Xadhiggaygii: Tolow dembiga aan galay ma qoraalka diiwaanka SAMO-TALIS baa?

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR

Allaylehe aan u mahad-naqo Ragga dhibsaday qaybtii koowaad ee qoraalkan. Waa abtigay Mujaahid Muuse Ibraahin Selef “Maxaad xadhiggaaga ugu sheegtay Siciid Maxamuud Gahayr?” ayuu si toos ah ugu yidhi Guddoomiye Axmed-Naasir Cagaweyne, waxa se loogu jawaabay “waa wax aad samayseen. Anigu ceebtiinna ma qarin karo”.

Gahayr1

“Saddex maqaal oo uu ku caayayo aniga, Agaasimaha Guud iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi” ayuu qoray ee la hadla. Waxa yidhi Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ku magacaaban Maareeyaha Madaarka Cigaal. “Waan ka baxay ergadii aan ku jiray. Xor ayaad u tahay qoraalkaaga iyo tallaabo walba” ayaa laga hayaa walaalkay Xaaji Cabdirisaaq Yuusuf Ismaaciil oo ay walaalo yihiin Maareeyaha Madaarka “Mar haddii ay bili ina dhaaftay, ma garanayo wax aan xeeriyo walaal. Siyaasaddu ma laha inaadeer, abti iyo sokeeye midna. Waan ku raaxaysanayaa cabaadka iyo buuqa ka baxaya” ayaan ugu war celiyay.

Ma fahamteen sarbeebtaas? Ma idiin dhacay macnaha aan dedayaa? Haye yaan la hadlayaa? Mise waa sheeko sidii uu hore u yidhi Daahir Muuse Abraar, Taliyaha C.I.D, Gobolka Maroodijeex oo ay qaar u geeyeen hawraartaas sheelan ee shareeran. Ninkaasi garta, waxa uu ka mid yahay raggii maragga ku furay Nadra Maxamed Jaamac oo Hargeysa lagu xidhay muddo laba bilood ah, Feberweri-03/Abril/2013ka. Yaa waxa la yidhi “waxay cayday Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan” Saaxiibkay iyo walaalkay. Kolnaba heshiis kuma nihin in hablo la xidho!

 Malaha aan waxoogaa idiin iftiimiyo, sidii ay wax u dhaceen. Bal eega sheekada na dhex martay aniga iyo Kooxda Wasaaradda Dusduska iyo Hawo-iibinta Somaliland oo ahayd meel aan dhawri jiray, balse ka soo gudbay xadkii anna aan leeyahay:

Adaa rabbigaa rasaas ka baryee

Ku raaxaysta reenka kaaraha

Waa labadii nin ee Gadhle iyo Gaatame oo midkood UCID yahay midna KULMIYE iyo Xukuumaddiisa yahay.

 

Gadhle: Waaryaahe saaka waadigan cirka ku faruur-xidhan. Waad arkaa sida aad u naaxday oo haddii aad fekerayso sidan umaad oofo-weynaateene, kuma ayaad tahay?. Kollayba nin Gaashaanka arkay waad u eegtahay. Annagu waxa aanu nahay Xisbi-weynaha UCID, galabta oo ah 21kii Julaay 2014ka, waxa aan u soconnaa in aanu madaarka Hargeysa ku soo dhaweynno Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan. Ku-xigeenka Murashaxa Madaxweynaha UCID! Raggan aad arkaysaana waa shan ka mid ah madaxda Xisbiga ugu da’da weyn Jamhuuriyadda Somaliland

Gaatame: Adeer, waxan ahay Mujaahid Mustafe Cabdi-dheere, wiil berigii hore mudalab ka ahaa Hudheelka Dalxiis imaka uu madaxa amniga ee Gegada Cigaal uu ka dhigay abtigii Wasiir, Mujaahid Maxamuud Xaashi Cabdi. Dawladdu waa xidid iyo xigaal, abti iyo adeer. Imakana waxa la I faray amar ah in aanay gudaha u soo dhaafin Md Yuusuf Keyse Cabdillaahi Xoghayaha Warfaafinta iyo Cabdiqani Ibraahin Selef (Kabtanka) Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada ee UCID. Weliba waxa aan kuu sheegayaa in aanan marnaba ka noqon doonin waxa la ii yeedhiyay. Sax iyo qaladba, anigu waxa aan ka tirsanahay nidaamka rajiimka ah ee Somaliland ka dhigay keli-telis la xidho soohdimaha ay leedahay Jabuuti iyo Itoobiya.

Gadle: Haddii aanay raggani geli karin, walaal raalli ahaada. Annagu bannaankaba waanu ka hadli. Saxaafadda iyo Xisbi-weynaha UCID waxa aan ka codsanayaa in ay dibadda u soo baxaan.

Gaatame: Awalba micno ma aydun lahayne na dhaafa. Muxuu ahaa kan soo hadhay. Waar ina Gaheyrow adiguna ma UCID ayaad la socotay. Maxaa ku soo reebay? Irridda dhaaf oo halkan ha istaagin. Ama aan kuu noqdee halkaa sii taagnow. “ Walaal waxa aan maaraynaa hawl u dhexaysa saaxiibkay iyo walaalkay Maxamuud Siciid Jaamac Cali, geesi uu dhalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidu, abtina rumaadna uu u yahay Mujaahid Axmed Mire Maxamed halyeygii hoggaaminayay Hawl-galkii ay Jimcihii 27ka Mey 1988kii halgameyaasha SNM ku galeen magaalada Burco iyo qolada Maaliyadda ee garoonka fadhida. Ma la ii sii deyn karaa, haddaan hawsha UCID ka joogo tan kale ayaa igaga kulul walaal”.

