Bilowga Jidkii Dib u Dhaca! Qaybtii 2-aad: Qallinka Cabdiqani Asporo

Intiinii la socotay taxanaheenii “Bilowga Jidkii Dib U Dhaca”, waxaynu kaga soo hadalnay aragtiyaha iska soo horjeeda ee ay Mucaaridka iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo isku dhinac ahi ka qabaan Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyeyaasha doorashooyinka oo hadal-haynteedu bishii u dambaysay-ba taagnayd welinna taagan siina taagnaan doonta ilaa inta si miyir qabta oo Wadaniyadi ku jirto arrinteeda meel loo saaraayo.
CABDIQANI ASBAROO AFTAHANNEWS
 
Markaad eegto ifaafalaha jira, markaad eegto dhawaaqa dhankasta ka soo dhacaya, markaad ka shidaal qaadato sida runta ah ee wax loo wado, markaad dhan walba ka istaagto qofkastaa waxauu is odhan karaa arrimahani oo dhami waa iska Ciyaar iyo wax aan marnaba runta xidhiidh la lahayn. labada Xisbi mucaarid iyo Xisbul-xaakimka iyo Xukuumaddiisu waxaad mooddaa inay bulshada ku wareerrinayaan magacyo diiwaan-gelinno qolo weliba dhankeeda u fasiranayso ujeeddooyinka laga leeyahay, waxaanay noqdeen wax aan is dhaamin oo ay ku adag tahay Tanaasulka iyo inay mar uun xasuustaan Siyaasad fayow oo shacbigan iyo qarankan curdinka ah u danaynaysa oo aayahooda iyo horu-socodkooda ka talinaysa. bal eeg halkay wax marayaan, wax loo fadhiyey-ba may ahayn, laakiin waxaan qabaa iyada qudheedaba dantaa sidaas baday oo malahayga way ka furansan wayday, marka cida Masuuliyada lihi ay garan-waydo amaba qaabkii loo Maamuli lahaa ka waynaato waxa qasab noqota inay cid aan hawshaas u dhawayni ay faraha la soo gasho oo ay gacanteeda ku maamusho.
 
isku tuur-tuurkii Mucaaridka iyo Xukuumaddu ee diiwaan-gelinta madaniga ahi waxa uu dhalay in beelihii ka hadlaan oo qaarkood ay yidhaahdaan Deegaannadayada laga qaban maayo, kuwo kalena ay ku tilmaamaan mid Eexaysan oo siyaasaddi ku jirto, weli la isma gaadhin kuwo badan ayaa dhiman oo ka hadli doona, waayo shaygu midabkii uu lahaa marka laga ka xeeyo ee wajiyo badan loo yeelo, markaas ayaa hadalka la geliyey. inkastoo ay Sunnaha nolosha ka mid tahay kala aragti-duwanaanshaha bini’aadamka, haddana, siyaasiyiinta somaliland kama koraan aragtida yar ee ku salaysan danaysiga iyo xoolaysiga ku dhisan, mana fikiraan wax samcadooda iyo taariikhdooda wanaajinaya. 
 
Xukuumadda uu hogaankeeda hayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa looga fadhiyaa inay dalkan doorasho ka qabato marka laga gaadho 2015 oo wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo loo doortay dalkan uu kaga egyahay, wax yar ayaa ka dhiman mudaddaas ninkii Illaahay ku simo, waxaase iswaydiintu tahay ifafaalaheedii ma muuqdaa?. Mallaa dambi iga raaci maayo haddaan idhaahdo maya. Diiwaan-gelinta madaniga ahi maaha wax wakhti ku xidhan, waana hawl ay dawladdaha hoose fullin karaan, balse arrinta ku saabsan diiwan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka waxa loo baahan yahay in lagu dhakhsado oo wakhti ku habboon la hir-geliyo si Doorashooyinka soo socda loogu galo waana arragtida ay Xisbiyada mucaaridku ka duulayaan waa middaas. Doorashooyinku haddii ay wakhtigoodii ku dhacaan, iyagoo Caddaalada oo bilaa buuq ah waxay taasi sii siyaadinaysaa meeqaamkii ay Somaliland ka taagnayd beesha caalamka, waxaanay noqonaysaa mid fursado cusub oo siyaasadeed u furta Somaliland, maxaa yeelay dalalka u olaleeya Dimuquraadiyadu waxay eegayaan qaabka ay Somaliland doorashooyinkaas u qabsato…..
 
La Soco qaybo kale………………….
Qalinka: Weriye A.A. Asporo
Asporo23@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.