Cajiib: Hargeysa iyo Habeenka Bandhigga Fannaaniinta Xiddigaha Jabuuti

Hargeysa (AFT)- Fannaaniinta Xiddigaha reer Jabuuti Cabdiraxmaan Siciid Xan-xanteeye, Kaltuun Bacado iyo Canab Ismaaciil (Canab-Marwo) iyo fanaanka aadka loo jecel-yahay  Maxamed Xasan (BK) ayaa show Cajiiba ku qaban doona Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa.

HABEENKA FANNAANIINTA XIDDIGAHA JABUUTI IYO HARGEYSAHABEENKA FANNAANIINTA XIDDIGAHA JABUUTI IYO HARGEYSA

Showgan oo la yidhaahdo “Showga Xidigaha reer Jabuuti iyo Habeenka reer Hargeysa”, oo ay Fannaaniintani ku soo bandhigi doonaan fankooda iyo heeso cusub oo raali-gelin doona dadka ku xidhan fanka iyo Suugaanta, Waxaana show-gan lagu qabanayaa Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa taariikhdu markay tahay 19/8/2014 oo ah habeenka Salaasada ee ay Arbacadu soo galayso.

Sidaadaradeed, waxaan leeyahay qurba-jooga tirrada baddan ee ku sugan dalka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee xiiseeya fanka iyo Suugaanta, waxaan leeyahay hamoogaanina Showgan Cajiibka.

“Waxaan ku faraxsanay inaan fanaaniintayadani nimaadno Caasimada Somaliland oo aanu ku soo bandhigi doono Show cajiiba oo xiisa geliya dhamaan dadka habeenka aanu dhigayno nasiibka u hela. Sidaa daradeed waxaan leeyahay cidkasta oo jecel fanka waa inay ka soo qeybgashaa Showgaa”.Ayuu yidhi Al-fanaan Cabdiraxmaan Siciid Xanxanteeye,oo ka mida fanaaniinta reer jabuuti ee degen waddanka Ingiriiska, isla markaana dadku aad u jecel yihiin Heesaha uu qaado,

Cabdiraxmaan Xanxanteeye waa Fannaan dhalinyaro ah oo uu ILLAAHAY siiyey cod macaan iyo weliba qaab-masraxiyadeed wanaagsan leh oo cidka dhageysata hiisihiisa aanay ka xiisa goynin.

Fannaanka Maxamed BK waxa uu ka mida yahay fanaaniinta Xiddigaha Geeska ee aadka wakhtigan loo jecel-yahay heesaha uu qaado,waa fanaan ku dareengelinaya markaad dhageysanaysid heesihiisa, codkiisuna wuu fiican yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.