Dhug U Yeelo: “Guuleed Ma Joogaa Maaha Hees!” Cabdillaahi Cawed Cige

Waxa beryahan muran xooggan kicisay fasiraad laga sameeyay hees uu lahaa halabuur Cabdiqaadir Xirsi Yamyam(AUN), oo uu qaado Xasan Aadan Samatar. Heestaas oo aan filayo in Gobaad la yidhaahdo, dadku se badi u yaqaanniin “Guuleed ma joogaa?”, waxay ka mid tahay heesaha dhaadheer ee codka isbeddela la saaray.

CABDILLAAHI CAWAD CIGE AFTAHANNEWS 2

Halabuurku xigto iyo xigsiisan midna ma leh, waa dareen iyo dhadhan gocashada, xusuusta iyo filqanka maan ee reer Aadan(Bini-Aadan) ku xasilo, ka bogto ku na maaradhaansho maskaxdiisa mar walba u dihin curashada aan xadka lahayn. Halabuurku waa hanti ummadeed, waa iidaanka nolosha bulsho leedahay waxa na habboon in si dhaxal ahaan jiilba jiilka kale ugu gudbiyo la wada ilaashado, kayd iyo dhito na laga dhigto. Si taas loo helo, badbaado hiddo iyo dhaqan na suurtagal u noqoto barashada iyo faallada halabuurku waa lama huraan ayaan qabaa. Taase macnaheedu maaha qofba qeexidda tiisa uu jecel yahay inta kale ha ku sandulleeyo. Sidiisa ba, kolka laga tago tixda iyo murtideeda, afku waa tii la yidhi waa ‘mergi’ oo qofba meesha uu doono ayuu u jiitaa. Curintu se intaas oo dhan ba ka sii qoto dheer. Waa sawir la inoo hibeeyay oo inta horteenna la qotomiyay la leeyahay ‘qof walow dhankaaga ka joogso oo fasiro, saar halbeegga aad karto ee kuu biniixin kara wacaasha iyo waayaha halabuurku dareemay ama is yidhi humaag ahaan ayay kuugu muuqdeen’.

Sannadkii 1931kii ayuu farshaxan Isbaanish ahaa oo la odhan jiray Salvador Dali sameeyay sawir la baxay Haladayga Xusuusta(The persistence of memory). Sawirkan oo ah ka ugu caansan waxsoosaarkii farshaxan Dali wuxuu muujinayaa saacad milantay. Marna ba lama odhan, lagu ma na doodin in sawirkaas duuduub lagu liqo, iyada oo loo macnaysanayo saacad inta dhamac la saaray milantay. Markasta waxa dhug loo yeelanayaa farriinta maanka inaga dedan ee farshaxanku isku deyayo inuu ina fahamsiiyo, xitaa haddii waxa isaga(maankaas) uu muuqdaa innaga inaga daahan yahay. Waa goobtaas barta awaalku ka soo gelayo suugaanteenna, halabuurkeenna iyo farshaxankeenna ba.

Malaha awaalkiisu wuxuu ka fufaa dhabta oo la gigo(suspension of reality), loo diido inay dhaqdhaqaaqdo, bartii ay joogtay na lagaga tago. Kolkaas, wixii inoo soo hadha, oo aan la odhanayn ‘suurtagal maaha’, illayn suurtagalnimadii waa tii aynu meel iska soo dhignaye, ayaa tabtii xiddigaha(dayaxa la’aantiis) lagu gudayaa oo if laga dhiganayaa.

Gobaad maaha hees, ha filan in halabuurku intuu dabakaayo meel baydhsan ku taalla daf yidhaahdo rubuc timir ah iyo wiqiyad sixin ah inooga soo gado oo afka inaga geliyo. Taasi waa maan aan la jirrabin falkii, waa dhab/run cid waliba, caydiga na ku dheh oo filan karto, suubbin na karto. Si taas ka geddisan, aad uga fog, ka xeel dheer oo muujinaysa dedaalka maanka lala galay iyo meesha la gaadhsiiyay ayay Gobaad inooga timi.

Haddii aad maqashay tix Aakhirutahan la yidhaahdo oo uu lahaa halabuur Kulan Xasan Cilmi(AUN) waxa ka mid ahaa “Cirkoo guuri, ciiddoo godgeli, dhagaxyadoo goohi… Qorraxdoo xanuun laga guboo, garab ka taahaysa.. Biyahoo harraad gubahayoo, gal u arooraaya”. Waa halxidhaale ayaa la yidhi, waxa se ku nudan oo inoo muuqda farshaxanka fog ee sidii Haladaygii Xusuusta tilmaamaya sawir inaga dedan oo araggiisu inooga baahan yahay inaynu dhabta ka fogaanno oo male ku guurro. Ma si kale ayaa jirta oo biyuhu harraad ula guban karaan oo aroor tubta ugu qabansan karaan? Ma si kale ayaa jirta oo qorraxda oo xanuun hayo agabkeedii keli ahaa ee ay ab iyo asal u lahayd dawo loogaga dhigi karo oo loo gubi karo? Aan ka ahayn farshaxankaas durugsan ee halabuurku maankiisa dedan inooga soo hibeeyay.

Geedka Cabdiqaadir Xisri Yamyam inooga sheekeeyay in aan caleentiisa haaddu guran karin, haddii aynu isweydiinno cidda ka celinaysa haaddaas waxaynu ku noqonaynaa dhabtii, xaydaankii malaha awaalkiisa ee halabuurku ina dhex geeyay ayaynu debedda uga boodaynaa. Taasi na curintii aynu ka boganaynay way inaga dhexsaaraysaa. Taasi kolka ay dhacdo waxay ku habboon tahay innaga oo dhabteennii(runtii) iska mayracanna oo aan ku daalin faallada iyo falanqaynta farshaxanka, curinta iyo halabuurka intaba.

Gobaad iyo dhiggeed waa saacadda milantay ee Salvador Dali, waa haladayga xusuusta halabuurkeenna, waa farshaxan si wax la inoogu sheegay. Haddii aynu sidaas halabuurku u maleeyay in wax isu tuseen ula aragno iyo haddii aynu dhanka kale iska taagno oo si kale oo aanay ugu muuqan u aragno, mar walba waa inoo shirrabaad maankeenna lagu godlayo. Ha u qaadan sida aad moodday oo qudh ah, ha na filan in cidkastaa sidaada mooddo. Intaas iyo in kale oo weli iga maqan kolka aad ka bogato, u hayso weli in arrinka meesha yaallaa ka qoto dheer yahay maxaadhkaaga iyo kayga gaaban.

Cabdillaahi Cawed Cige

edleh@hotmail.com

Liverpool UK.