Madaxweyne Siilaanyo: Safarkii aannu Jabuuti ku tagnay iyo illawgiisa Ballankii la galay!

Dharaarnimadii 16/Abril/2012-ka ayay magaalada Jabuuti soo gaadheen wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay ka mid yihiin Marwada Koowaad ee Somaliland ahna Marwada Madaxweynaha Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Maxamed C/Laahi Cumar iyo Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan.

SIILAANYO, GEELLE, XASAN SHEEKH EE XUSKA AFARTAN-GUURADA AFKA SOOMAALIGA

Maalin ka horna waxa Jabuuti Yimi Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur, Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Cali Cilmi Geelle iyo hal-door la socday. Waxaanu habeennimadaas ka wada qaybgalnay casuumad uu Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle noogu sameeyay Kampenski Hotel oo ay joogeen saddex hoggaamiye oo kala ah Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 Subaxnimadii 17/Dec/2012-ka waxaanu ka qaybgalnay munaasibad lagu xusayay 40 sanno-guurada ka soo wareegtay qoraalka afka Soomaaliga iyo daahfurka qaamuus ay ku jiraan 70, 000 eray oo Soomaali ah oo ay Jabuuti maal-gelisay. Munaasibaddan waxa fekerkeeda lahaa oo maal-geliyayMadaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Iyada oo ay munaasibadda ka hadleen dad badani waxaan si gaar ah u soo qaadan doonaa khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Mudane Axmed-Siilaanyo markii uu cod-baahiyaha la wareegay waxa uu bariidiyay dhammaan dadkii madasha fadhiyay madaxweynayaal, wakiil madaxweyne, baarlamaan, aqoonyahanno, abwaanno iyo in-dheer garad kale waxaanu ammaan gaar ahaaneed u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo yidhi “Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu hormood u yahay dhiirrigelinta afka Soomaaliyeed inta ku hadasha, inta ku gabayda, inta hal-abuurka leh iyo dhaqan-gelintiisa ayuu aad iyo aad ugu weyn yahay, magac iyo maamuus ugu leeyahay, qiime iyo sharaf ayuu u soo hooyay.”

Isagoo Madaxweyne Siilaanyo sharxaya xilkii uu hayay 1972-kii markii Af-Soomaaliga la qorayay waxa uu yidhi “Waxa aan ka mid ahaa maalintii Af-Soomaaliga la qorayay 1972-kii dawladdii wakhtigaa jirtay ee ku dhawaaqday qoraalka afka Soomaaliga. Waxaan ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka. Waxaan aad u xasuustaa guddigii af Soomaaliga qoraysay wasaaraddayda waxay markii hore u soo jeediyeen wasaaradda jaangooyada, waan ka hor imid. Waxa i caawisay dhaqankaygii aan ka soo jeeday ee reer baadiyaha ahaa, anigoo dib ugu noqday carruurnimadaydii ayaa waxaan xasuustay marka reer miyigu degayo, ee uu meel bannaan degayo haddaanay meeshu degel deggane ah ahayn, oo uu yagleel yahay waxa la sameeyaa wax la yidhaahdo qorshe. Qorshaa la samayn jiray oo geelu halkuu ka soo jeedsanayo guriga waa laga yara fogayn jiray, meel la dugsado ayaa laga dhigi jiray. Aqallada arooskaana reerka waa laga durkin jiray. Oo islaanta reerka ugu weyni halkay degayso waa la qorshayn jiray.meel aan la qorshayn lama degi jirin.

Markaa la qorsheeyo ayaa la degi jiray, sidaa daraadeed. Markaa wasaaradda maaliyadda waxa hayay nin aan hadda noolayn oo aanu saaxiib ahayn Alle ha u naxariistee Ibraahim Maygaag ayaa wasiir ka ahaa, markaa waxaan ku idhi guddigii afka qorayay jaangooyada cagta ayaa lagu sargooyaa jaanta cagta la saarayo, ee qorshaynta ayaa ka wanaagsan oo dakhliga iyo qarashka ayaa la qorshaynayaa. Markaa Alle ha u naxariistee Ibraahin Meygaag ayaa guddigii ku riixay markaa sidaas ayay qorshayntu ku baxday. Aad baan ugu faraxsanahay inuu magaci si buuxda u hirgalay.”

