Xishoodka Habluhu waa qeyb ka mida dhaqankeenna Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Maalmahan dambe waxaad moodaa in dhaqankeenii faro baas lagu hayo,xataa waaba laga digaroganayaa dadka qaar waxaan kula yaabaa marka ay ka guuraan dhaqankii waxan is idhaa tolow ma dhaqan cusub ayaa la soo  dajiyay?

NIMCO BAASHE CABDI

Siiba gaar ahaan hablaha waayo inan dhaqankeedii tuurtay oo geed ku laashay kadibna u hanqal taagtay mid shisheeye,waxaynu ku macneyn karnaa qof ka tagay ama ka baxay diinteedii waayo diintaada islaamka hadaad ka baxdo waa khasab in aad ka guurto ama ka maydhato dhaqankagii hore wayo waxaad soo gashay diin cusub iyo nolo kale.

Taasina waa ta maanta ina tuseysa in dhaqankeenii laga wada yaacay,kolay aduunka waxaa ku nool intaas oo qomiyadod,mid kastaana waxay leeyihiin dhaqan u gaara iyo diin u gaara,haye inagu maxaynu nahay diinteese aynu haysanaa?

Haddaynu nahay dad islaama waxaynu haysanaa diinta ugu wanaagsan aduunka uguna naxariista badan,inagoo ku darsaney dhaqan aad u wanaagsan dadkeenii hore iyo dadkeena maanta haddi la is barber dhigo, taako kama gaadhayno dadkeenii hore waayo waxay ahaayeen dad ku dhagan oo  illaa shada dhaqankooda. Laakiin, innaga dhaqankeena waxaad moodaa in uu inagala fudud yahay biyaha aynu cabno,waxaana ina waalaya wadamadan shisheeye ee aynu ku sii qulquleyno.

Waxaad moodaa dadkeenii in wadamada ajaanibka sonkor ama malab loogu daadiyay,waxaad arkeysaa dad badan oo ku nool wadamada shisheeye oo xataa an aqoon bal halka ay sinjiyadoodu ka soo jeedo,haddi aad waydiiso waddankee baad u dhalatay waxay kugu odhanayaan ma naqaan, intee carruur gaalada inaga raacday oo waalid koodii inta laga qaaday ay ku dhex jiraan meelaha qudhunkaa,aynu ubadkeena inta ay yaryar yihiin aynu ka illaalino shisheeyaha iyo wadamadan lagu sii yaacayo.

Ilmaha inta uu yar yahay ha lagu barbaariyo hidaha iyo dhaqankeena wanaagsan,waana in la baraa astaanta diinteena islaamka ubadku marka ay waawey’naadaan iyaga ayaa is maamulaya,intaas hadaan halkaa kaga soo daadago.

Waxaan rabaa inaan halkan u soo mariyo fariin ama bayaan ku socda Hablaha Soomaaliyeed, maye Hablihii dhaqanka lahaa ee ku faani jiray hiddahooda, Hablihii quruxda koobka qaaday ee qurusheyta ahaa?

Hablahenu iney nasab yihiin waxaa hore u sheegay waxgaradkeena, hadday yihiin Abwaaniin iyo haday yihiin Fanaaniin,waxaan u sheegayaa hablaha soomaaliyeed in ay dhaqankooda illaaliyaan,meel kasta oo ay daafaha caalamka ka joogaan haday yihiin qurbo joog iyo haday yihiin qolqol joog,dhaqanka ha la eego hana la dhawro waayo dhaqankeenu waa lama huraan.

Waa inaad sida dhallaanka u illaaliso dhaqankaaga ha dhicin ha dheeliyin dhaqan yahow wanaagsani,waxaan leeyahay dhaqankeenu waa inoo dhaxal ay inooga tageen dadkeenii,markaa ma fiicna in aynu is dhib yar u dhayalsano, yaynaan iloobin dhaqankeen iyo hiddaheena.

Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka iyo bilawga qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan.