran madaxbannaan kadibna taasi ay keentay inaan shacabka maanta meel loogu soo hagaaga yaa jirin. Ta sadexaad walaalayaal waxa inoo qabsoomay maaha mid udhigma wakhtiga aynu jiro waayo waxaynu jirnaa 22.sanno walina ma lihin wax la til maamo oo cad oo aynu nidhaahno waxaas iyo waxaas ayaa dhammaaday oo halkii loogu talagay amma gaadhay ama ku dhaw Tusaale ahaan hadday noqotto Waddo iyo Laydh iyo Biyo iyo wax kastaba iska daa wax kaloo waxaynu wada og nahay inaanu shaqayn sharcigii dalku oo ay qabyaaladdu ka sarayso waxaa iyana wax laga xumaado ah inay 22.sanno ay bulshada inteeda badani aanay gara nahayn WAXAN AY XAQ UGU LEEYIHIIN WADAN KOODA IYO WADANKU XUQUUQDA UU KU LEEYAHAY taas oo ah ta ugu muhiimsan ee ummadi ay ku gaadhi karto meel iyo meeqaam sare haddii allaha awooda lihi ogolaado.

Hadaba Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinka codsa nayaa inaa maanta hurdada ka kacdaan oo qof waliba waajibka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa uu u gutto hagar la`aan isla markaana ayn dib ujelleecno halkaynu hasheenna maandeeq shalay kasoo helnay iyo hawshii inaga gaadhay oo aynu hurdada kakacno waynu hurud naa walaalayaal waxaanan idinku dar daarayaa inaynu illaahay ka baqano oo aynu madaxda qaranka iyo miisaanka ay ku fadhiyaan aynu eegno oo wixii qalad ah ee jira innagoo sheegayna haddana aynu ixtiraamno sharafta iyo karaamada qofka masuulka ah isla markaana aynaan ka tagin milgaha iyo xushmadda ka dhexaysa guud ahaan umadda muslimka ah ee ah la jec law walaal kaaga muslim ka ah wax kasta oo aad naftaada la jece shahay.

Allaa Mahad Leh.

Mustafa Axmed Kayse (Mr.Mak)

Ex. Gud, Ururka Solco

E-mail:  mak.solco@hotmail.com

Mobile: +252 63 474 0393