‘Wasiir Sirri-daari ah oo Himilada Qaranka dheeraad ku ah!’ W/Q: Xuseen Xasan Yuusuf

Adduunyadan Wareegtada Ah,

Ee Wiigba Guri Joogta

Wanaag Ninkii Ayaamo Kala Kulmow

Waayo kuu hadho’e

Waqtigu Waa Wareegtee Muhannadoow

Weelka Buuxso Maanta

Bismillaahi Waa kow, Qu’aankay Bir-lab u tahay, bariido san dabadeed hor iyo horraanba aan salaam gobeed u diro akhyaarta qormadan aan jecelahay inay ila wadaagaan, inta aragtidayda igu waafaqsan iyo inta laga yaabo inaanay jeclaysan nuxurka farriintaydan.

Maxmauud

  Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah WAsiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, kana mid ah wasiirrada lama taabtaanka ah ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo La kowsaday curashadeedii oo haatan laga joogo afar sannadood iyo maalmo dheeraad ahi, Aan idhaahdo, waa wasiir Tookhu biyo dhigay, waxaanan is leeyahay dembi kuguma raacayo haddii aan ku tilmaamo inuu yahay wasiirka ugu faanka iyo ammaanta jecel, isla markaana  hammigiisu gaadhay heer haddii ay u suurto galayso ay qaybaha kala duwan warbaahinta ku marti-soori lahayd in gabal dhac iyo waaga berigiisaba ay qaadaa-dhigaan hawlaha loo igmaday oo buunbuunini ku ladhan tahay.

  Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hor 28-kii July, ee 2010-kii  intii aan Xilkan Madaxweynuhu u magacaabin  saaxadda siyaasadda lagu xusuusan jiray xubinnimadii uu kaga jiray golihii Wakiillada ee Hab beelleedka ahaa, isaga oo Naanayso caan baxay kaga suntanaa Xildhibaannadii la jaalka ahaa, kadib markii Mucaaradad-casabiyadaysan kaga dhex suntanaaday Golihii Waqtigaas, isaga oo marar badan fadhiyadooda ku soo bandhigi jiray dhaliillo ka dhan ah xukuumaddii waqtigaas ee uu gadh wadeenka ka ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, dhaliillahaas oo dhinaca ay ka rarnaayeen ka sokow caadifadi wehelin jirtay, kuwaasoo aakhirkii u horseeday in Marxuum Cigaal qoorta u geliyo magic aanay xilligaas bulshada Somaliland iyo saaxadda siyaasaddaba laga aqoon oo ku astaysnaa Jar-is-ka-xoornimo. Waxaana Marxuum Cigaal Xildhibaankii milaygaas [maantana ah wasiirka duulista] kaga dhex sooxay mudanayaashii kale magaca Marxuum [Cusaama] waqtigaas reer Galbeedku ka qaylinayeen siyaasaddiisa ilaa markii dembel laysla arkay, mashriq iyo maqribna laga wada bartay.

Naanaysta dabayaaqadii qarnigii tegey u hir gashay Maxamuud Xaashi oo geyeysiisay in uu ku hafto miidaankii Siyaasadda, kuna  dhex shiiqo Golihiisa waxa  shan sanno kadib markii mar kale xilka wasiirnimo looga magacaabay xukuumaddan loogu wanqalay, kursigiisana uu ku gerdaadiyey Naanays  [Muhanad] Hor leh oo uu dhiggiisa kaga dhex sheegan yahay,  ma doonayo inaan ku talax tago sababta iyo saaxadda uu magacani ugu hir geliyay Maxamuud Xaashi, waxase aan qirsanahay in Maxamuud Xaashi Cabdi  uu calanka u sido haatan:

–        Guusha Musuqa iyo mugdi gelinta hantida lagu aaminay maamulkeeda

–        Kala soocida, Qaraabo-kiilka, shaqsi nacaybka iyo eexashada shaqaalaha wasaaradda maamulkeeda lagu aaminay.

–        Isir-raaca, hayb-doorasahda iyo u kala sed burinta shaqaalaha hadba loo qorayo wasaaradda Maamulkeeda lagu aaminay.

