‘Waxaannu Tacsi u diraynaa Qoyska ay ka baxday Marxuumad Aamina Cilmi Samatar’

Bahdda Warbaahinta Aftahan Media Group, Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan hawlwadeennada kala duwan ee Aftahan waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta ay ka baxday ALLAAH ha u naxariistee Hooyo Marxuumad Aamina Cilmi Samatar oo Salaasada maanta oo ku beegan 5-ta bisha 8-aad 2014-ka ku geeriyootay magaalada Hargeysa oo isla galabta lagu aasay.

Waxaannu Marxuumadda ALLAAH uga baryeynaa inuu Naxariista Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ah-na ka siiyo Qoyska, Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabta ay ka baxday Marxuumad Aamina Cilmi Samatar. Aammiin…….Aammiin…….Aammiin.

Innaali-Laahu Wa Innaa Ilayhi Raajucuun.

tacsi1