‘Way i dhaceen!’ Qalinka: Nimco Baashe Cabdi

Waxaa jira  dad badan, oo aan garaneyn sida loo shaqeysto, waayo waxay maqleen, uun xafiis ayaa la dhex fadhiistaa, oo taas  kaliya ayaa la yidhaa shaqo, iyaga oo dhalinyarada, intii u badneyd ka haajiray dalkooda,waxayna dhaliil ka dhiganayaan.

NIMCO BAASHE CABDI

Iyaga oo leh dalkayagu waa bilaa shaqo, waxayna u qulqulayaan, wadamo shisheeye, iyo dad aynaan aqoon waxay yihiin, bal maxaa u diiday, inta ay dalalka ajaanibka camirayaan in ay dalkooda camiraan?

Kumannaan dhalinyaro oo ka dhamastay dalkooda jaamacadihii ayaa hada la layahay meel ay shaan iyo cidhib dhigeen,maxay tahay markaa faa’idada ugu jirta in ay ka yacaan dalkooda? Qofna aayar iska ma helo xafiis uu iska dhex fadhiisto, balse wuxuu ku dadalaa, halka uu taagan yahay, in uu ka sii gudbo.

Adna sidaa si lamida hadaad dadaasho waaad helaysaa, waliba intii aad maraykan ama ingiriiska, aad ugu cararaysay in ka badan ayaad howl yaraan kaga helaysaa, dalkaaga dhexdiisa.

Maxamud Yare waa, wiil dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada, wuxu ii sheegay in uu yahay, qof shaqeysta isaga oo, baabuurta maydha, Kabahana baalasheeya, Waxaan waydiiyay, sababta ku kaliftay,in uu shaqadan qabto, wuxuna ii sheegay, in uu isagu u shaqeeyo, qoyskiisa.

Waxaan waydiyay Abbihii iyo hooyadii in ay nool yihiin iyo in kale, wuxuna ii sheegay in ay nool yihiin, balse ayna u hayn, nolol fiican oo uu ku noolaado, sababto ah, waa dad sabool ah, waxayna ku nool yihiin, nolol aad u hoosaysa, Balse Maxamud waxa uu rabaa, inuu qoyskiisa ka saaro noloshay ku noolyihiin, Maxamud waa Ilmo yar.

Hase ahaate, wuxu leeyahay oo uu illahay siiyay, maskax iyo caqli aad u fiican, shaqadiisa oo taa ah, ayaa hadana wuxuu shaqeeyaa galin kaliya, halka uu galinka kalena wax ka barto,markale ayaan waxaan waydiiyay, sida uu lacagta  uga helo dadka uu u shaqeeyo, kuwa uu baabuurta u maydho iyo kuwa, wuu kabaha u balasheeyo, wuxu ii sheegay, in ay uga soo baxdo lacag fiican, taaas oo uu waxna reerka biil uga dhigo waxna howlihiisa kale ku dabaro.

Balse waxa uu ii sheegay, maalin maal maha ka mid ah, isaga oo soo shaqeystay lacag, aad u badan oo ahayd tii abidkii soo gasha, ayaa waxaa soo weeraray, koox tuugo ah, waxayna ka qaateen dhamaan wixii uu lacag haystay ee uu illaa maanta u soo dhididay.

Waxaanu yidhi; “Waxay ahayd maalintii iigu lacagta badneyd,ee aan shaqeysto abid, koox dhalinyaro ah, ayaa ii soo weerartay, wayna  ii dileen, waxayna iga qaateen dhamaan wixii aan soo shaqeystay,way Iga dhaceen, hadii aan arko iyaga, waan ka aar goosan doonaa.”

Waad aragtay dhibka gaadhay wiilkaa Maxamud iyo sida looga qaaday xoolahiisii uu soo shaqeystay, wuxuna sheegay ,  in uuna sidaa ku illaawayn,balse uu ka aar goosan doono hadii uu arko iyaga.

sidoo kale waxaan waydiiyay Maxamud, marka uu waynaado ee  uu waxbarto, mustaqbalkiisa, waxa uu doonaayo in uu noqdo;  “Anigu waxaan doonayaa inaad noqdo, nin ah injineer,  waayo waan jeclay inaan noqdo.”

Haddaba, dadweyne anigu waxaan la yaaba dadka le wadankayagu waa bilaa shaqo, ee u sii qulqulaaya, wadamo kale, noloshaada haddii aanad inta hoose ka soo dhisan, hadhow waxay kaa noqoneysaa, aqal inta la qotomiyay, aan seeska loo adkeyn.

Kumannaanka qof ee ka soo baxay jaamacadaha, iyo inta aan waxba baran, haddii mid kastaa yidhaa, waxaan rabaa xafiis iyo xabad kombitar ah, runtii wax inoo dhismayaa ma jiraan markaa ha la ogaado, dhalinyaro wadankeenu maaha bilaa shaqo balse daacad uma tihidin inaad dalkiina ka shaqeystaan.

Qoraalkani waa Fikirka, Qormaynta iyo Qalinka:

Nimco Baashe Cabdi

caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.