“Qoyskeygu Waa Danyar….!” Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Wax walba  way dhacaan wax ceeba iyo wax aan ceeb  ahayna  wey jiraan, Saboolnimo iyo duruftu hadday kula daristay maruun ayaad ka bixin haddii ILLAAHAY yidhaahdo oo  adiguna u samirto oo aad ku dedaasho sidii aad uga gudbi lahayd  xaaladaha cakiran ee kaa horyimaadda iyo duruufaha kala duwan ee markaa ama sannadahaa nolashaada ku xeeran!.

Wakhtigaa aad arkeysaa sida dhererkaaga iyo cimrigagu u soconaayo ayay u soconayaan,  sannaddada Bilaha iyo Ayaamuhu toban toban iyo wax ka yar ayay kugu dhaafayaan, waayo? Waa tii hore loogu maahmaahay wakhtigu waa Seef ee inta uunu ku jarin waa inaad jartaa. Markaa, haddaanad wakhtiga ka faa’ideysan isaga ayaa, kaa faa’ideysanaaya, wax kastaana sidaa ayay kugu dhaafayaan.

Waxaa jira dad badan oo aan  eegin mihiimadda uu leeyehey wakhtigu, oo wax malaa-yacniya ku lumiya wakhtigooda qaaliga ah, Susaan waa inan dhalinyaro ah oo ku nool meel ka mida geyiga ay degto Soomaalidu,  waxay ka soo jeedaa qoys dan-yar ah oo reer Miyi iyo reer Magaal isugu jira,  Aabbaheed iyo Hooyadeed waxay kala tageen iyada oo jirta 1 sano,  nolosheedii hore waxay ku soo qaadatays Miyi iyo Adhi-raac, iyada ayaa reerka Gashaanti u ahayd,  Carruurta ay la dhalatay Susaan waaa tiro dhan 17 Ubad ah,  Laba Wiil ayaa iyada ka weyn inta kale Susaan ayaa u weyn, walow ay isugu jiraan saddex Bahood.

Susaan berigii ay yarayd ee ay ku nooleyd miyiga waxay baran jirtay quraanka,  oo uu bari jiray Aabaheed suurad marka loo dhigo habeenkii waxay soo qeybi jirtay maalintii  iyada oo la joogta adhigii,  habeenkii marka ay soo xarayso Xoolaha ayay ka bixi jirtay, waxay ahayd qof aad u jecel in  ay barato aqoonta  Susaan markesta waxay ku hamiyi jirtay in ay mar uun tagto magaalada,  oo ay soo aragto waxa la yidhaa magaalo,  waayo? Waxay maqli jirtay uun hebel ama heblaayo ayaa magaaladii ka timid.

Magaalada waxaa ku nool hooyadeed oo uu guursaday nin kale,  halka uu Aabbaheedna leeyahay Xaas kale oo ah ta ay Susaan la nooshay ee Miyiga deggan, aad ayay ugu faraxsaneyd in ay la noolaato walaalaha ay xaga Aabbo ka walaalo.yihiin iyo Aabbaheed,  oo ay aad u jeclayd isaga iyo xaaskisa oo ahayd Aayadeed.

Sannado ka dib Susaan markii ay waynaatay waxay damacday in ay soo qabato dhankaa iyo magaaladii ay ku nooleyd Hooyadeed,maalin maalmaha ka mida, susaan oo la joogta Adhigii ayaa waxaa la soo baxsaday; mid ka mida  labadii walaal ee ka waawaynaa, waxayna ka codsatay in uu geeyo magaaladii ay ku sugneyd Hooyadeed, maalmo ka dib way soo gaadhay Hooyadeed , waxayna magaalada soo gashay iyada oo da’deedu tahay 8-jir, aragtida Hooyadeed waxay u ahayd farxad aad u wayn waayo? Waxaa ugu dambaysay iyada oo wax yar jirta, Hooyadeedna way ku faraxday sida kedis-ka’a ee ay ugu timid Inanteeda Susaan.

Intaa ka dib Susaan waxay la kala qabsatay magaaladii waxayna noqotay reer magaal, balse waxaa ka maqnaa oo ay had iyo jeer tabijrtay,halkii ay ku soo barbaartay, Aabbaheed iyo carruurtii ay walaal’laha ahaayeen, susaan maalinba maalinta ka dambaysa waxay sii nacaysay oo ay dhibsaneysay joogitaanka magaalada waxaana dhamaaday xiisihii ay u haysay magaalada, waxay sidaa ahaataba susaan waxay isku dheceen hoyadeed, sida derteedna waxay ka tagtay gurigii hooyadeed iyada oo u wareegtay, guriga Ayaydeed Aabbo oo ku nooleyd isla magaalada, Susaan waa tii ahayd qof aad u jecel waxbarashada, waxay go’aansatay in ay gaadho himilada ay leedahay ee ku aadan in ay wax  barato oo ay u shaqeyso waalidiinteeda, Ayaydeed ma awoodo wax ay kaga bixiso iskuulaadka ay dhiganeyso, balse waxay ku dartay Malcaamad Qur’aan ah, baryo ka dib Susaan way sii waynaatay waxayna damacday in ay shaqeysato, taasina way u hirgashay waxayna noqotay, qof gelinna shaqeysta gelinna wax barta iyada oo wax ka barata Iskuullada gaarka loo leeyahay.

Hadda Susaan da’deedu waa 18, wax badan oo ay ku hamiyaysay way u hirgaleen halka ay qaar kalena wali ay u yihiin qabyo, nolosheeda mustaqbalka waxay jeceshay in ay noqoto,digtooreyso Caafimaad iyada oo sheegtay in ay u shaqeyn doonto dadka xanuun’sanaaya gaar ahaan dadka danyarta ah, Susaan sifiican umay baran.

Balse, waxay rabtaa in ay barato marka uu wakhtigu u saamaxo,  waxayna Aaminsantahay halka ay rabto in ay gaadheyso hadii illahay u qoro, Susaan marka ay dhiganeyso iskuulka ay ka barato wax yaabaha yar yar  ee  ay ka dhigato,  waxay aragtaa dad badan oo dhigta wax yaabo badan balse iyadu ma awoodo wax badan in ay barato waayo uma hayso kharashkii ay ku bixin la’hayd.

Asxaabteeda ayaa weydiisa waxa ay u baran weyday Iskuul waxaanay ugu jawaabtaa; “Walaalo qoyskeygu waa danyar mana awoodo in aan barto Iskuul iyo waxbarasho kale ee waxaan baran doonaa marka aan helo lacag aan ku bixiyo waxa aan baranayo.” Taasina waxay ku tusaysaa in ay sugeyso in ay hesho, wakhtiga ugu habboon ee ay wax baran karto, waa qof dedaal badan, in badan ayay soo dedaashay inta ka dhimanna AllAAH ha u dhammeystiro Insha ALLAAH iyada iyo inta kale ee la midka ah dalka ku nool ee la wadaagta hammiga iyo duruufta ay qabto Susaan.

Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.