Dhoorwiil: Madhaafaanka Gabayga Ammaanta Geela – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

IBRAAHIN-HAWD

Bulshada Soomaalidu beri aad u fog bay jeclaatay Geela iyo dhaqashadiisa. La is kama jeclaan ee Geelu wax uu daboolay baahidii nololeed ee dadka. Haa, wax uu ku habboonaaday abuurta hawd-degaan ee dhulka Soomaalidu leeyahay oo u badan dhul-daaqsinta hodan ku ah haddana oommane ah. U adkaysiga biyo la’aanta iyo socodka dheer ee uu dhulal kala fog ee uu biyo iyo baad laga gaadhi karo ayaa ka mid ah wanaagyada uu geelu meesiyada kale dheer yahay.Tixda aynnu halkan ka ga hadli doonno laba meeris oo ku jira ayaa si wacan u qeexaya adkaysiga geelu in ay tahay sababta la gu jeclaaday. Wax uu yidhi: Waa dhagax naf loo hayjaddaa dhigay Ilaahaye/ Dhadhaab adag haddaanu ahayn la gu ma dhaarteene.

IBRAAHIN-HAWD

Isla markaa manfaca la ga helaa wuu ka tiro iyo tayo badnaa ka maalka kale. Tusaale ahaan waxaa la gu qabay caano badan, hilib weyn iyo rarasho culus. Dabadeed markii xilli dheer waxtarka sidaas ah ee geela la is la qirsanaa ayaa la ga dhigtay waxa dunida u gu mudan ee loo ga aragti qaato hodantinnimada, is la markaana la gu qiimaysto wax isdhaafsiga. Gabadha la jeclaado waxa u gu wanaagsan ee la gu helaa geela ayuu noqday, nin la dilay waxa qudha ee la ga ga samraa geel ayuu noqday, deeq la isa siiyana ta u gu mudani isaga ayayay noqotay. Dabadeed waxaa loo gudbiyay heer kale oo ah awood, xarrago iyo faan. Markaas baa nin waliba halgan u galay sidii uu geel ku heli lahaa haddii uu haystana u gu faro adaygi lahaa. Sidaas buu geelu ku noqday barta loollanka bulshadu ku wareego. Dhaciisa iyo dhicintiisa iyo damacyada kale ee la gu ka la helayo ayaa noqday sababta kowaad ee colaadda ragga iyo reeraha, iyo is la markaa is gobaynta iyo deeqda sarraysa.

Geelu markii uu miiqaankaa sidaa u weyn yeeshay ayuu halka u gu sarraysa ka galay murtida soomaalida idilkeed: maansada, maahmaahda iyo halqabsiga kale intaba. Maansadii hiddaha guud ahaan iyo gabayga gaar ahaan geela iyo ammuurihiisa ayaa si aan xad lahayn u ga dhex muuqda. Hayeeshee waxaa jira afmaallo si gooni ah u gu caanbaxay ku xarragoodka ammaanta geela, raggaana waxaa ka mid ah Cabdi-Gahayr, Maxamuud Cabdille Cali “Gamuute”, Cumar-Usteelliye iyo Cabdigalayax. Nimankaasi dadka ka ma ay geel jeclayn, hayeeshee maansadooda ayay u adeegsadeen muujinta dareenkooda taa ku saabsan. Cabdi-Gahayr tusaale ahaan si uu u fogeeyo riddada uu dadka ku dareensiinayo qiimiga geela wax uu af cad ku yidhi “ninka aan dunida geel ku dhaqani aakhirana meel wacan ku ma leh: Aakhiro nimaan geel lahayn la ma ammaanayne. Hadalkaa diin waxba ka ma gelin ee waa aftahamo ogaan ah oo gabyaagu ujeedkiisa ku gaadho.

