Cilmiga halaguu dhigee Caqliga Kaasho..!WAA MAXAY WARBAAHIN IYO WERIYE ?

Marka laga hadlayo warbaahinta iyo weriyaha waa laba wax oo isku sidkan. Haddii loo hollado in wax laga qoraana waxay u baahan tahay u kuur-gelis mug weyn, baaritaan iyo ka baaran deg xeer-dheer.

  Ma doonayo inaan maqaalkan kooban aan kaga hadlo warbaahinta iyo weriyaha xiriirka ka dhexeeya, hasayeeshee  waxa aan doonayaa in aan wax ka iraahdo qoraalkii uu sxbkeey GARYARE ku iftiiminayay saxaafadda uguna magac daray warbaahin iyo weriye. Waxaa hubaal ah in si hufan uu u soo diyaariyay iskuna dayay habka ugu fudud ee weriyaha wax ku fahmi karo.
Aniga aragtideyda inta aan aqoon u leeyahay saxaafadda darteed ayaan jecleystay in meelo qaar aan wax ka tilmaamo, sababata aan sidaasi u sameynayana waa in cilmiga leys weydaarsado qof walbaana wixii uu yaqaano soo bandhigo.“Wariyaha ugu fiican waa midka si fudud wax u akhriya,cod macaan leh, islamarkaana ah mid caqli badan oo si xiiso leh wax kuugu soo gudbin kara.” Weerahani waxey ku jireen maqaalkii Cabdiweli Garyare

Hadaba waxaan ku darayaa 10 qodob oo lagu garto weriyaha fiican ama wanaagsan

Wuu u dhaba galaa – Way u fududdahay inuu waydiiyo su’aalo sax ah si uu helo warka, haddii aad marka horeba  qof ahaan ahayd mid xog haya. Suxufiga wanaagsani inta badan waxa uu doonaa inuu ogaado wax badan oo ku saabsan dhinac kasta.

Wuu hubiyaa-
iskama rumaysto waxkasta oo loo sheego (gaar ahaan hadii ay u sheegaan mas’uuliyiin ama kooxaha kale ee awoodda leh) wuu fahamsanyahay inay dadka madaxda ahi ama awoodda lihi ay isku dayaan inay xakameeyaan ama qariyaan xogta.

Wuu xiiseeyaa dadka – wuxuu jecelyahay lakulanka dadka si uu uga helo ama uu u ogaado xaaladoodda nololeed iyo waxkasta oo saameeya ama taabta noloshooda.

Waa uu tartamaa – Waxa uu xiiseeyaa in uu ahaado “Ka Ugu hor ogaada”;  waxa uu culayska saaraa inuu si dhakhso ah xogo badan daboolka uga qaado si ka fiican sida suxufiyiinta kala ay sameeyaan.

Wuu u Taxaddar badanyahay dhinaca sugnaanta iyo sinnaanta – Ma tixgeliyo kaliya in uu noqdo ka ugu horeeya warka, ahmiyadda ay leedahay sugnaanta warka; waxaanu doonaa in uu noqdo warkiisu mid sax ah oo dhexdhexaad ah.

Waa Dhexdhexaad – Lama yimaaddaan aragtiyahooda gaarka ah, kumana xagliyaan/ majaro-habaabiyaan qolka wararka; Wuu fahamsanyahay in mas’uuliyadda wariyuhu  u hayo bulshadu ay tahay in uu wargeliyo ee aanay ahayn in uu wax ka dhaadhiciyo; waxa uu xaqdhawraa dhagaystayaashiisa in ay maskaxdooda la kaashadaan, haddiiba la siiyay xaqiiqo ku filan oo dhinacyo badan leh ama ka timid .

Wuu Ku adkaystaa Hadaf wuuna u dulqaad badan yahay –  Waligii jawaab ma waayo; Kamana quusto marka uu u halgamayo inuu daboolka ka qaado xogo qarsoon amaba ay soo waajahaan been loo sheego ama caqabado.

Wuu dhiirran yahay -wuu ku dhiiranyahay inuu soo wariyo runta xataa hadii culays lagu hayo /hanjabo.

Curin ama hal abuur ayuu leeyahay – macnaha kuma uu shaqeeyo hab kaliya kaasoo ku cel celis ah, waxa uu mar kasta raadiyaa oo uu isku dayaa hab xiiso leh oo uu sheekooyinka ama warbixinnadiisa ugu gudbiyo dadwaynaha.

Xiriir wanaagsan ayuu u yeelaa  warbixinnada u sheegayo. Waxa uu u xiriiriyaa xogaha si cad oo saamayn leh, sidoo kalena waxa uu warbixinnada u sheegaa ama uu u baahiyaa hab dhagaystayaasha ku khasba in ay xiiseeyaan ama ay dareen ku yeelato.
                            
FG: Halkan dhamaan kuma wada xusna weriyaha wanaagsan tilmaamihiisa wey ka badan yihiin.

Guul iyo Janno.
SICIID XAGAA AFRAX.
JOURNALIST
EMAIL SXAGAA@HOTMAIL.COM
Garyare dooda inoo furan. Qof kastaana wuu ka soo qeyb geli karaa.