Dabarrada Sharci iyo Qabyada Garsoorka ee Xagal-daaciyey Nidaamka Caddaaladda Somaliland

Qaybta 4-aad: Garyaqaan Ibraahim Khadar Siciid Garyaqaan Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com), Jamhuuriya

Ibraahim Khadar

Xeerar gaboobay oo aan marna wax laga beddelin, qarankana ceeb ku ah oo garsoorku ku hawlgalo

Somaliland waa qaran 23 jirsaday, isla markaana intaas xeerar samaysanayey, balse waxaad moodaa in xeerarka la ansixiyey muddooyinkii Somaliland madaxbannaanideeda dib ula soo noqotay amma la sameeyey ay yihiin qaar dano gaar ah laga lahaa, balse kuwii ummaddu u baahnayd aan la samayn.

Garsoorku xeerarka ugu muhiimsan ee uu ku shaqeeyo waxa weeyaan Xeerka Ciqaabta Guud iyo Nidaamkiisa (Criminal/Penal Code and Its procedure) iyo Xeerka Madaniga iyo habkiisa (Civil Code and its Procedure), kuwaasoo ah xeerar laga dhaxlay dawladihii kala duwana ee Soomaaliya.

Xeerka Ciqaabta Guud (Penal Code) waxa la diyaariyey sannadkii 1957, taasoo ay diyaarisay Maxkamaddii Caddaaladda ee Soomaaliya (Court of Justice), kadib markii degreeto uusoo saaray Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde) sannadkii 1962 ku dalbaday in nin la odhan jiray Renato Angeloni uu dhammaystiro qabyo qoraalka xeerka si degdeg loogu dhaqangeliyo. Waxaannu dhaqangalay 2 April, 1964-kii,

Asal ahaan Xeerkan waxa uu ka soo jeeda Xeer ciqaabeed dalka Hindiya lahaa sannadikii 1860 (Indian Penal Code (1860), halka Xeerka Nidaamka Ciqaabta uu ku salaysan yahay Xeer Ciqaabeed Hindiya lahayd iyo Xeer Caddaymaha ee Hindiya lahayd 1872 (Indian Code of Criminal Procedure and Indian Evidence Act 1872).

Geesta kale, Xeerka Madaniga oo waqtigii Soomaaliya la odhan jiray (Law No. 37 of 2 June 1973), kaasoo dhaqangalay 1 July 1973kii, waxaannu kelmad xeerkan ku salaysan yahay Xeer Madani oo Masar lagaga dhaqmi jiray 1948-kii, kaasoo dalal badan oo Carab ah qaateen, waxaanna dalka Masar ku soo rogay xeerkan Prof. Cabdelrazzak Al-Sanhouri, kaasoo sheegay inuu ka soo qaatay 20 xeer Madani oo dalal Islaam ah ku dhaqmi jireen, halka Xeerka Habka Madaniga (Law No. 19 of 27 July 1974) oo dalka Soomaaliya ka dhaqangalay 21 October 1974kii uu ku salaysan yahay Xeerka Habka Madaniga oo dalka Talyaaniga lagaga dhaqmi jiray ku dhawaad boqol sanno ka hor.

Dhammaan xeerarkaas waa qaar qarniyo ka hor la isticmaali jiray, isla markaana ay iska dhaxleen dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, waxaanna ceeb ah in Somaliland 23 sanno ee ay jirtay marna aanay wax-ka-beddel ku samayn xeerarkan amma aanay kuba fikirin in xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorkuba isku hawlaan inay soo saaraan xeerar dalka manfac u leh oo xaaladda hadda lagu jiro la waafaqsan.

Guddida Caddaalad waxa seegtay in ay codsadaan in xeer loo sameeyo, maadaama aan shaqadoodii ahayn in ay xeerar dejiyaan amma sameeyaan, una gudbiyaan baarlamaanka iyo Madaxweynahaba, halka Golaha Wakiilladu aanay marnaba isku hawlin inay beddelaan xeerarkan qaranimada Somaliland ceeb ku noqonaya, sababtoo ah xeerarkan waxa laga dhaxlay Soomaaliya, dastuurka Somaliland-na qoddobkii 10aad (1aad) waxa ku cad in la dhawrayo heshiisyadii dawladii la odhan jiray Soomaaliya la gashay waddamada caalamka, haddii aanay ka hor imanayn danta iyo maslaxada Jamhuuriyada Somaliland.

Dhanka kale, xeerarkan laf ahaantoodu waxay ka hor yimaadaan xuduuda qaybo badan oo ka mid ah, xuduuduna waa Xaqulaah, lamana cafin karo, sidaa daraadeed waxa Guddida Caddaaladdu samayn kartaa in ay Shareecada Qoddobayso oo ay sida dalka Suudaan iyo waddamo kale oo islaam ah shareecada qoddobo ka dhigto, kadibna xeer-ciqaabeed  ka dhigaan, taasna laga ansaxiyo Baarlamaanka.

Xeerarkan qadiimiga ah ee ceebta qaranimo soo jiidaya waxay qayb ka yihiin waxyaabaha dabarka ku ah caddaaladda, isla markaana dib-u-habaynta garsoorka ee xukuumaddan ku faanto aan marna lagu drin in xeerarkana la iska kaashado siddii loo habayn lahaa.

Talo soo Jeedin

Garsoorka, Xeer-dejinta iyo Xukuumadda waxa la gudboon in ay dhammaan waxyaabahaas oo dhan naaqishaan, hadday cudur-daar u hayaana shacabka uga jawaabaan waxyaabaha ay u qabsoomi waayaan, haddii ay ballanqaadayaana ku dhaqaqaan waddadii loo mari lahaa in lagu hagaajiyo.

Dhammaan galdaloolooyinkaas waa qaar u baahan in shicib iyo dawlad ba meel looga soo wada jeesto, lagana wada shaqeeyo siddii wax looga qaban lahaa, maadaama caddaaladdu tahay shayga qaran dhisa amma dumiya.

Shacabku haddii ay caddaalad doonayaan waa in ay sharciga sidiisa ugu dhaqmaan laaluushka, hadyad khiyaameedka iyo wasakhaynta garsoorka iyo saraakiisha dawladaba ka waan toobaan.

Su’aalo:

1.      Garsoorku ma wuxuu noqday Waax la hilmaamay?

2.      Ma caddaaladda ayaa laga Maarmay?

3.      Maxaa Keenay in Garsoorku u baahdo xoolaha yar ee dadweynaha?

4.      Maxaa Sababay in Xeerar qarniyo ka hor la isticmaali jiray aynu ku dhaqano?

5.      Qareennada (SOLLA) ma waxay dan moodeen in ay qadhaabsi ku foognadaan?

6.      Sharciyaqaannadu Maxay Garsoorka ugu gurman waayeen oo uga hadli waayeen galdaloolooyinkiisa?

7.      Xukuumaddu ma waxay doonaysaa in Garsoorku ka mid noqdo waaxaheeda?

8.      Xeer-dejintu ma waxay xilka u hayaan in ay danahooda ku qabsadaan?

9.      Culayska Kiisaska ee Maxkamadaha Fuulay maxaa Sababay?

10. Madaxbannaanida aynu haysano miyaanay carqaladaynayn Xeerka Soomaaliya ku dhaqmi jirtay in aynaan beddelin 23 sanno, miyaanay ceeb innagu ahayn in la yidhaa qaran baad sheeganaysaan xeer yarna waad samaysan kari waydeen?

Dhammaad.