Qoraalkan wax aynnu ku soo qaadaynnaa tix amakaag badan oo ka mid ah kuwa u gu qurxoon ee weligeed soomaalidu geel ku ammaantay. Waa tixda la yidhaahdo “Dhoor-Wiil” oo figta u gu sarraysa ka saaran suugaanta jaadkaas ah. Cumar Xuseen oo loo yaqaan “Ustareelliye” ama “Usteelliye” sida la sheegay naanaystu wax ay ka raacday tix gabay ah oo uu ku daray magaca dalka Ustareelliya. Wax uu qaybtii hore ee qarnigii tegay ku noolaa galbeedka Soomaaliland, wax uuna ahaa nin ku caanbaxay maanso ku ammaanka geela iyo jacaylka dhaqashadiisa.

U gu horraynba erayga “Dhoorwiil” ayaa mudan af ahaan in la is la garto. Sida muuqata waa eray isu gu jiraa “dhoor” oo ah timaha la gu reebo dhakada, iyo “wiil”. Dhaqanka soomaalida wiilka iyo gabadhu kolka ay da cayiman gaadhaan waxaa loo reebi jiray dhoor, in kasta oo dhaqankani markii dambe hablaha uun ku hadhay, markaas oo la gu sifeeyo “dhoorrey”. Halkaas bay ka timid gabyaagu hasha baarkeeda iyo dhoorka wiilka in uu is ku asteeyo. Gabyaagu in uu magac halaad geela oo dhan u qaataa waa aftahanada maansada oo dadkiisu la og yihiin lana garanayaan. Waa hibooyinka iyo awoodaha suugaanta in sidaa wax la isu gu sheego la isu guna afgarto. Tusaale ahaan tixdan is la wax qudha ayaa la gu sifaynayaa magacyo badan, haddana waad jeclaanaysaa oo aqbalaysaa oo aad weliba bogaadinaysaa. Geela uu ninkani ammaanayo marka horeba tulud keliya ayuu ka dhigayaa. Marka xigta magacyo gaar ah oo hali yeelato ayuu geelii oo dhan u bixinayaa. Mar kalena magacyadii halaha/geela ayuu badinayaa adiga oo kol walba oggol oo raalli ka ah, oo weliba jeclaysanaya. Bal dayay magacyada gaarka ah ee tuludda laakiin geela oo dhan u taagan: Dhoor, Dhudi, Dhebi, Dhool, Dheeha, Dhaameel, Dhoorwiil. Intaa waxaa dheer baarqabka oo uu u bixinayo Dhoorwiille.

Carabtu sida soomaalida si u dhow ayay geela maansada u gu weynayn jirtay, ha ahaatee ma jirto dunida cid geel u ammaantay sida soomaalida, tixdan ayaana ka mid ah meelaha u gu sarreeya ee taasi gaadhay. Awrka baarqab kolka uu xilliga barwaaqada doobta ka ga dayaamiyo sidan ayuu ninka geela jeceli u gu raalli noqdaa: Dhoorwiile goortuu ratigu Dheeha garab joogo/ Dhufashada rakaadday farxadi ku gu dhammaataaye.

U gu horrayn gabyaagani wax uu xusayaa qiimiga geelu dheer yahay xoolaha kale oo dhan: lo, riyo iyo ido. Duunyadaas kale oo dhan wax uu ku liidayaa nugayl ay geela ka ga hooseeyaan, waayo biyo iyo baad joogto ah in ay ku dhex jiraan oo qudha ayay ku dhaqnaan karaan, taasna dunida la ga heli maayo. Sidaa darteed qofka dhaqasho aan geel ahayn is ku halleeyaa caydh waxba ma dhaamo, ayuu lee yahay. Marka xigta waxtarka geela ayuu tirinayaa isaga oo ka bilaabaya caanihiisa oo uu u arko in ay wax wal oo kale ka tayo iyo dheef sarreeyaan, oo xitaa jidhka dawo iyo caafimaad u yihiin. Mar kale wax uu sifaynayaa geelaasi kolka uu muddo dheer sida biciidka ayda fog soo daaqo, isaga oo aan biyo u baahan, sida isaga oo qurux la tiicaya loo gu soo dejiyo dhulka biyaha dhanaan, dhegedka leh, ama daranta uu ku jeel baxo. Mar kale quruxda geela ee ashqaraarka leh marka uu aroorka yahay ama horan yahay ee rag u dhaarsani waraabka ugu jiibinayaan.

