Haatufka Maanta oo Wacdaro dhigay: Akhriso

Haatufka Maanta : Waaryaadhaheen tii Xukuumad ahayd waxa ka soo hadhay “Qabyaalad-baa la waddaa oo habartii Magaaddaa aakhiro laga soo toosinayaa”. Oo heedhe habartan Magaaddo habartii kale ee ay isku qarniga ahaayeen iyadu tolow may soo dhawaatay sawtii tafiirteedii oon qof ka maqnayni ay barri-dhawayd ducadda ugu dhigeen meesha la yidhaa Gar-adag?

HAATUFKA MAANTA

Horta labadda islaamood-ba naxariistii Eebe korkooda ha ahaatee xukuumadu iyadaa joojin-wayday bah-ducaysigii ay bilawday iyadoon xilba qaban oo waatan labadii habrood midna soo dhawaysanaysa ee waliba habeenkasta oo Sabti soo galayso-ba mawliidka ugu akhriyeysa Madaxtooyadda midna karaahi-yeysanaysa oo hadii la soo hadal-qaadaba ay jidhka is-galinayso.

Hadaba xukuumadu ama habraha laanta oo dhan bunka ha u wada kariso ama sheekaddan islaamaha intay iskaga baxdo iyada iyo Komishanku dadka haw wada sheegaan diyaar-garawgii doorashadu halka uu marayo.

Xigasho Haatuf.net.