Dulmanayaal: Ka tirsan Hadhaaga Mujaahidiintii Halganka u galay Xoraynta dalka Somaliland

Waxaanu si xushmad iyo sharaf ku jirto idiinku soo gudbinaynaa cabashooyinkayaga hoos ku qoran oo aanu kaga cabanayno xukuumdayada. Nasiib daro xukumada jirtaa may ahayn tii aanu ka caban lahayn maadaama aanu aaminsayn in ay tahay taayadii naga lun tahay oo Alle noo soo celiyey.

CABDI FAARAX CUMAR

Hadaba anagoo in badan ka war wareegaynay in la maqlo hadhaagii halganka oo ka cabanaya Madaxweynahoogii, balse waxaanu ka fursan waynay in aanu idiinka soo itaalo.

Ka dib markoo mudadii afarta sano ahayd ee xukumadani jirtay cabashadayadii dhaafi wayday xafiisyada wasiirada xukuumada kulmiye,dhibaatooyinka nala soo darsay waxaa u sabab ah iyada oo nala kala dhex galay madaxweyne mujaahid Axmed Maxamuud Siilaanyo.

Mushaakilkii  xukumada jahawareeriyey ee dhamaan gil gilay jiritaanka Somaliland,nuxurka cabshada maadaama aad tihiin cida ama golaha labaad ee sida sharciga ah loo doortay waxaanu si xushmad leh idiinku cadaynaynaa inaad noo bandhigtaan duruufahan oo wada haysta dhamaan hadhaagii halgankii iyo cid kasta ku tabaalawday daaficii qaran Somaliland.

1.      Waxa aanu haniyeynaynaa cid kastoo naga mid ah oo wax la taray dhinac xukumada iyo dhinac bulshada kalaba.

2.      Waxaanu hanbalyeyneynaa wax kastoo u qabsoomay umada somaliland.

3.      Waxaanu u tacsiyadaynaynaa umada reer somaliland wax kastoo xukumadan jirtaa ka xumaysay oo ay hore u haysteen.

4.      Waxaanu canbaaraynaynaa in xisbigii kulmiye noqday garoomadii masriciyadii lagu feedh tami jiray hantiilayaalna ay ka noqdeen koox yari

5.      Waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa in xarumihii loogu yeedhi jiray sooyaal ay noqdeen ilo dhaqaale oo loogu adeego xisbiga kulmiye iyo in la baabiiyo shuruucihii iyo is badaladii ka dhici jiray labadii sanaba hal mar.

6.      Waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa sababta looga reebay mushahar kordhinta agoomaha iyo naafada ciidanka qaranka.

7.      Waxaanu canbaaraynaynaa cadaalad darada ka dhacday qaybinta garaadada ee dhamaan mujaahidiintii saddexda ciidan qaran looga dhigay taliyayaal,halka dhamaan saraakiishii ay ku dul burburtay xukumadii Siyaad Barre  looga wada dhigay taliyayaal sar sare marka laga reebo tirade yare e Ismaaciil Shaqalle u boobay  waa jananka Ciidanka militariga waanuku mahad sanyahay xaga qabyaalad kama eegaynee waa saaxiibadii halganka.

8.      Waxa kale oon doonaynaa in la cadeeyo halkuu ku dan beeyey sanduuqii la magac baxay wax u qabadka  hadhaagii halganka ee 1000 doolar ee ugu horeeyey ay bixisay marwada madaxweynuhu.

9.      Waxa kale oonu ka soo horjeednaa sanduuqa dhaqaale oo dambe oo lagu sheegayo wax u qabadka hadhaagii halganka ilaa iyo inta la wada yeelanayo wax kasta oo lagu helo magaca hadhaagii halganka.

10.  Waxa kale oonu doonaynaa halka ay ku dambeeyeen 300 ee guri ee laga dhisilahaa Gobolka Hawd dagmada Baligubadle ee loogu talo galay halganka halka ku tabaalaysan soona bixiyeen qurba joogta Somaliland una soo wakiisheen inanka iyo inanta walaalaha ah ee ka soo jeeda deegaanka uu ka soo jeedo madaxweynuhu.

11.  Maxaa hortaagan in la ururiyo mujaahidiinta u baahan dhakhartii kabta gurida lafaha burbursan, tolida seedaha soo ururinta baarlayska iyo dhamaan tuulooyinka halganku ku tiirsanaa xiligii uu socday iyo kuwa kale ee dayoobay 22 sano halgankii siyaasadeed ee ka socday somaliland,xusuus la’aanta qoysaska ku leeday halgankii lagu xoreeyey somaliland sida kuwa ay ka shhiideen 2-3-4-5 maadaama halganka ay la soo kaceen ku guulaysashada gudoomiyahoodii xili ay ku tabarucayeen inanka, awrka iyo wankaba.

12.  Waxaan aaminsanahay inay isku mid yihiin hadhaagii hore iyo kuwa ku jira difaaca qaranka agoomahooda nafahooda mana ogolaan doono in magacayo loo kala  bixiyo ilaa maalintii lagu dhawaaqo ictiraaf buuxa ka hor waa halgankii soo bilawday 1982, waana in la cadeeyo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin oon ha ba yaraatee jirin wax ay u qabatay  xukumadani, halka wasiiradii UDUB qoysaska ragooda ku dhinteen baashiri jirtay,maanta wasiirada xukumadan kulmiye kama soo agwareegaan, halka xukumadani u dadaasho marxuumka ku dhinta gacanta ciidamada amniga oo la siiyo 30,000 oo doolar,jagooyin iyo wax lamida. Ma jiraan cid ka soo horwareegta qoysaska ragooda ku dhinteen daafaca qaranka laga reebo tacsiyada yare ee ay u jaraan askarta dhexdooda waxaa intaa ka soo horjeeda dhibaatooyinka iyo cadaalad darada lagu damaaciyo goobaha ay degeen ku soo naqashadii dalka maxkamadaha, saldhigyada dawladaha hoose oo la shuraakooba hantiilayaal ka tiirsan boobka dhulka danyarta gacanta ku hayaan oo in badan oo ka mida jeelasha lagu guro.

Afhayeenka Dulmanayaasha Hadhaagii Halganka

Muj: Cabdi Faarax Caamir (Cabdi halcun)

Mob: 0634105219.

Aragtidani waxay gaar u tahay qoraaga qalinka u qaatay, marnaba kama turjumayso afkaarta iyo aragtida Bahda Aftahannews, balse masuuliyadda Aftahannews waa baahinta iyo dhiirrigelinta Fikirka xorta ah ee Qoraayada iyo Muwaaddiniinta fikirka iyo doodaha is-waydaarsanaya kuna cabbiraya hadba xaaladda taagan iyo xeeladaha jira.