Geelaasi marka uu dhanaha ka fulo waxaa mar kale loo xergeeyaa[1] dhul daaqsimeed ugbaad iyo dalsan ah oo reeraha ka fog. Halkaas buu cawska iyo qadawga is ku goostaa jeer roobka guga ama dayrtu u da’o. Markaas baa jannadii janno u gu darsantaa, quruxdii iyo caafimaadkiina u sii kordhaan. Halkaas buu ku dhalaa oo ubadku doogga dhex jiifsadaa dambarkuna ka hooraa. Halkaas buu baarqabka ku qooqani dhibada iyo dawaadda is ku aslaa oo doobta ridaa micidana ramiyaa. Xaaladda sidaa u barwaaqaysan, ee quruxda iyo dheefta nololeedba leh, dadka caafimaadkooda nafsiga ahi waa marka uu u gu sarreeyo ee loo gu farxad iyo liibaan badan yahay.

Cumar-Usteelliye isaga oo waxaas oo dhan ka hadlay ayuu haddana tixda ka ga cabanayaa run ahaantii qiimiga geela intaasi in aanay waxba ka ahayn. Ma aha, ayuu lee yahay, noole u qalma in la iibiyo oo wax kale la gu doorsado, iyo xitaa in sinaba la isu siiyo. Taa darteed wax kaleba aan ka samree ma oggoli geelu sinaba in uu ii dhaafo, waana sababta aan u ga dhex bixi waayay ee aan u gu dagaallamo naftana u gu huro, ayuu lee yahay. Nolosha qofka soomaaliyeed waa geel uun, wixii kale ee la gu maararroobaana waa caydhnimo, aniga ayaana maanta haysta ee rimaanteeda ii soo godol, ayuu u gu dambayn ku faanayaa.

Tixdan siyaalo badan oo mar walba isdaba marsan baan loo tebiyaa, aad baana qoristeeda loo qarribay. Run ahaantii ani gu weli ma hayo iyada oo tifatiran oo dhammaystiran. Sidaa darteed wax aan ka saaray laba/saddex meeris oo aan cuddoonayn oo aan sidii ay ahaayeen garan waayay. Wax aan kale oo ka cudurdaaranayaa in aanan hubin sida aan halkan u gu qoray in ay tahay sidii u gu hagaagsanayd.

Dhoorwiil waxay tidhi;

“Dhudaa gabay haddaan Maxamadow dhuuxa ka abbaaro

Abidkayba xarafkaan dhigaa dhaxalgal weeyaane

Anigoo dhallaanaan xafiday dhihitinkiisiiye

Caawuu gadhkaygii dhafmoo dhabannaday buuxshay

In uu xarafku i ga dheelliyaa waa dhegxumo weyne

I dhegaysta waa taa tixdaan dhaabadayn jiraye:

 

Adhi waa dhallaan iyo haween dhimaradiisiiye

Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka Karameede[2]

Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha sii ma dhaafsana’e

Lo’da dhiiqda laga maalayaa dhayda iyo xoorku

Dhudhunkay biyaha ku la jirtiyo dharabka weeyaane

Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka

Dhoor caano la ga soo lisoo yara dhanaanaaday

Nin dhadhamiyay wuu garanayaa dhul ay qaboojaane

Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

 

Dheeraad u raaciyo bilay dhacarataa Hawde[3]

Iyadoo dhimbiishii[4] suddiyo iyo dhilatay maygaagga

Iyadoo dhammaan wada rintoo dhaaddan oo quruxsan

Oo farowga[5] oofaha ku dhigay dhinacu goobaystay

Iyadoo dhawaysoo candhiyo dhays la socon wayday

Ayay jeelka ka ma dhawrsatee dhanaha[6] xiistaaye

Dhabbaduu ku soo ururiyaa dhoobbigii jiraye

Markay dhawr habeen soo dhaxday Dhamal timaaddaaye

Dharaar bay carrada joogsataa dhegadka[7] ruugtaaye

Habeenkaa wax la ga dhiijiyaa dhay habeed badane

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

 

