Sarbeeb Siyaasadeed oo ku socota Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro?

Qalinka Maxamed Faarax Qoti : —Inkastoo aanay dareen iyo wax-fikradtoona u lahayn  shaqsiyaddaada balse waa wax lala yaabo oo aad  cajiib u ah, marka ay la wadaagayso dadka waaweyn dhinaca madadaalada iyo weheshiga,   waayo waa qalab sameynaya   dhaq-dhaqaaq iyo cod,  oo loo sameeyey maskax yar oo lagu kaydiyey barnaamijyo xiiso badan,  sida  Ruwaayado ama filimada muuqaal arraga oo kale,  kaasoo jilaya hadba dabeecadaha nooca uu u eg-yahay xayawaanada.

البرلمان رئيس أ

لصومال رض ا جمهورية

CIRRO

Inkastoo aanay dareen iyo wax-fikradtoona u lahayn  shaqsiyaddaada balse waa wax lala yaabo oo aad  cajiib u ah, marka ay la wadaagayso dadka waaweyn dhinaca madadaalada iyo weheshiga,   waayo waa qalab sameynaya   dhaq-dhaqaaq iyo cod,  oo loo sameeyey maskax yar oo lagu kaydiyey barnaamijyo xiiso badan,  sida  Ruwaayado ama filimada muuqaal arraga oo kale,  kaasoo jilaya hadba dabeecadaha nooca uu u eg-yahay xayawaanada.

ka fikirka Hindisaha qalabkan cusub waxa ka shiray saynis-yahano kala duwan, ka dib markii  aqoonyahano ku taxa luqa daryeelka caafimaadka iyo daaweynta xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn, kuwaas oo  u soo  gudbiyey saynisyahanada daraasad ay ku ogaadeen, in xayawaanaadka nool ee dab joogta ahi,  ay ka waxtar-badan karto sameynta manoole dab joog ah,  sida;  Bisaddaha, bakaylaha, Fardaha, Sakaaradda, Daayeero, xayawaanadaas  oo  inta badan lajoogitaankooda dadka waaweyn  lagula tacaali jiray in lagu  dabiibo nooc ka mid ah xanuunada ku yimaada dadka da’doodu waynaato ee afka-qalaad  loo yaqaan amnesia.

daraasadaas oo si faahfaahsan loogu cadeeyey kala duwanaanshaha waxtarka noolaha dab joogta ah iyo manoolaha dab-joogta ah,  waxaanay ku macneeyeen in  xayawaanadda noolaha ah ee dab joogta ahi  leeyihiin dabeecado kala gadisan iyo qorshe la xidhiidha  hab nololeedkooda, waa kuwo leh xiliyo ay seexdaan, ciyaaraan, nastaan, mararka qaarkoodna waxay u baahdaan cunto iyo biyo ay cabaan,  taasina waxay caqabad ku noqotay dabiibkii ay ka heli lahaayeen  dadka da’doodu waynaato,  sababtoo ah waxay u baahdeen in agjooga xayawaankaasi aanu mar qudha aanu ka ag-maqnaan ama aanu ka ag-tagin oo uu la joogo.

Khubaradan  ku takhakhusay cilmiga sayniska ayaa markii danbe ku guulaystay manoole dab-joog ah oo leh  dabeecadaha hadba nooca xayawaanka dab-jooga ah ee uu u eegyahay, qalabkaas manoolaha ee dab-jooga ahi, wuxuu wax weyn u taray kuna caafimaadeen  nooc ka mid  ah xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn ee la yidhaahdo xusuusla’aanta, ee afka-qalaad  loo yaqaano  Amnesia.

Mana  jirto illaa hadda daawayn u gaar ah oo  lagu 0daweeyo xusuus la’aanta, balse waxa lagula tacaalaa  farsamooyin macquul ah oo ku salaysan waxyaabihii ay caanka ku ahaayeen wax u eeg ama iyo habab kale oo cilmiyaysan taasoo usoo celisa  habka kaydka xog-ururineed ee maskaxda, kaydinta xogaha cusub iyo xusuusashada dhacdooyinkii hore.

Noocyada kala duwan ee xusuusla’aanta ee afka qalaad lagu yidhaahdo “Amnestic Disorders “ waxa inta badan sababa  dhaawac soo gaadhay qaybo ka mid ah kaydka xog ururinta ee maskaxda ,  mana aha xusuustii oo marmar kaa lunta, laakiin waa mid joogta ah, in kastoo lala  xidhiidhiyo   kaydkii xog ururineed oo lumay iyo inuu abuuri kari waayo  kayd cusub oo xog ururineed ama uu awoodi kari waayo inuu barto wararka cusub,

Xusuusla’aantan  waxa la moodaa in loola jeedo mid ka mid ah khasaaraha soo gaadha xusuusta,   sida ay xaqiiqadu tahay  dhinaca xogaha iyo  waayo-aragnimada, kumana keento guud ahaan nolosha dhabta ah  wax khasaaro ah dhinaca aqoontiisa  ee gaarka u ah,  laakiin badanaaba waxa ku adkaanta  inuu si cad uu wax u fahmo ,  ama ay ku adkaato barashada macluumaadka cusub iyo abuuridda  xusuuso hor leh ee cusub,

nooc ka mid ah xusuus la’aanta  taasoo  afka-qalaad lagu yidhaahdo “ anterograde amnesia”  ayaa iyadana lala  xidhiidhiyaa  inay ku adkaato  khibradihii iyo dhacdooyinkii  dhacay ee la soo dhaafay ama xaqiiqada dhabta ah ee ay mudadaasi ay ka soo barteen inuu ka warbixiyo  ama   xog hore inuu dib uga hadlo, iyo inay ku keento feejignaan la’aan ,  iyo inuu ixtiraamo wakhtiga mudada u dhaxaysa, taa macnaheedu waxa weeyaan  ma awoodi karaan inay kuu sheegaan  haddii aad imtixaanto  ama aad weydiiso  maanta todobaadka halkay kagaga jirtaa.

Maxamed Faarax Qoti

Email. mfqoti@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka iyo bilawga qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan.