Ismana bartaan, mana kala baydhaan! – W/Q. Cabdiraxmaan Cismaan

 

Ilaa yaraantii waxaanu ahayn kuwo meel iyo madal qudha ku koray kuna soo wada barbaarey. Ciyaar iyo ciyaalnimaba waanu soo wada qaadannay. Wax kasta oo waalidku noo keeno waanu

 

wadaagi jirnay; waxay ii ahayd walaal aan ku farxo oo kale: wehelkayga u badan iyada ayuu ahaa. Iskuulkana waanu isku kursi xignay, markasta dhinaca ay u guurto ayaan ka daba tegi jiray mana jeclayn iney seken keli ah ka maqnaato noloshayda.

 

Waxay ii ahayd waxtarkayga koowaad dhanka hiigsiga iyo horumarka. inkastoo aaney iyadu gaadhi jirin heerarka ay i gaadhsiisay, waxay i bartay sida kaalinta koowaad loo galo anoon aqoon sida loo gudbo imtixaanka ama dhicistiisa looga badbaado. Markastoon dhiirigalin uga baahdo dhankeeda waan ka heli jirey si aan hagrasho lahayn oo bilaa shuruud ah. xataa waqtiyadda daabulka lagu jiro ee maamuluhu ardayda u khudbadaynayo markaan jaleecaba waxay odhan jirtay waad sheegi kartaa, waad hadli kartaa, waad hanan kartaa, waanad hoggaamin kartaa, waad ahaan kartaa waad lahaan kartaa iyo in ka badanba. taasoo i gayeysiisay iney maalinba maalinta xigta ay kalsoonidaydii soo korodho siina korto. ilaa xad aan noqday hormoodka facayga. anoo afar iyo toban gu’ jira ayey ila qortay buugayagii u horeeyay een u wada bixiney ‘midabka qarsoon’. Ma qiyaasi karo waxaan ku masaalo halkay iigu jirtay iyo kaalintay ii buuxisay, khiyaalkayguba waa iyada waxaanse odhan karaa si kooban iyadaa ahayd “jiritaankayga”.

 

Waan jeclaa waligayba, se imika si dhab ah ayey iigu dhabowdey riyo aan qabey waqti dheer. waxay noqotey qof naftayda ka mid ah, waanu is guursanay. ma jirin qof la ayni ah oo malaha boodhka u badheedhi lahayd iney ila seexato. furaash yuuban iyo furIn yarba wixii la heli karo ayey igu ogalayd. maryo iyo mariin korka ay iska saarto uma hayn igumana dirqiyi jirin. yaa laga heli karaa oo kale deeqdaas iyo dadnimadaas?   abaal weyn baan ugu hayaaaye, waligeed iguma dhibin adduun gacmahayga ka maqan waxayse igu ganaaxi jirtey inaan gaadho himiladeyda oo inteeda  badan ay iyadu iisoo bandhigi jirtey iguna guubaabin jirtay ilaa aan ka guuleysanayo. heerka noloshayda iyadaa kor u qaaday, weliba weligeed iima manno sheegan. aqoonta waxaan ku bartey bogaadinteeda ilaa aan ka gaadhay darajadda u sareysay ee foore fuulidda.

 

