Warbixin ka hadley -sa dilkii Xildhibaan Saado Cali iyo Gabadh yar oo Al-Shabaab ku dileen Diinsoor

Muqdisho/Diinsoor(Aftahannews):- Al-shabaab waxa ay dadka Soomaaliyeed ka dileen dad rayid ah oo isugu jira Arday, Macalimiin, Fannaaniin, Siyaasiyiin, Weriyayaal, Ganacsato, Culimo iyo Cuqaal, Rag iyo Haweenba leh, gacantoodu cidna uma damqato, mid yar iyo mid weyn.

saado5

Xildhibaan Saado Cali Warsame, Fannaanadda caanka ah oo heesaha waddaniyadda ku saleysan ay qaaday caddaalad iyo sinnaan ugu raadinaysay waddaniyiin dulman, ayaa noqotay dhibanihii ugu dambeeyay ee Al-shabaab iyo Al-Qaacida ay Muqdisho ku dilaan.

Muuqaal (Video) aan daawaday oo xilliga la duubay aanan hubin ayaa Saado waxay u sheegtay dad isku soo baxay “waxaa qalbiga iiga jirto, oo ku riyoonayaa in waddankeenna nabaddiisu soo noqoneyso, sharaftiisa inay soo noqneyso, Soomaalinnimadii inay soo noqoneyso, Midnimadii inay soo noqoneyso..waxaan idin leeyahay guuleysta, Midnimada ha lagu dhinto.”

Saado waxay Golaha Shacabka Soomaaliya ku biirtay labo sano ka hor, Muqdisho waxay u aadday in ay siyaasada dalka wax ka xasiliso, iyadoo ku raad joogta cadaalada ay u ololeynaysay mudo ka badan 40 sano, si go’aamada la gaarayo ay ugu noqdaan kuwo dadka Soomaalida u ah dhaxal sida qoraaladeeda fanka iyo suugaanta ku cad.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay Saado u dileen “xubinta ay ka tahay Golaha Shacabka” ee dalkeena. Maalin ka hor, Al-shabaab waxay magaalada Diinsoor ku daldaleen gabar 13-jir ah oo magaceeda kowaad lagu sheegay Fartuun, waxayna ku eedeeyeen inay jaajuus u aheyd dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga dalkeena.

Fartun waalidkeed waxa ay sheegeen in inantooda oo ka timid dalka Uganda ay u timid Soomaaliya sidii ay waalidkeeda u caawin laheyd ,..Laakin, hadaad ku fakarto maskax aan daroogo iyo diin la qalday toona ku jirin markaa adeegsato, oo aad miisaanto da’da iyo heerka xirfadeed Fartuun, wuxuu ku sheegayaa in ay tahay gabar caadi ah, oo loo diiday wixii xuquuq ay laheyd; gardaro ayaa lagu dilay.

Dhamaan dadka la laayay waxaa lala beegsaday rabshado aan kala go’ laheyn; toogasho bareer ah, gowrac iyo ismiidaamin kuwaas oo ay abaabuleen Al-shabaab, oo isgu jiraan ajaanib dalalkooda laga soo baacsaday, oo dalkeena gubbayo  iyo shaqsiyaad midabka Soomaali ka ah, laakiin ay ka daadagtay fikrad rabsho wadato oo marnaba aanan u tirin karin diinteena nabada iyo istixgalinta ku dhisan.

Madaxda Al-shaabaab waxay noo sheegeen sabab kasta oo iyagu arkeen in ay macquul tahay in ay ku dili karaan dadka Soomaliyeed. Ma aqbalno  marmarsiyaha ay ku gumaadeen maatada, xaqa u leh in ay dalkooda si nabad ah oo sharaf iyo bi’aadanimo ku jirto ugu noolaadan, laakin si cad uma aan diidin dhamaanteen.

Runtu waa in Al- Shabaab oo iyagu ah jaajuusiin dhab ah ay dileen gabdho wadaniyiin ah,oo aad u qiimo badan, oo dalkoodana u adeegaayay. Saado iyo Fartuun, waa naga dhinteen, dadkii dilayna damashaad ayay ku jiraan. Kuwii laga dilayna, oo ah dhamaan shacabka  Soomaliyeed, doqonimo ayay la barooranayaan, oo Uubato ay dad moodaan ayaa mid-mid u cuntay ummada Geeska Afrika.

Kuweena u qaxay Mareykan, Yurub, Australia iyo  meelo kale oo ka fog rabshadaha ka socoda dalkeena, oo u heystay inay ka baxsadeen dhibaatada, waxaa ugaarsado qarawga kusoo laba noqda saqda-dhexe oo wata muuqaalada naxdinta leh iyo sida naxariis darada ah ee loo dilay qarabadooda iyo saaxiibadooda.

Caruurta Soomaliyeed ee ku dhalatay wadamada aan u qaxnay Al-shabaab ayaa ka kaxeystaan magaalooyinka ay ka mid yihiin Minneapolis, London iyo Melbourne si ay u galaan safka hore ee dagaalo ka socdo dhul ay sawirka qariirada iyo calankiisa oo kaliya arkeen, balse aynan waligood cag dhigin.

Al-shabaab dil ayay ku xukumeen dhamaan dadka Soomaaliyeed, laakin tabartooda ayaa u diiday inay hal mar wada qaarajiyaan. Waxay isticmaalayaan siyaasad; beelo ay hubka isugu dhiibaan, qaar toogasho ay ku dilaan, kuwa ay qarxiyaan, kuwo ay gaajo u dilaan iyo inta kale oo ay ku qasbeen  badaha ku haligmaan iyagoo ka firxanayo gabood-fallada ay geysanayaan kooxaha xag-jirka ah ee diinta Islaamka ay ka been sheega.

Waxaa nala gudboon in aan iska dhaafno tacsida aan kala go’in ee aan u kala cararayno, oo aan qaadno talaabooyin lagu soo afjarayo jiritaanka Al-shabaab. Maanta waa maalin ay muhiim tahay inaan isku dhaarsano in aan Al-shabaab ka reebno nolosheena caadiga ah, oo aan ku darno ka taariikhda xun ee dalkeenu soo maray.

Hadii aan xili hore gaari weyno go’aano wax ku-ool ah oo nabad u horseeda wadankeena, baroorteenu waxay la dhamaan doontaa dadkeena oo si xowli ah ugu la’anayo masiibooyin ka uskumay colaado  iyo gaajo is kaashaday.

Waxaa qoray Maqaalkan Abdiaziz Dhore