Goormaa la qabanayaa Shirweynaha Shanaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Shanaad ee Ururkaas oo lagu wado inuu dhawaan ka qabsoomo magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland.

Guddiga Fulinta ee SOLJA, waxay sidaa ku sheegeen War qoraal ah oo ay maanta soo saareen, kaasoo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, ayaa lagu socodsiiyey dhammaan Xubnaha Ururka SOLJA, ogeysiin-na laga siiyey Hoggaanka SOLJA, ayaa waxa uu u qornaa sidan:-

“KU: Dhammaan xubnaha ururka SOLJA

OG: Gudoomiyaha SOLJA

OG: Guddoomiye ku-xigeenka SOLJA

OG: Xoghayaha guud ee SOLJA

UJ: Guddida Qabad qaabada Shirweynaha shanaad ee SOLJA (preparatory Committee of SOLJA General Assembly)

 Mudanayaal/Marwooyin,

Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyagga oo tixraacaya qodobka lixaad ee Dastuurka SOLJA faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha Ururku qabsoomo saddexdii sanaba hal mar, isla markaana Fullinaya qodobka Lixaad faqradihiisa C iyo Q oo ku waajibiyay hawshan. Waxaa shir ay maanta 30/7/2014 ku yeesheen xafiiska guud ee Ururka SOLJA Hargeysa ku magacaabeen kuna ansixiyeen cod gacantaag ah Guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad oo ka kooban shan xubnood.

Magacyada Guddida:

1.            Maxamed Ahmed Jaamac (Caloolay) SOLJA

2.            Maxamed Aw Aadan Cabdi – Freelance

3.            Maxamed Siciid C/llaahi -SOLJA

4.            Maxamed Xusen Jamac Geeska Afrika

5.            Axmed Xussen Warsame SLNTV

Waxaanu ka rajaynayaa xubnaha guddida qaban-qaabada ee kor ku xusani, in ay ugadan doonaan hawshan sida uu waajibiyay distoorka ururka SOLJA, si aynu hore ugu sii socono qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.

Waxa halkan ku lifaaqan hawl-maalmeedka guddida qabanqaabada shirweynaha.

Hawl-maalmeedka Guddida Qaban-qaabada shirweyaha 5aad ee SOLJA

1.    Guddida qaban-qaabadu waxay mas’uul ka tahay dhammaan hawlaha la xidhiidha qabsoomidda, iyo Habsami u socodka shirweynaha

2.    Masuuliyada hagida shirweynaha intaan la dooran shir-guddoon

3.    In ay fidiyaan martiqaadka ergooyinka rasmiga ah iyo goob-joogayaasha shirka

4.    In ay magacaabaan SHARCI YAQAAN soo naaqisha iyo talo bixina ka keeno dastuurka ururka SOLJA, Shirweynaha ka Hor.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.