Dhag salaaddu goortay tidhay dhacanta jiidhaaye

Dhismaa naadhka iyo wiilashay laba u dhiibaane

Goorta dhagax malkada shiisha iyo dheenta lagu tiirsho

Sidii faras dhambaal culus siday ka la dhaqaaqdaaye

Markay soo dhawaatay kalgacal Dhudi la yeedhaaye

Markaasay dhegaystaan kuwii ceelka loo dhigaye

Ma dhursugo irmaankoo wax badan dhanaha moogaaye[8]

Dhaltidiyo ratiga baarqabkay dhibidu suudaysay[9]

Heesteeda niman bow dhignaa dhoy la’aan jiraye

Dhallinyaro hormuud loo dhigoo timaha dhoobaystay[10]

Sida nimanka dhaantada tumay u gu dhawaaqaane

Dhufsashada hadhuub-gaalladaa la isu dhiibaaye

Markay dheregto baa meel burco[11] ah Dhool la tu’iyaaye

Sida dhaan harraad loo qabay u gu dhaqaaqaane

Markaasaa dhulkuu joogi jiray la gu dhaqaajaaye

Xeryo guulkii[12] loo sii dhigay dhag u ga siiyaane

Waxa dhaba habeenkaa ninkii dhama galxoodkeeda[13]

Dhallaannimo qodxii ku gu mudaa kaa ga soo dhaca e

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

 

Wax ay sii dhowaataba kolkay Idhamadii dhaafto

Halka dhuubka caws la ga helay u ga dhex oodaane

Iyadoo horraantii dhashoo dhiraha loo waabay

Ood dhogorta qaalmaha xariir dheehan ku astayso

Ayaa dhool gu oo soo onkoday dhibic ka hooraaye

Markaasay xeryaha u ga dhigaan dhinacsinkii Hawde

Dhabbadii carraabaha markii nabar[14] la sii dheelmo

Dhoorwiile goortuu ratigu Dheeha garab joogo

Dhudhunkeeda laafyaha markuu dhan u la boodaayo[15]

Dhegta iyo dawaaddiyo xubnaha laysku wada dhaabay

Dhudda kuruska beerkiyo kelyaha dhibidu gaashaysay

Dhexda labada qaar noqotay iyo dhabarka soo xoodmay

Dhegeysigu micida meel cidla ah dheef u rabinaayo

Dhufashada rakaadday farxadi ku gu dhammaataaye

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

 

Ammaantiisa kuu maan dhammayn ku mana dheeraane

Dhaayo geelu lee yahay haddaan dhool yar ka iftiinsho

Dhaddigiisa la ma iibiyeen la mana dhiibeene

Dhool la ma muquunsheen haddii dhawr la gaa xidho e[16]

Waa dhagax nafloo hayjaddaa dhigay Ilaahaye

Dhadhaab adag haddaanu ka bixin la gu ma dhaarteene

Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigta Dhaameele

Wax kaloo ku dhaafaba rag ways ka ga dhaqaaqaaye

 

Dhugtankiyo rasaastii madfacu dhiraha laynaayay

Sida dhibicda shayddaanigay na gu dhawaaqaysay

Hadba dhuungalayntaan bunduqa ku la dhawaanaayay

Ani guba dhexdeed waxan ku jiray Dheeho tacabkeede

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

Dhaldhalaal magaaliyo bariis ma laha dheecaane

Jiilaalku reer uu dhibay Dhool ku hoyataaye

Markaasaa karuur la gu dhigtaa dhiilo baalidaye

In kastood adduun badan dhaqdiyo dheemman iyo daaro

In kastood dhar wada suufa iyo dhag iyo laas qaaddo

Dhaxal ma leh nin soomaaliyoon dhaqannin koorreeye

Dhoorwiil uyeedhyeedh[17] nimaan dhaqanin waa caydhe.

Email: Ibraahinhawd@hotmail.com

Web: www.Ibraahinhawd.com