Markaan waxbartey noloshaydii wey is badashey. iyadii waa garteede waxa u bilaabmay raaxo horleh, rafaad dheer dabadii. xadhkaha ayey furatey xubnahana wey fidsatey ana xiisaheeda ayaan u rumeeyay. asxaab badan ayaa la is bartey, tamashle iyo tumasho ayaana bilaabmatey. iyadii qayishay ana ku ayiday, fan iyo fanaaniinba la noo tume. si fiican ayaanu u dabaalaney oo u dabaaldegnay. Dal iyo dibed meel loo dalxiis tago oo noo dhimani ma jirto; daawasho iyo duunyana wax la sheegaa nagama maqna. Bilicdeeda iyo quruxdeedana wey muujisataa xilliyadda gaarka ah ee aanu akhyaar miidh ah ula majliska nahay se mujtamaca guud taas wey ka qarsataa waxaana lagu yaqaanaa dhowrsanaan. Markay dadku siddaas ugu garaabayaana waxaan hoos isu  idhaa ma fashilisaa oo ma faydaa ‘xijaabka beenta ah’ ee la huwinayo; waxaad mooddaa iney maqlayso faqa gudahayga ka socda iyadoo indhahayga eegaysa ilmo iyo qosolna ii muujinaysa ayey ummadda ugu hal celisaa waa ‘dhaqankiisa’. Goortay dadka kale ka dhaqaaqaana waxay iila badheedhaa maxaad is-weydiisay mase ku dhacdaa inaad ka run sheegto waxaad tahay. Ma adaa noqon kara wax jira oo iga maarmi kara mise anoon jirin ayaad jiri kartaa? Sow ma ogid inaan hafar kugu haysto: Waxay dadku u qabaan inaad leedahayna aduu waad ogtahay inaan anigu iska kaa leeyahay adiga dhamaantaa. Haa iyo maya midna ma odhan karo se’ madaxa iyo qalbiga ayuun baan ruxaa maxaa yeelay horteeda ma yeelan karo mana lihi waxaan madallaha iyo masraxyadda la tago ee waliba inta mudnaanta koowaad la i siiyo haddana la iga dhageysto lana dhitaysto ee kaaga darantana la iigu sed-buriyo; isagaa hadalkaas yidhi. Malahayga iyaddaa ii soo dhiibata erayada iyo weedhaha aan jeediyo iyadaana haboon in loo nisbeeyo miid iyo maad midkastooy yihiinba.

 

Guusha ayey igu gumaysey ana uma bixi karo inaan raadsado waxay u taqaan guul-daradda waayo dadkoo dhan ayaa la qaba aragtidaas. inkastoon saluugnahay haddana ma beegsan karo jihadaas cidlada ah.  La’aanteedna uma lugayn karo ‘baahi’ ka baxsan laabteedan aan u noqday maxbuuska la maamuustay. Habeenkii markaan sariirtayada dhinaca dhigno een haweysanayo inaan waano iyo wacdi u furo ayey intay laydha daaqadeeda furato  iska gashaa haasaawe iyo hawo ay kaga bogato ‘telefoonka’ aynigeed iyo asaageed. Markaan ka daalo sugitaankeedana waan iska dhageystaa sida ay ii bahdilayso, Iyana waxay igu sii abuurtaa xumaan iyo sii fogaansho aan u qaado waayo waxay ii quudhaa wax kasta oo aanan ka filaneyn waxay i maqashiisaaba wax aanan maqlayn. Ma sawiran karo cida ay la hadlayso iyo waxa ka dhaxeeya, se’ waxaan arkayo uma adkaysan karo waayo sidda dabecsan ee codkeeda xabeebta lihi u baxayo, hadba geesta ay isu rogrogayso, iyo laabta ay barkimada saar saarayso intuba waxay maskaxdayda ku beereen hummaaga ‘qayrkay’. Ma ahi kolay kaas haddaan dibbeda uga bixi lahaana kama adkaysan karo qosolkeeda ay ogaanta ii maqashiinayso muddada xigtana ay aamusnaanta dheer  galayso ana aan dhegta soo saarayo daaqadda anoo raba inaan bal inuun maqlo erayo igu soo duula. Goor danbe oo daakiradda ‘Salaadda Subax;’ soo dhawaato ayey si degdegsan u macasalaameysaa cidda ay sheekadda dheer la waday iyaddoo anigana i maqashiisa ‘magac dumar’ oo lagu soo gaabiyo habeen wacan macaantaydiiyeey. Dareen horleh ayey igu abuurtaa magaca ‘gabadha’ ee la i maqashiinayo, waxaanan u haystaa oo qudha iney tahay ‘sarbeebta’ iyo ‘sirta’ la isku af-garto ee hore loogu soo heshiiyey.

