“Shaqadaydu waa sharaf, Diintay -daana sidan inaan u shaqeeyo I faraysa!” Qalinka Mahad Jaamac Koronto

“Anigu cidna uma xagliyo

Xukuumadna lama safani

Xisbina waligeey ma galin

Xer gaarana uma shaqayn

waxaan ahay wariye xora

dadkaan xulufaysi nahay” 

{Hal abuurka:- Sidiiq Burmad }

MAHAD JAAMAC KORONTO AFTAHANNEWS

Shaqada aan hayaa waa sharaf, shaqada aan hayaa waa horumar, waxaan cod u ahay kuwa aan codka lahayn, waxaan gaashaan u ahay kuwa laga gardaran yahay, waxaan miraayad u ahay bulshada aan ka dhex shaqeeyo, waxaan waardiye ka ahay ficillada xun xun, waxaan ka shaqeeyaa in hadba meesha la joogo laga sii horumaro.

Intaas marka aan gudanayo waxaa asal iyo bud-dhig ii ah diinteenna suubban oo si faah faahsan u sharaxday qodobo aan is oran karo markii anshaxa saxaafadda la dajinayay diintaaba laga keenay.

Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay u haystaan shaqada wariyenimadu mid aan wanagsanayn, ka shaqaysa isku dirka, beenta iyo warxumo tashiilka, bal aan kuu sharraxo mabaa’diida shaqada wariyaha, waliba aan ka eego sida ay diinta islaamka ugu salaysan yihiin.

    Qodobka koowaad ee mamnuuca ka ah waa beenta, sababta loo mamnuucayna waa inaan dadka lagu dhex baahin war aan la hubin iyo wax aan xaqiiq ahayn, waaba tii aayad quraan ah ay ku dhamaanaysay “(الا ان لعنة الله على الكاذبين“) kuwa beenta sheega nacladda ilaahay ayaa korkooda ahaatay.

    Shaqada ugu horraysa ee wariyaha waa inuu runta baahiyaa, si uu runta u helana waa inuu xaqiijin badan sameeyaa oo uusan hal dhinac ku kalsoonaan, sababta looga cararanaya waxaa weeye in ina aad hal dhinac iska aaminto aad cid kale khalad ka gasho, aayaddii ku jirtay Suuradda Xujurna waa tay ahayd. 

     (يا أيها الذين آمنوا إن جاءكم فاسق بنبأ فتبينوا أن تصيبوا قوما بجهالة فتصبحوا على ما فعلتم نادمين) Kuwiina ilaahay rumeeyayoow, haddii uu mid wax xumaynaya war idiinla yimado, iska caddeeya (Hubiya) si iidnaan qolo kale khalad/garasho la`aan ugu dhicin, dabadeedna aad noqotaan kuwa ka qoomameeya wixii ay sameeyeen.

   

    Shaqadaydu waxay kale oo igu amraysaa inaan dhex dhexaad ahaado, oo aan cadaalad u sameeyo dadka aan ka dhex warramayo, diinteenuna waxa ay aad uga hadashay qodobkaas cadaaladda iyo in dhinac la noqdo.

    Sharciga saxaafaddu ma ogola qadafka, iyo in qof wax uusan gaysan dusha lagala koro, sidoo kalena waxaa ka mamnuc ah in la baahiyo wararka Kutiri-Ku teenta ah , sida uu suubbanaheenniiba nooga digay xadiiskii ahaa (إياكم وقيل وقال)  Kaasoo macnihiisu yahay, waxaaan idiinkaga digayaa waxaa la yiri iyo waxaa la lahaa Xadiis kalana iyada oo waxa aan la hubin la sheego ka digayay waxa suubanaheennii laga wariyay

    (إياكم والظن فإن الظن أكذب الحديث ) Waxaan idinkaga digayaa malaha, maluhu waa sheekada ugu beenaysan.

Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsanaya in qofka wariyaha ahi uu yahay qof mas`uul ka ah waxa uu baahinayo oo lagula xisaabtamayo, waxaana ay tani I xasuusinaysaa xadiiskii ahaa

 (كلكم راع وكلكم مسؤل عن رعيته)

Alla Mahad leh

F/G: anigu sheekh maahi, diintana aad uma aqaan laakiin intan garashadaydaa gaarsiisan, waxaase laga yaabaa inay jiraan axaadiis iyo aayado kaga qumman daliillada aan u qaatay, balse waxaan hubaa in haddii si sax ah wariniada looga shaqeeyo ay tahay shaqo hufnaan leh, horumarna dadka gaarsiisa.

Wixii Fikrad ah waynu wadaagi karnaa.

Mahad Jama Koronto

abbas688@hotmail.com