‘Caddaaladdu Waa Waajib Diiniyan ah!’ Qalinka Deeq Maxamed

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo!. Diinta Islaamka Caddaaladda waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah. Waa Mawduuc aad u weyn oo xidhiidh la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hoggaanka iwm. Waxaana lagu sheegay Qur’aanka & Sunnaha.

CADDAALAD KAFAD IYO MIISAAN IYO DUBBO MAXKAMADEED

Sidoo kale, waxaa jira Aayado iyo Xadiisyo badan oo kusoo arooray in Caddaaladdu tahay shay muhiim ah u ah dhismaha/jiritaanka Shaqsiyadeed, Qoyseed & Midka Qowmiyadeedba. Fikrada Caddaaladda waxa ay la xidhiidha Sinnaanta Xaqa iyo runta, iyadoo aan la isku kala saarreynin sababo la xidhiidha midab, dhalasho ama mararka qaar Diin. Caddaaladdu ma kala laha sarreyn, nasab, hanti ama sharaf waa mid ay tahay in loo wada sinnaado shaqsi walbana ay qabato si isku mid ah.

Caddaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dawlad Islaam ah, haddiise la waayo waxaa la waayi Madaxda iyo dawladdaa sidii loo waayay Qadaafi iyo Xusni Mubarak. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in caddaaladda aanan la helin in badan, sidoo kalana in caddaaladda aanay helin dadkii mudnaa, tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

Caddaaladdu waa waajib. Erey ahaanna Caddaalad micnaheedu waa isku dheelitirnaan. Sida aan kasoo xiganaayo Cimlaaqi aqooneed ee masaariga ahaa Dr. Sayyid qutb wuxuu yidhi; “Caddaaladda bulshadeed waxa ay ka kooban tahay seddex sheey: 1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda. 2) In bani’aadmigu sinaado {Waxyaalaha Qaar} & 3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixida masuuliyada bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadida ficilo dhab ah sida bixinta Sakada, haddiise ay jirto in ay baahida bulshada kaafiyi weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.”

Nabigeenna Muxamed (C.S.W) (NNKH) wuxuu yidhi; “Toddobada qof ee Aakhiro hadhka Illaaheey hadhsanaya waxaa ku jira shaqsi u caddaalad falay dadkii uu xukumayay.” Waxaa markaa muhiim ah in caddaalad-darrada laga fogaado. Caddaaladdu waxeey keentaa nabadda, Midnimada, Horumarka dhinacyadiisa kala duwan xag buslsho, xag Aqooneed, dhaqan-dhaqaale & ilbaxnimo.

Hadaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xilkii ka qaaday 18-kii bishan April 2015 Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, isaga oo u nisbeeyay sababo jira awgood iyo weliba Dastuurka u dejisan Qarankan Somaliland. Sababahaas oo ay ka mid ahayeen kuwan soo socda:-

“Madaxweynuhu Markuu Arkay:- Qodobka 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:-  Qodobka 105-aad, Faqradiisa 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:-Warbixintii iyo talo soo-jeedintii Guddiga Caddaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adag tahay wada-shaqaynta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddiga Caddaaladdu; Markuu Arkay:- Cabashooyinka is-daba-joogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday:-  In loo baahan-yahay is-beddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Caddaaladda dalka.”

 

Haddaba, ummadi halka ay ka dhisantaa waa Caddaaladda oo qof walba gaadha, isla markaana dareemaya, midhaheedana goosta. Caddaaladud haddaanay jirinna nololi jiri mayso, sidaa darteed, waxan Madaxweynaha ku hambalyeynayaa go’aanka ku dayashada mudan ee uu qaatay, isla markaana uu tixgaliyey baahida shicibkan uu Hoggaamiyaha u yahay.

Waxa qoray:  Deeq Maxamed

Guure2008@live.com

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan, sida ay dammaanad qaadayaan Dastuurka dalka iyo Xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda cabbirka fikirka.