Muyuusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa? Q: 2-aad W/Q: Maxamed Cabdi Daa’uud

Sheekh Maxamed Al-Qasaali isaga oo u jawaabaya dadka qaba in heesaha iyo muusiggu xaaraan yihiin, waxa uu yidhi: “Bal kaalaya ila eega waxa uu arrinkaa ka yidhi sheekhii weynaa ee axaadiista shubay ee la odhan jiray Ibnu Xasam”.

Maxamed Cabdi daauud

Faafaahinta Qoraaga: Waa Cali Ibnu Xasam Al-Andalusiyi. Waxuu noolaa qarnigii afraad ee Hijriga. Waxuu ka tirsan yahay raaca hore ee xagga hal-abuurka iyo kutub qoridda. Kutubiisa uu curiyay waxay kor u dhaaftay 400 oo kitaab. Waxa uu ka tirsan yahay, Af-hayeen iyo Mujadidna u noqday mad-habka la yidhaah ‘Daahiri’ ee u heelan cilmiga Axaadiista iyo ururintooda).

“Ibnu Xasam waxa uu yidhi: “Xadiiska seddexaad waxa laga werinayaa Mucaawiye inuu yidhi; ‘Rasuulkaa dadka uga digay sagaal arrimood, anna immikaan idiinka digayaa kuwaas. Waxaanu Mucaawiye ku daray heesihii.

“Xadiiskaas seddexaadna, Ibnu Xasam waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxa ka mid ah Muxamed Bin Al-Muhaajir oo Daciif ah iyo Kiisaan oo lama yaqaan ah.

Xadiiska afraad, Ibnu Daa’uud ayaa sanadkiisa ku soo wariyay in nin Sheekh ahi ka soo weriyay ibnu Mascuud in uu maqlaayay Rasuulka oo leh; Heesuhu waxay qalbiga ku biqliyaan munaafaqnimo.

“Xadiiskaas afraadna, Ibnu Xasam waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxa ka mid ah nin lagu sheegay ‘Nin Sheekh ah’! Waa wax lala yaabo in taxanaha Xadiiska uu ku jiro nin sheekh ah oo aan la garanayn cidda uu yahay. Haddii kale kuma ayuu ahaa ninkaas sheekha ahi?

“Xadiiska shanaad, waxa laga soo weriyay Abii Maalik Al-Ashcariyi in uu Nabiga ka maqlay isaga oo leh: Qaar ka mid ah ummaddayda ayaa cabi doona khamriga, oo u bixin doona magac kale, oo iyaga ayaa lagu dul-tumi doona heeso iyo muusig, oo dhulka ayaa lala goyn doonaa.

“Xadiiskaas shanaadna, Ibnu Xasam waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxa ka mid ah ‘Mucaawiyah Bin Saalix oo Daciif ah. Ta kale, goodiga iyo digniinta hadalka ka muuqataana ma aha uun muusigga iyo heesaha kuwo ka dhalanaya, ee sida muuqata waa khamriga xaaraanta ah ee ay xalaashadeen ee ka mid ah dambiya waaweyn. Inta kale waa sifahooda oo la tilmaamayo. Sidaas in aanay ahayn, ee goodigu yahay heesaha iyo muusiga uun, taasi waa malamalayn. Diintana laguma qaato malamalayn.

“Xadiiska lixaad, waxa laga soo weriyay Anas Binu Maalik in Rasuulku yidhi: Qofka la fadhiista Jaariyad heesaysa (Faafaahin: Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray) ee ka dhegaystaa, Ilaahay baa naxaas kulul kaga shuba dhegaha qofkaas, maalinta qiyaamaha”.

“Xadiiskaas lixaadna, Ibnu Xasam waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, kama sugna lamana hayo weligii in Xadiiskaas laga weriyay Anas Bin Maalik. Waa Xadiis la been-abuuray, oo fadheexad socota ah.
“Xadiiska toddobaad, Makxuul ayaa Caa’isha ka weriyay in Nabigu yidhi: Qofka dhinta isaga oo leh Jaariyad heesta (Faafaahin; Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray), qofkaas ha ku tukanina Salaatul Jinaasaha.”

“Xadiiskaas toddobaadna, Ibnu Xasam waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, Ninka Makxuul la yidhaah ma soo gaadhin Caa’isha (Umal Mu’miniin), la mana kulmin. Haashim iyo ninka la yidhaah Cumar oo ka mid ah weriyayaasha Xadiiskuna waa lama-yaqaano.

La soco Qaybta Saddexaad

Maxamed Cabdi Daauud

madaud@gmail.com

Hargeysa-Somaliland