 

Wax waliba waxay ku dhacaan una jiraan qorshe haddana ma cadayn karo iyana igama caawiso is-moodsiiskaygan aan u meel iyo maare waayey. Marmarka qaar baa la addimaa anigoo intaan sare usoo fadhiistay oo foorara misana hoos isu leh waan fahmayaa waxay wado oo dhan ayey igu tidhaa maad naga seexatid deeto si cabsi leh ayaan degdeg ugu tiraabaa ‘tuko ayaan is lahaa’, iyana waxay tidhaa ‘tukashadee’ waar haddaad ‘Salaad’ tukasho ay kaa tahay iimaad sheegteena iska ‘Jiifso’. Deeto, niyadda ayaan iska idhaa waxay ka xun tahay inaad ‘tukato’,  la’aanteedna ‘Salaad’ uma kicin horteed iyana ma jecla Salaadda marmarka ay dan iga leedahay mooyee.

 

saacaddu waxay guclaysaba waqtiguna is guraba fikirkayagii ayaa kala tagey. anuu waxaan doonay si ka duwan dareenkeedan taagan iyo haatan iyana waligeedba uma baran mana dhicin inaan dabeecadda ka hor imaaado. waxaaban ahay midka ay gacmaheeda ku sameysatey; ma dafiri karo oo la’aanteed maba noqdeen naf la tirsado ama qof muuqda toona. Ma awoodo oo ma tahli karo inaan u bandhigo diidmadayda dariiqan ay ku joogto mana soo jeedin karo dawga cusub ee aan danta mooday. Cabsida u badan ee i haysaa waxay tahay ‘haddii aan hadlo waxaan ka baqo qabaa inaan waayo kalsoonideeda oo ah kalsoonidayda’ umana badheedhi karo kelinimo horleh waayo horaan isu dhiibay ismana bixin karo. Iyana waan hubaayoo iima baahna waabay i baabi’in kartaa markay doonto arrinkaygu’se waa is-diido iyo isla-doonashadeed.

 

Wax kasta oo aan haysto waxaan garanayaa iney yihiin kuwa iga qaaday xoriyadaydii. Ma haysto cid aan u sheegto oo ii garaabi karta waayo dhammaantood waxay hammiga ku hayaan iney mar uun gaadhaan halkaan joogo. Firaaqo ma lihi mar walba waxaa la iga dhigay mashquul si aanan u helin waqti igu filan oo aan ku falanqeeyo xaqiiqadda noloshayda iyo runta waayahayga. Iyadda iyo iyaguba waa igu lamaan yihiin had iyo goorna waa la i wada waardiyeeyaa oo la iima ogola inaan miridh ka maqnaado agtooda iyo aragoodaba. Badanaa ma lihi go’aamadda aan gaadhayo ee waxa la iiga soo gudbiyaa daaha dabadiisa waanan ku qasbanahay inaan siddaas uun u raaco hadba wixii la i faro xataa inaan faaleeyo la iima ogola iska daa inaan fikirkayga ku darsadee. Dadka ay iyadu i barto ee ay iigu sheegto dadka wanaagsan ee sharafta leh waan necbahay dadka oo dhammina wuu necbaan lahaa haddii ay ogyihiin waxaan ogahay ee ay ku dhaqmaan markay iska qariyaan muraayada iyo muuqa dadka ay isu-tusaan sawirka quraxda badan. Waxaad moodaa inaanu ku kala cabbirno hal dareen laba carab oo kala duwan waa hubaal iney lahjadda aanu ku hadalnaa kala geddisan tahay. Xageeda waxa guusha ay u taqaan anniga waa guul-daradeyda, xagaygana waxaan wanaaga u aqaan xageeda waa xumaan.

 

Fikrad aad u fog ayaa qaabeysa dhaqaaq kasta oo aan sameynayo waxay qabtaa in dhidid la’aan la dhergo, tacab la’aan la taajiro, taaj la’aana la talliyo. Waa inaad saameyso qalfoof madhan si aad u maamulato riyadiisa iyo raadkiisaba adoo saaraya magac, maal iyo mansab aanu mudnayn kaasaa si fudud loogu muraad-qunsaddaa. Ma addaa awooda inaad ka badheedho beenaynta waxaan kaa dhigtay inaad ahaato? Deeto idhi ‘oo miyaaney afar ii furnayn inaan kala doorto?’ waad is-leedahay se’ mid kugu soo bannaanaatey baa kugu  balaadhatee saddex siyaado ku sii saara ma adaa ka lug bixi kara? Bixiso ileen kuma barto biimo igamana baydhid.

 

Malemuramihii Cabdiraxmaan Cismaan