–        Ballan-darrada, Run-badhxida iyo Been badnaanta hadba wixii  fulinteeda laga sugayo

 Musuq-maasuq  

iska daa lacagtii ahayd $10,00000 ee Kuwait ugu deeqday Somaliland halkii ay martay een ilaa hadda dadku yar iyo weyn lays weydiinayo tusaalaha kugu filaan eed heerka musuq maasuq aad qiyaas ahaan uga qaadan karto ila eeg gurigii ay wasarada duulisku geli jirtay ee la iibiyey qiimaha la siyey waxa uu ahaa $840,000 waxan ku iibsaday nin ganacsade ah.

waxa uu Tvyada iyo jornaladda ka sheegay malintii dhaweyd ee uu madaxweynu xadhiga ka jaray dhiso socday 1 sano iyo 7 bilood oo ka kooban laba dabaq uu wasiirku sheegay in lacagta ku baxday ay ahayd $180000 hadba haddii haddii ay kuba sheegno lacagta dhisamaha uuu dhisay lacagta ku baxday aynu ka soo qaadno inagoo eegayna xaalaalka iyo dhal dhalaalka uu ku sameyey lacag dhan $200.000 laba boqol oo kun intii soo hadday meeday oo ah $640,000$ iska daa soo hadal qaade xitaa qolal dheerad ah lagam hay

Qabyaalladda

halgamaagii weynnaa, mujaahidkii xaqa ee gurigiisa lagu aasaasay ururkii dalkan xoreyey ee S N M Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa inoo sheegay heerka uu qabyaladu ka gaadhay markuu lahaa( inan aan adeer u ahay ayaan idhi reerkii dhamaday inantaas ayaa kale joogtee ilaali) maxay cishaduu sidaas u sheegay kamay dambe waa markhati cad oo ina cabdiqaadir inoo sheegay malin dhowayd waxa ka dhacay hadal uuu si badheedh ah ugu yidhi dadbadan isaoo oon Eexda iyo cidnacaybka aan qarsanay uu si cad u yidhi inantaasi waa ayo? Hadda ogow qofka uuu sidaas leeyahay inan shaqale ciduu leeyahay waayo mar qiudha ayaa afkiisa waxa ka so booday kelmadda ah ( haddii aan reer hebel moodayo maan qorreen ee waxan shaqaa u qoray reer hebel ahaan). waa shaqsi u nugul shay kasta waa wasiirka koobad ee intuu ka dhex kacay golaha wasiiradda yidhi aniga maxaa saxaafadda igu diray? Layma hiiliyo? I w m ka dibna loogu hal celiyey ummadu garashadooda ha caayin afkaga xidho ninkaaga I D cardkii shaqalaha loo sameyey ka dhigay mashruuc cusub oo xadhiga ka jarayaa.

Ballan-darrada iyo Been-fulinta

wallaahi haddii aad boqato xafiiska amba goobta shaqadda waad yaabeysaa inta qof labeentii ummadda ah ee uu soo lugooyey ee uu ka dhuumanayo  sheekh, suldaan iyo qof kasta oo karaamo leh been ayuu u sheegay waxa ka daran odaysha waa weyn ee uu gobaladda ka soo lugaynayo, tusale ilaa madaxtooyadu ogtahay iyo daliil cad ayaa jira waxa jira 2 hablood oo walalkii ruma uu dhalay oo dagaladii snm ku geeriyoda maalin ayey ugu tageen guriga iyago doonaya madama ay dhameeyn jamacado in uu bal wax shaqo siin karo iyo in kale markii ay guriga ugu tageen ee gabadhu fadhiisiay qolka fadhiga una sheegay in hablihii adeerka uuu u ahaa manta sugayn ilaa intuu casarka tosayey markuu toosay ee uu salamay isuga intuu yidhi ayuu xagga dambe ka baxay bal qiyaas xaalkaas iyo qiimo darantaas.

sidaas awgeed waxan jeclaan lahaa madaxweynuha waa qof naciim ah oo neceb musuq maasuq in uu wasiirka nusqaanta ku ah xukumadda uu dadka hore ui dhaafiyo

Allaa Mahad Leh

 Qalinkii: Xuseen Xasan Yuusuf

Hargeysa, Somaliland

xuseenxasan077@hotmail.com.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka iyo bilawga qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan.