Ugu horreyn waxa aan ka xumahay in ay ciidanka boolisku dhibsadaan qaybtii kowaad ee qoraalkii aan ka sameeyay fool-xumada aan ku soo arkay Taliska Bariga Hargeysa ee Degmada Gacan-libaax. Waxa aan leeyahay ‘isku heli maysaan in aad dadka sharci-darro ku xidhaan, ku tacaddidaan iyo in aad hadhaw cabataan’. Qof ahaan waan ku diirsaday dhambaallada isoo gaadhaya ee sheegaya in ay ka gubteen maqaalkii hore.
Isaga oo kala mid ah xarumaha kale ee Ciidanka Booliska, waxa aan Saldhigga New Hargeysa ku astayn karaa goob u taagan dulmiga iyo tacaddiga muwaaddiniinta. Inta ay wanaajiyaan waxa mar walba ka badan inta ay xumeeyaan waa aragtidayda. Weligay hal maalin ayaan tegay aniga oo ka cabanaya gabbood-fal la igula kacay, halkii ay wax iiga qaban lahaayeen waxa wakhtiga la igaga riday ‘soo noqo’. Markii aan caga-jiidkooda ka yaabay ayaan ka tanaasulay dacwaddii aan geeyay ee aan xaqa u lahaa in wax la iiga qabto..
Dhaqannada ugu daran ee aan ku soo arkay waxa ka mid ahaa
1. Maxaabiis la iska hayo muddo bil ah, inta maxkamadda loo qaado ayaa la soo celiyaa iyaga oo aan Garsoore la horgeynnin
2. Askartu waxa ay si badheedh u dhacdaa waxyaabaha loo keeno maxaabiista. Waxa aad mooddaa budhcad aan calaf kale lahayn, indhahoodu waxay eegayaan dhuuniga dadka xidhan.
3. Askartu waxa ay garaacid iyo ciqaab isugu dartaa maxaabiista. Habeen ayuu nin garaacay albaab, iyada oo aan la weydiinnin kii uu ahaa ayaa la soo saaray shan iyo toban maxbuus, waxa lala dhacay tuumbooyinka biyaha, waxa lagu amray in ay farta ku wareegaan, kacaa-fadhiistaan, dhegahana qabsadaan. Waan ka naxay markaan arkay
4. Waxa aad mooddaa in fasax loo siiyay waxyeellada maxaabiista, waxa ay qaataan bud iyo dhengado caag ah oo ay dadka la dhacaan xilliyada xaadirinta.
5. Waxa dhinaca la saaraa qofka lacagta haysta. Dembi-baadheyaashu waxa ay deelqaaf kula kacaan dadka ay soo xidhaan dadka hantiileyaashi ahi, muxuu nin danyare ahi u taxaaban yahay nin duunyo haysta!
6. Qofkii waxoogaa lacag ah bixiya waxa la fadhiisiyaa bannaanka, kii aan gacanta fidinnna gudaha ayaa lagu tigtigaa.
7. Waxa hab laaluush ah Saldhigga lagu soo geliyaa Qaadka iyo Maandooriyeyaal uu ka mid yahay Kiniinka Hurdadu
8. Wax daryeel caafimaad ahi kama jiro, dad dhaawacyo qaba oo dhakhtar u baahan ayaa la iska hayaa muddo bilo ah. Ma iyaga ayaa qaadaya naftiisa haddii uu waxyeellada u xijaabto? Meesha miyaa la isku khaarajinayaa?
9. Waxa aan maxaabiista u dalbay dhawr buug oo ah Diiwaanka SAMO-TALIS si ay ugu maarraroobaan. Nasiib-darro, waxa irridka dibadda ka celiyay taliyaha. Akhrisku ma dembibaa?
10. Xilliyada qaar waxa go’a biyaha. Dadku waxa ay ku sigtaan in harraad loo dhinto!
11. Waxa jira dad aan cunto loo keenin oo dulsaar ku ah dad kale. Dawladdu sidee ayay raashin ugu samayn weyday dadka ay xidhayso. Waa dulmi in qof gaajo lagu eegaa!
12. Waxa ugu weyn ee laga fekeraa waa hunguri. Haddii uu qofku waxoogaa fara-guudkood ah siiyo Madaxda goobta, judhiibba oodda ayaa laga qaadayaa. Haddii laga waayo qandhiidhana waxa lagu abudhaa qol ka qadhmuun bulaacadaha.
13. Halkii laga oggolaan lahaa in suuliga la geeyo maxaabiista, waxa qolalka la keenaa caagado lagu xaajo guto. Miyaad aragtay dad ku kaajaya halkii ay seexanayeen, waxna ku cunayeen?
14. Gebi ahaan waxa eber ah nidaamka dembi-baadhista, miyaad aragtay qof ku xaquuqaya wax loo yeedhiyo oo aan caddaalad ahayn?.
Meerisyadan koobani waxa ay ka warramayaan in aan loo dulqaadan doonin cadaadiska iyo fool-xumada ay hadhsanayaan ciidanka Boolisku, waxa iman doonta xilli ay shacabku ka kacaan duudsiga ay u dulqaateen ee barriinsaday. Iyada oo filaysa in ay kacdoonno dadweyne huri doonaan marka la gaadho 26ka Juun 2015ka haddii Alle idmo, kuna hal-qabsanaysa qaar ka mid ah horjoogayaasha Saldhigga New Hargeysa waxa ay tidhi:
Boogaha ammaankow
Bileys-dumiyeyaashii
Boolida ku naaxow
Beddel iyo Rabiicow
Cawilkii na boobow
Biidhi-qaateyaashiyo
Buste iyo Af-taagow
Indho-waranle baad iyo
Bini iga sugaayow
Bakhti-quute liitow
Daaddaa bud iyo feedh
Kibir ii badheedhow
Inta baaddil jecel iyo
Baadhaha Cirree naar
Loo bushaaro sheegow
Anigoon baraad qabin
Baradaan ku noolaa
Barqo weerarteenoo
Burisee tixgelintii
Bohoshaad ku tuurteen
Wixii kaaga soo baxa
Bidho waa sedkaagee!
Waxan ahay barbaartii
Barashada aqooneed
Baar sare ka gaadhiyo
Bare iyo qoraa iyo
Hal-abuur buruudliyo
Cilmi-baadhe kheyrliyo
Baarqabkiyo Imaamkaad
Bartay tuugtu jiifeen
Bahdilaad ku geysee
Wixii kaaga soo baxa
Bidho waa sedkaagee!
Baahida dhulkaygiyo
Wuxuu biiyay ee badan
Marka aan bannaan-baxo
Boqollaal kun roo ruux
Baqool bay rugtaadiyo
Beydkaba ku soo geli
Lix bilood ma buurnoo
Ma badnee dharaar Juun
Wixii kaaga soo baxa
Bidho waa sedkaagee!
Yaa la baacsan doonaa
Yaa la beegsan doonaa
Horta yaa sidii beed
Baxsanow la jebiyaa?
Haddii aan baroon iyo
Baasuuke ii iman
Banbo aasan iyo qarax
Haddii aanu beledkiyo
Baallaheenna aafayn
Alloo baaja mooyee
Bayhoofku waa faral!
Baaqaygu wuxuu yahay
Mar hadday ka boodeen
Buundada distoorkoo
Beelayni taalloo
Ballan-qaad wasiirkii
Barbaar uu axdiga galay
Uu boqol jir doorbiday
Mar haddaanu bilistii
“Naga baydhba” odhan karin
Boqollaal tijaar iyo
Hadduu beeray qoys qudha
Burjigiyo xilkee guud
Baho ay ku shiriyaan
Belooy maanta noo curo!
Baahida dhulkii taal
Hadday qaar binaysteen
Bilyan fooq la qiimo ah
Darna bacadka jiifaan
Haddii ay baloodhada
Ugu biiriyaan kii
Bawn haystay farabadan
In la bililiqaystiyo
Booba yaa waddaniyaay
Way ii bidhaantee
Belooy maanta noo curo!
Beri eedhi eedhkii
Baawar maan lahaynoo
Bilihii mashruucana
Barashada duruustaan
Barkhad goosanaayee
Haddaan baarka jarayaa
Benqaasiba intii uu
Qaddaafigu ku boobee
Waa kala-baxii aan
Isku baran lahayn rage
Belooy maanta noo curo!
Inaan beercaddaadiyo
Inaan buuq samayn karo
Inaan baadi-doon galo
La arkee billaawahu
Marka aan bad keenee
Belooy maanta noo curo!
Inta beer-nugayshaay
Halkii aad badbaadiyo
Ku bariisan layd nabad
Baadhbaadho qiiqbaa
Bawdka Herer gubaayee
Belooy maanta noo curo!.
Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa/Somaliland.