Wuu dhaqaaqyba walaalkay Mustafe Cabdi-dheere oo rabay in aan $50 kaga maansoodo munaasibad ay ku qabanayeen Ambassador Hotel dabayaaqadii sannadkii hore oo ay ku bandhigayeen waxqabad fara-guudkood ah oo ay meesha ku caammeeyeen. “Gabaygu dareen ayuu ku yimaaddaa, ma ihi nin $50,000 ku gabya”. Malaha intaas ayuu gocanayay. Inta uu dhaqaaqay ayuu xanshaqaq ku yidhi:

“Waar hebel mee?”

“Waykan”

“Waar adiga ayuu Wasiirku adeer kuu yahaye, fadlan ninkaas bidaarta leh riix oo kaladhka jiid”

“Qabta, isugu taga, waxa uu fulinayaa hawlgal ka dhan diyaaradda Itoobiya. Hayaay, uu! askarti meeday. Shan isugu qabta. Laad la dhaca, feedhku waa bilaa xisaab. Gacan wax kaga qabta”. Muxuu sheegayaa haddii aynu ka hirdinay xiniinyaha, jilibkuna murxaday. Isaga oo dhibtaas qaba ayaynu wanjal iyo wareejin isugu dari doonnaa’e.

Gadhle: Waar carruuri ima riixdee ma aydun ka deyn?. Muxuu ahaa askarigan ii yeedhayaa. Bal ina mari, kollay caddaaladi ma taallo meesha, haddana waxa aan ixtiramaayaa dirayska aad xidhan tahay. Mee ninkii aanu is-dilnay? Ma keligay ayaa la i xidhayaa? Weliba ma silsilad ayaad ku darteen kkkkkkkk? Wallee waydaan ka macaashin. Haddii aad sidan u dhaqmaysaan waxa aad ka macaashtaan la arkee. Horta kollayba sannad ayaa idiin hadhay, intaasi waxa aydun samayn wax kasta oo ka arradan anshaxa milgaha, dhaqanka iyo islaamnimada intaba. Waa la-yaab ah dawlad dadkeedu u aragta cadaw, hadhaagii Siyaad Barre ayaa waddanka aafeeyay. Waxa ka kow ah Siilaanyo.. Anigu ma siddeetan jir ayaan daba fadhiistaa.. Illaa 1989kii ayaan sacabka u tumayay, waxaanu xiisihiisu iga dhammaaday 27kii Julaay sannadka 2010ka.

Gaatame: Miyaanad arkayn waxqabadka aanu madaarka ka fulinnay. Qolka laga dhoofo waxa aanu ku xidhnay internet ay leedahay shirkadda caalamiga ah ee SOMTEL, macrad uu leeyahay Shaybe ayaan furnay. Waxa intaas dheer in aanu samaynnay dhagax-shiid (crusher) uu leeyahay Mujaahid Ganacsade Cabdirisaaq Cummaani oo kaalin weyn ka qaatay qaadhaanka ay beeshu 2002-2010 la daba taagnayd Suldaan Siilaanyo. Odaygu waxa uu deggenaa Imaaraadka, waa nin reer Dhagax-dheer ah. Waxa aan xasuustaa in uu Madaxweynaha u keenay laba gaadhi markii uu muraara-dillaaca u dhiman gaadhay sannadkii 2003da oo ay UDUB doorashada ku heshay siddeetan cod oo xaaraan ah. Imakana waxa aanu cashuur ku soo rognay dhallaanka dhoofaya oo berigii hore bilaash ahaa. Waa in aan urursanno wixii aanu cuni lahayn soddonka sanno ee soo socda. Waan arkaa sida aanu wax u wadno, waxa aanu la-yaabannahay halkii aanu ku noolaan lahayn!

Gadhle: Horta shirkadahan aad ii sheegtay ma waxa laga leeyahay Boorama iyo Laascaanood, mise Dhagax-dheer iyo Qalloocan? Nin gabyay ayaa waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya findhicilkii lagu walaaqay Madaarka Hargeysa sannadkii 2013ka

Isagoo afkii deyshay buu, dhiig dafirayaaye

Dusduskii Madaarkiyo findhicil, daammur lagu qooshay

“Waa dacaayad” baa lagu kaftamay, duulis faashiliye

Eeggana dariiqyada arliga, daanno loo boqorye

Dillaalow gabyaa aamusnaa, waa dalayn jigire!

CHINA HORN dubaalado gankeed, dawlis ugu dheere

“Soo daaddah, dibaddiina baro, doobbiyada fuuqso”

Ayaxyada dawaafiyo ma-naxe, deegantii cune’e

Dameerkuba hallayntuu u jaqo, dooddu way garane!

Waar anigu ma ihi nin loo hanjabo iyo nin la xidho midnaba. Xukuumadda Somaliland waxa aan uga mahad-naqayaa dhaqaalaha ay ku bixiso basaasiinta igu xiiqay ee hadba gaadhi Indhacadde ah kaga laaba deegaannada aan ku suganahay. Haddii aad xadhiggaa moodaysaan dhibaato, ma ogtihiin in Hadraawi uu shan sanno ku xidhnaa Qansax-dheere? Ma la socotaan in Nelson Mandela iyo Cigaalba ahaayeen maxaabiis loo xidhay qaddiyad iyo halgan. Aniguna kuwaas ayaan kala simanahay hoggaaminta iyo hawraarta. Tolow dembiga aan galay ma qoraalka diiwaanka SAMO-TALIS baa?

La soco qaybta saddexaad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com