‘Horumarka Somaliland Baanka Dhexe Qaybtiisii wuu gutay Sidaad adba Sheegtay, Laakiin Ma Qatabo Qurba-joog waxaad Raacisay!’

Qalinka Iid Daahir Jaamac –Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan ummadda muslimiinta ah guud ahaan gaar ahaan bulshada reer Somaliland oo aan leeyahay Ramadaan Kariim.

Somaliland-Central-Bank-Hqs

Intaa ka dib waxaan aragtidayda ka dhiibanayaa maqaal lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta online-ka ah oo ciwaankiisu ahaa WAXQABADKII XUKUUMADA SIILANYO WAA FOOSTO GUN L’A KA DHIGEY AQOON LA’ANTA MADAXDA BANKA,kaa soo uu qoray JAMAAL HASAN FAARAX  oo ku nool dalka ingiriiska hadaba waxaan leeyahay Jamaal horta marka hore waxaaynu ku gudo jirnaa bishii khayrka iyo cibaadadad ee Raadaanka waxaanay ahayd in aad dadka wanaag farto kana dheeraato wax a sheega qaar ka id ah madaxda qaranka oo aad adiguba qoraalkaaga ku qirtay in ay wax qabteen.

 

Waxaa xusid mudan in aad sheegtay in dalka horumar tiro badan laga hir galiyay intii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo afar jirsatay taasoo aad sheegtay in wax-qabadka Xukuumadda ay ka mid tahay in lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray gobolada Togdheer iyo Sanaag,hadaba waxaa lacagtaa dalka ka bedelay oo badbaadiyay madaxda iyo hogaanka Baanka Dhexe ee Somaliland oo ay hormuud u yihiin aqoon yahanno shaqada baanka khibrad weyn u leh muddo bandanna ka soo shaqeeyay baanan caalami ah oo heer caalami ah kuwaasoo ay hormuud u yihiin guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi iyo Agaasime Cabdilaahi Cali Xasan.

Hadaba iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan isla markaana aanan doonayn in aan ku fogaado jabaawba aan ka bixinayo qoraalka Jamaal waxaan odhan lahaa ku dedaal in aad horta dalka xog ogaal u noqoto halka uu maanta sarifka lacagaha qalaad ka marayso isla markaana aad ogaato wax qabadka madaxda baanka Somaliland iyo halka ay kaga jiraan kobcinta dhaqaaaha waddanka.

In ksasta oo aad tahay sida ka muuqata qoraalkaaga muwaadin u dhashay Somaliland oo qurba joog ah isla markaana ku nool waddanka Ingiriiska laakiin waxaa diiniyan waajib ah marka aad cid wax ka qorayso in aad horta xog ogaal u ahaato waxa aad ku dhaliilayso masuulka aad wax ka sheegayso.

Jamaal waxaad qoraalkaaga kaga marag kacday wax qabadka madaxda baanka hadana adiga ayaa dib u dhaliilay oo yidhi waxay caqabad ku yihiin horumarka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku hagayso,laakiin waxaan kuu sheegayaa anigoo ka mid ah muwaadiniinta ku nool gudaha  Dalka Somaliland isla markaana xog ogaal u ah halka uu maanta dalku marayo waxaa kula gudboonayd in aad ku hambalyayso halka ay gaadhsiiyeen kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sida ay ula dagaalameen sixir bararka sarifka lacagaha qalaad,taana waxaa marag u ah siday u majeerteen sariflayaasha  ka anacsada isku bedelka lacagaha qalaad iyo Somaliland shilin oo maanta dalka ka maraysa halkii ugu wanaagsanayd isla markaana uu xiligan sarifka Doralku marayo meel fadhida oo aan kicitaan lahayn.

Jamaal waxaad qoraalkaaga ku sheegtay in Madaxda Baanka Somaliland aanay lahayn khibrad baan laakiin halkaa waxaa iiga caddaatay in ay taasi tahay aqoon darro ay sababtay in aanad wax aqoonna aanad u lahayn madaxda Baanka Somaliland sababtoo ah waxaad ogaan lahayd in ay yihiin Madax ka soo shaqaysay baanan caalami ah oo ay waliba ka soo noqdeen  hogaanka ugu sarreeya ,waxaay wada ogsoontahay bulshada Somaliland in ay yihiin madaxda baanka Somaliland hoggaanka ku guulaystay tallaabadii ugu adkayd ee baanka Somaliland uu qaaday  oo hortood lagu dhiiran kari waayay oo ah in ay dalka goboladiisa bari ka bedelaan lacagtii giimbaarta ahayd oo dalka qaybtiisa bari ku haysay dhaqaale darro aad u weyn isla markaana curyaamisay koboca ganacsi ee dhaqaalaha dalka.

Hadaba intaanad madaxda qaranka wax ka sheegin waxaa habboon in aad horta waxbadan ka ogaato wax qabadkooda iyo halka ay hawsha ka bilaabeen iyo halka ay maanta marayso goobta ay joogaan,laakiin yaanu noqon qoraalkaagu mid ay ka muuqato xaraarada miiroo la,aanta ka jirt dalka ingiriiska ee aad hadda ku noshahay.

Qalinka Iid Daahir Jaamac

Hargeysa/Somaliland.

Aragtidani waxay gaar u tahay qoraaga qalinka u qaatay, marnaba kama turjumayso afkaarta iyo aragtida Bahda Aftahannews, balse masuuliyadda Aftahannews waa baahinta iyo dhiirrigelinta Fikirka xorta ah ee Qoraayada iyo Muwaaddiniinta fikirka iyo doodaha is-waydaarsanaya kuna cabbiraya hadba xaaladda taagan iyo xeeladaha jira.