‘Afarta Wasiir ee aan dhicin iyo talada Siilaanyo ma ila aragteen!?’ Q. 2-aad Qalinka Mawliid Aadan Cumar

Qormadan sooyaalka Maamul iyo hogGaamiyayaashii u kala dambeeyay waxaan qaybtii koowaad si kooban uga soo hadlay sooyaalkkii maamul ee  ugu horreeyay ee ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), sidaas awgeed aniga oo qaybtan labaad ku dhammaystiri doona taariikhda Maamul ee Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali iyo sifooyinkiisi dul-qaadka iyo geesinnimadu hormoodka ama saldhigga  u ahayd ku falanqayn doona haddii Allaah yidhaa.

Mawliid Aadan Cumar AFTAHANNEWS

Waxaan dib ugu noqonayaa bar-bilawgii taxanaha Labaad oo ah ka dib markay kooxdii Mucaaradka ku ahayd Siyaasaddii Maamul ee Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan ku guulaysteen tafaafulkii dhismaha Ciidammada Qaranka oo ahaa tiirka Qarannimada waxaa dhammaan hoos u dhac weyni ku yimid nidaamkii maamul ee toban bilood jirka ahaa oo aan wax taageero ah ka helin xataa shacabka  iyo mid dabadeed toona, sababtuna waxay ahayd ma jirin wax u kala qarsoona dawladda iyo shacabka oo dawladduna yagleel ayay ahayd, shacabkuna qaxoonti ayuu ka soo noqday oo isagaaba dib-u-dejin ka sugaayay dawladda ay dhisteen.

Balse, waxaa dayacday Hay’addaha Qaramada Midoobay oo Maamul iyo shacab midna aan siinnin wax taageero ah, haddaba Mucaaridaddii Garabkii calan-casta oo Saraakiil Millateri iyo Aqoonyahanba isugu jiray oo ay Mucaaridaddii ay kala hor yimaaddeen Xukuumaddii uu hoggaaminayay Marxuum C/Raxmaan-Tuur Mucaaridaddaasi may ahayn mid Siyaasad iyo ujeeddo ku dhisan.

Hase-yeeshee, waxay ahayd Mucaaridad aan waxba u tudhayn dadka shacabka ah degganaanshahooda iyo dib-u-dejintooda, dalkan cusub ee xorriyaddiisa qaatay dhismihiisa, xataa Ciidammadii Jabhadda SNM oo laba iyo toban sano halgan kusoo jiray inay nastaan kamay fikirin sida xaqiiqada ahna waxay mucaaridadaasi ku fadhiday {No } ama  ha dhacdo.

Sidaas awgeed, Kooxdaas Calan-casta oo Geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay in Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali ku dhawaaqo is-casilaad ama dalkaba ka baxo, taasi ma dhicin oo way u suurtoobi weyday kooxdii Calan-casta xataa iyadoo Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan gaadhigiisii laga dejiyay oo koox Dayday ahi kala wareegeen hadh cad Kabihiina kala baxeen. “Waa haddaa kabihii uu Madaxweyne Marxuum C/raxmaan xidhnaa” Illaahay ha u naxariistee.

Haddaba, markii ay intaas oo Maamuus-xumo ahi dhacday ee hannaankii Maamulna ka baxay meesha waxay isku beddaleen Ciidammadii SNM-ta ee laga tafaafulay inay noqdaan Ciidan Qaran Ciidan-beeleedyo jidadka ku baadha shacibkii qaxoontiga kasoo noqonayey ee gargaarka ka sugaayay Ciidankooda, sidaa awgeed Marxuum Cabdiraxmaan-Tuur awoodda keliya ee ku hadhay ama uu ilaalinayaa waxay ahayd in ummadda  Wax-garadkeedu weji kale uga wareego oo mar kale dhisme dawladeed laysugu yimaaddo, dhammaadkii labadii sano ee xilka Madaxweynennimo loo doortay ka hor waxay Madax-dhaqameedka dhammaan Beelaha dalka Somaliland wada deggani bilaabeen Shir-weyne Qaran oo lagu qabtay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Shirkaas waxa ka qaybgalay ku dhawaad lix boqol oo Ergey oo isugu jira Madax-dhaqameedka Beelaha, Siyaasiyiin, Wax-garad, Guurtida iyo Aqoonyahano. Shirkaasi wuxu socday Afar bilood iyo badh, waxaana lagu diyaariyay Sharcigii Axdi-Qarameedka Beeluhu ku wada heshiiyeen in dalka  lagu hoggaamiyo.

Sidoo kalena waxaa lagu dhisay labada Gole ee Guurtida Iyo Wakiillada oo ay u dhan yihiin dhammaan Beelaha, waxaana shirkaas lagu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen, waxaana Madaxweyne loo doortay Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, halka Madaxweyne Ku-xigeenna loo doortay Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Sidaas awgeedna Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali wuxu si sharaf leh ugu wareejiyay xilkii Madaxweynennimo  ee la doortay Marxuum Madaxweyne Maxamed X.Ibraahin Cigaal, ALLAAH labadoodaba Naxariistii Janno haka waraabiyo.

Qalinka. Mawliid Aadan Cumar.

Lasoco

Qaybta Saddexaad . Insha Allah

WABILLAAHI TAWFIIQ

Mowliid Aadan Cumar

Tel. NO: 0634410898

mawliid1991@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.