Waa Kuma Kursiga Uu Ku Fadhiyo Madaxweyne SIILAANYO? Samsam Maxamed Cige

In kastoo ay muddo ka danbaysay hadana waxaan jeclaystay in aan bal dib u yara jaleeco hadalo ka soo yeedhay Madaxwaynaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland Md. Ahmed Mohamed Mohamuud (Siilanyo) ee uu kaga hadlayay musharaxnimada Xisbiga KULMIYE isagoo sheegay in isagu musharaxa loo gartay kursiga isaguna ku fadhiyo cid soo haweysataana aanay jirin kuwa meelahaas waxaas ka wadaana iska iloobaan.

Hadalkii Madaxwayne Siilanyo waxa uu u eekaa Waraabe nin aan aqoon ayaa lax ka rita, waxa uu iloobay in beesha SACAD MUUSE ay kow ka ahayd dadkii saaray Kursiga uu maanta ku fadhiyo Siilanyo waxa uu halmaamay In SACAD MUUSE Geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuuleen sidii uu madaxweyne uu u noqon lahaa, taas oo marar badan ay sameeyeen mudaharaadyo rabshado wata kuwaas oo ay iswaajihi jireen ciidamadda amniga halkaas oo marar badan inamo cad-cadi ku dhiman jireen.

Waxa ka maqan Siilanyo in tijaarta beeshu ay maal iyo moodba u hureen sidII uu madaxweyne u noqon lahaa Siilanyo.Waxa xasuustaa in Suldaanka guud ee beesha SUBEER-AWALuu ku dhawaaqay in beeshu dhamaantood taageeraan xisbiga KULMIYE,taas oo aan loo kala hadhin si loo aqbalo talada Suldaanka,halkaasna waxa ku dhacday xataa tii ay madaxwayne kuxigeenka ku lahaayeen.

Isku soo wada duuboo kursiga uu madaxwayne Siilanyo ku fadhiyaa waa kaas waxaas loo soo maray.Hadaba ilaa maalintaa ay kursiga saareen ilaa maanta ma xasuusto maalin uu si milgo leh ula dhaqmay beesha, haday Salaadiin tahay iyo haday siyaasiyiin tahay-ba waxa waxaana tusaale kaaga filan dhawaaqaas ka soo yeedhay dhawaan xataa iyagoo uu beeshu caddaysay in ay musharax yihiin madaxweyne Siilanyo dabadii

Waxa kale, oo uu Siilanyo inuu abaal u dhigto daayo waxa uu awoodiisa dawladnimo u adeegsaday kala qaybinta iyo iska horkeenka beesha dhexdeeda si awooda iyo makhaalafada beeshu ay u qaysanto iyo inuu iska hor imaad siyaasadeed ku yimaado waana taas maanta taala.

Si kasta-ba haloo eego lakiin waxay noqotay in aanay beeshu aad uga fikirin cidday talada ka badaleysay iyo cidday saaraysay labada-ba hadaba su’aasha meesha taalaa waxa weeye miyaanay ahayn in beesha Sacad muuse Tusaal awooda ay u leeyIhiin inay taageeradooda u duwaan dhanka kale si beeshu u soo celiso sumcadooda iyo karaamadooda SUBEER-AWALnimo siiyaan taageeradooda cidda ay tahay inay doortaan ee tollnimana ugu dhaw taageerana uga baahan,kaas oo ah musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Gebogebadii qoraalkaygan walaaladay iyo ilmaadeeraday Sacad muuse leeyahay maah-maahda tidhaahda “Intuu Baaniyaal Cuni lahaa Cali ha Beesaysto” oo codkiina baaxada leh Jamaal Cali Xuseen siiya  si uu ugu soo baxo.

Samsam Maxamed Cige2222

Samsam Maxamed Cige

Qoraalka Masuul Kama Ah Aftahan News Waxay ku kooban tahay argtida Qoraaga