Faallo: Yaabaye Shacab-yahow Idinku-na Ma Yaabteen!?

Qaybta 1-aad: Wariye Khadar Cali Khum (Shiine) – Waxaan jecelahay in aan halkan idiinku soo gudbiyo arimo badan oo aan aad u-la yaabay. Anigoo jecel inaad maskax caafimaad qabta iyo fikir saliima oo si wanaagsan aad dhanka kasta ii-gala eegtaan oo aad iigu-la wadaagtaan, waxan iga yaabiyey.

wariyekhadarshiine

Akhriste, waa fikir ku saabsan saami qaybsiga awoodaha dalka ee beelaha Somaliland wadda dagaa ay xukuumadda Siilaanyo ugu qaybisay. Taasoo aan qabo inay tahay mid cadaalladda ka fog, isla markaana noqotay arin aad iiga yaabisay sida ay hadda wax yihiin marka aad u eegto xukuumadihii hore ee ay hogaaminayeen saddexdii Madaxweyne ee ka horeeyey Madaxweyne Siilaanyo, sidii ay beelaha Somaliland wadda leh wax ugu qaybiyeen.

Hadda-ba marka aan u soo gundo dego qormadaydan oo nuxurkeedu-na yahay su’aal aan mar kasta I waydiiyo, taasoo aan jeclaystay in aan waydiinayo guud ahaan shacabka Somaliland ee doonayo midnimadda ummadda inay si masaalixo ku jirto uga jawaabtaan.

Su’aashu: waxa ay tahay qadiyadda, qaranimadda, jiritaanka iyo baadi-doonka loogu jiro aqoonsiga dalka. Idinka oo ka war haya Somaliland qadiyadeedu sidan ma ku iibsamaysaa, mise nusqaan ayey ku tahay jiritaanka qaranimadda iyo hayaanka aqoonsi raadinta ?. Jawaabtu-na, waa xagiina. Anigoo isku-na dayi-doona inaan idiinka jawaabo sida ay fikir ahaan ii-la muuqato.

Qormaddan waxaan si hufan idiinku soo bandhigayaa sida ay beelaha Somaliland wadda lihi u kala hayaan kuraasta dalka ugu saraysa iyo wasaaraddaha ugu mihiimsan ee loo yaqaano A-da. Taasoo sida ay aniga ii-la muuqato ah mid fadeexad ku ah qaranimadda, jiritaanka, isla markaana aad uga fog dhanka cadaalladda. Maadaama oo ay kuraasta dalka intooda badan ay haystaan beesha dhexe ama beesha reer Sheekhi Sa’xaaq.

Nidaamkan wax qaybineed ee sida cadaalladda darradda ah u dhacday, ayaa ah markii u horeysay ee taariikh-da Somaliland ay ka dhacdo dalka. Waana arin ceeb iyo fashil-ba ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyadu sabab u ah cadaallad darrada laga galay beelaha kale ee dalka xaqa ku leh.

Afarta kursi ee dalka u sareeya mid ka mid-na ma hayaan beelaha kale, waxaana dhammaantood-ba haysta beesha dhexe.

1-Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], waa Isaaq. [Habar Jeclo].

2-Guddoomiyaha Baarlamaanka ama Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], waa Isaaq. Garxajis [Habar Yoonis]. Inkastoo uu Guddoomiye Cirro ku yimid codka mudanayaasha golaha wakiiladda, ka dib doorasho ay soo doorteen cashabka Somaliland.

3-Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, waa Isaaq [Habar Jeclo]

4-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ama Maxkamadda Distuuriga Yuusuf Ismaaciil Cali, waa Isaaq [Ayuub].

Wasaaraddaha mihiimka ah ama loo yaqaano Wasaaraddaha A-da.

1-Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, waa Isaaq Garxajis [Habar Yoonis].

2-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, waa Isaaq Habar Awal [Sacad Muuse].

3-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Marwo Samsam Cabdi Aadan, waa Isaaq Habar Awal [Sacad Muuse].

4-Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waa Isaaq Habar Awal [Sacad Muuse].

5-Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, waa Isaaq [Habar Jeclo].

La soco qaybaha dambe.

Chief-In-Editor: Khadar Ali Hussein [Shiine].

Email:webmaster@qumannews.com/

khadarshiine012@gmail.com

Qumannews.com

Hargeysa/Office.