‘Jecli Waddanka, Jecli Ciidda Ciiddaydii Hooyooy!’ Qalinka Nimco Baashe Cabdi

Haddaynu nayah dadweynaha waddanka Somaliland, ma ogtahay Muwaaddin in dhismaha waddankeennu ku xidhanyahay gacmaheenna? Haddaynaan dhisin waddankeena ma jirto cid kale oo innoo dhisaysa, maaha in aynu nidhaa maxaa loo dhisi  waayay oo aynu cid kale wax ka sugno? 

NIMCO BAASHE CABDI

Sababta oo ah, waxay ka dhigantahay qof gurigiisii inta uu hagaajin waayo yidhaahdo guriga halla ii hagaajiyo,  haddaanad shaqeysan yaa kuu shaqeynaaya? Maaha in aynu nidhaahno waxaan leeney dawlad, markaa dawladda ayaa wax walba qabashadeeda aan uga fadhinaa ama aannu ka sugaynaa.

Maaha in aynu dawladda wax walba ka sugno, maaha in aynu nidhaa, dawladdii ayaa waxba noo qaban wayday. Madaxweynuhu waxa uu la mid yahay Muwaaddinka Cashuurta bixinaya. Muwaaddin ha diidin in aad bixiso Cashuurta waddankaaga ee kugu waajibtay inaad bixiso.

Mawaaddin Cashurta aad bixisaa waxay la mid tahay, biilka aad u soo saarayso qoyskaaga ama reerkaaga, waana mid dib ugu noqoneysa dalkaaga, Muwaaddin haddii aad diiddo inaad bixiso Cashurta kugu waajibtay intay doonto ha leekaatee waxaad la mid tahay qof Biilkii u diiday Carruurtiisa, taasina waa wax laga xumaado.

Ogow Muwaaddin lama-huraan waa dhulkaaga Hooyo, sidaa awgeed aynu dhowrno waddankeenna, aynu dhisno dhulkeenna, aynu u hagar-baxno dhulkeenna Hooyo, Jecliyaa waddankeyga, Jecliyaa dhulka Hooyo, Jecli ciidda Ciiddaydii Hooyooy.! Dadwayne aynu dalkeenna maal-gashanno inteenna awooddaa, si aynu hadhow u helno dhaxal aan mid faro-waayeelka waxaan leeyahay dalka innooo dhisa.

Waayo? Waxaad tihiin Wax-garadkii, dalka oo noo maqan,  midna waa ta, an u diraayo dhalinyarada, u dhashay wadankan  somaliland, dhalintu waa ubixii wadanka, u soo koraayay , ee bari badali lahaa kuwa, maanta jooga  ee dhaxli lahaa.

Muwaaddinka dhabta ahi waa ka illaa shada waddankiisa, waddankagu wuxuu  kugu leeyahay abaal aan la gudi Karin, muwaadin ka dhabtaa waa ka wadankiisa ama dhulkiisa, Hooyo  dhiig iyo dhuuxba u shuba, waa ka wadankiisa u hura naftiisa,  Haddaba dhalinyarooy.

Waxaa innoo ballana inta dhoofka ugu maqan dalkeena iyo inta ka qalin-jebineysa Jaamacadaha, dugsiyada dhammaan waa in aynu u soo jeedsannaa, dhismaha waddankeena, waana howl laha qarankee  u baahan siday hantidu  u hagaagayaan, horseed ka ahoow.

Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.