Isagoo ka hadlaya Afka Soomaaliga waxa uu Madaxweynuhu yidhi “Af-Soomaaligu waa wax koraya, ee maanta dhallinyarada, hal-abuurka iyo mutacallimiinta gacanta ku hayay ay inoo sharxayeen ee koraya, maalin walbana wax kobcaya ee wax ku darmayaan kuna biirmayaan. Insha Allaahu tacaa waxay noqon doontaa luqadda luqadaha ugu waaweyn. Dadka Soomaaliyeedna waxa isku xidhaya dhaqankiisa, noloshiisa, mustaqbalkiiska iyo ammaankiisaba inuu noqdo Afka Soomaaligu ayaan rejaynayaa, Allena innagu guuleeyo oo ay noqoto luqad dalkeenna, dadkeenna iyo diinteennaba anfacda ayaan rejaynayaa insha Allaahu tacaalaa.”

Gebagabadii hadalkiisa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku celiyay mahad-naq ballaadhan oo u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacbigiisu doorka hormoodnimo ee ay ka qaataan hawsha dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaalida waxaanu si buuxda u ballanqaaday inay Somaliland ahaan diyaar u yihiin inay qaban doonaan kaalinta kaga soo hagaagta hawshan baaxadda leh.

Markii hore waxa casuumad loo keenay Madaxweyne Siilaanyo, waxa diiday sida igu maqaalo ah Wasiirka Madaxtooyada oo doorbiday in uu shirkan tegaan Wasiirka Warfaafintu. Markii dambe ayay diyaarad soo raaceen, markii ay joogeen garoonka ayaa Siilaanyo la weydiiyay halka ay tegayaan. Inta uu dhanka midig eegay ayuu yidhi “Waar Xirsi halkee ayaynu ku soconnay”. Ujeeddada ay u yimaaddeen waxa aan u fahmay in ay kulan hoose la yeelanayeen Madaxweynaha Soomaaliya oo ay isku hudheel ku dageen.

Dhawr jeer ayaan la xidhiidhay Madaxtooyada Somaliland si loo fuliyo heshiiskii markaa la gaadhay oo ahayd in la sameeyo Akadamiyadda Daryeelka Afka Soomaaliga. Laakiin malaha qoraaga iyo hal-abuurku qiimayn badan ma laha. Waxa jiray kulan uu Siilaanyo la yeeshay Hal-door ay ka mid yihiin Maxamed Daahir Afrax iyo Hadraawi. Halkaasi waxa ka soo baxay sawirro la wada galay oo keli ah.

Haddaba waxa aan weydiin lahaa Madaxtooyada iyo Xukuumadda Somaliland 1. Maxaa sababay inaad hagrataan Akadamiga Daryeelka Afka ee aynu la wadaagnay Shanta Soomaaliyeed 17kii Disember 2012ka illaa maanta?

2. Marti-qaad loo fidiyo koox qoraayo ahi miyay buuxinaysaa xilka idin saaran, gaar ahaanna Somali Pen, qaybta Somaliland iyo gurmadka Afka Soomaaliga?

  1. In safar la galo waxa ka muhiimsan in la buuxiyo wacadka aynu ummadda la galno. Maxaa is-beddelay ma casuumaddii Kampenski ayaa idinku filnayd iyo wada-hadalkii hoose ee Xasan Sheekh Maxamuud?

4.Maalintaasi waa uu caafimaad-qabay Madaxweyne Siilaanyo, ma gadaal ayay wax ka qaldameen?

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Facebook: Imam Saed Mohamoud Gahair

Hargeysa/Somaliland.