Dabarrada Sharci iyo Qabyada Garsoorka ee Xagal-daaciyey Nidaamka Caddaaladda Somaliland

Qaybta 3aad: Garyaqaan Ibraahim Khadar Siciid Garyaqaan Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com), Jamhuuriya

Ibraahim Khadar

Dadka qareennada ah oo aan ogolayn jiilal da’ yar oo nasiya, faa’iido doona u batay

Qareennadu waxay ka mid yihiin mihnadlayaasha ku shaqaysta xirfadooda, isla markaana ah dadka aqoonta u leh xirfadda ay ku shaqaynayaan, loogana baahan yahay in ay noqdaan dad aqoon u leh sharciga iyo doodaha sharci si ay u difacaan dadka macaamiishooda ah (Client), waxaanna inta badan is hayaan Xeer-ilaaliyayaasha oo ah kuwa iyagu dambiga ku soo ooga cid amma waxay ka difacaan qof macmiishiisha ah oo dacwad madani ah lagu soo oogay.

Haddaba, Somaliland waxa leedahay urur qareenno oo la aas aasay bishii June 2004, kaasoo la yidhaa SOLLA (Somaliland Lawyer Association), kuwaasoo dhammaan qareennadu ku midoobeen, hoos tagaana, si ay u yeeshaan meel loogu soo hagaago amma ay u noqdaan xirfadlayaal isku xidhan.

Qareennadu waxay qayb laxaad leh ka qaataan caddaaladda sugideeda, waana kuwa qof aan dambi lahayn sii daaya amma qof dambiile ah doodooda ku difaaca, iyagoo shaqo ka raadinaya, sharcigay dhigteena sidaas farayo in ay macaamiishooda difacaan maaha wax xun, balse waxa jira waxyaabo badan oo shaqadooda ah oo ay gabeen, kuwaasoo u baahan in ay ku dedalaan si loo saxo, xirfadoodana loo sii horumariyo.

Maadaama ururka qareennada ee SOLLA yahay isha qareennadu ka soo baxaan, isla markaana dhaliil kasta oo ay yeeshaan qaadaya, iyadoo mabaadii’da ama falsafada ururkaasi tahay inay sameeyaan tababaro amma aqoon fidin, balse, inay aqoon fidiyaan ama  dhiirigelin sameeyaan  iska daayoo, waxayna wax dhiirigelin ahba siin  aqoon fidin ee ardayda ka soo baxda jaamacadaha, sharcigana bartay ee u baahan gacan qabashada si ay qareenno u noqdaan, taasina waxay keentay in da’ yartu u bataan in ay noqdaan Xeer-ilaaliyayaal amma Garsoorayaal, taasoo u fudud amma dawladdu u fududayso, inkastoo laf ahaanteedu aanay sidaa u badnayn dadka la qaataa, laakiin waa dad ku filan shaqada inay qabtaan.

Ururrada caalamka ee sharciga ka shaqeeya amma shirkadaha sharciga ka shaqeeya waxaad arkaysaa iyadoo arday da’ yar ah la soo saarayo, loona carbinayo qareennimo, taasina waa wax ka maqan looyaradeenna oo ku mashquulsan in ay faa’iido uun ku helaan xirfadooda oo aan hoos u eegin jiilasha ka dhaxli lahaa aqoonta ay huwan yihiin ee u baahan in la gala hadho.

Ururka Qareennadu waxa siyaasadooda ka mid ah in ay wacyigelin sharci amma caawin sharci (Legal Awareness and Legal Aid) sameeyaan, balse ma laha wargeys sharci oo ay dadka ku fahansiiyaan sharciga, iska daa wargeys ee xataa af iyo qoraal kooban toona kuma soo saaraan, haddii ay intaa samayn lahaayeena shacabku waxay wax badan ka fahmi lahaayeen nidaamka caddaaladeed ee dalkooda jira iyo shuruucdaba, inkastoo aanay shaqadooda rasmiga ah ahayn, haddana waa wax qabad la’aan dhaliisheeda ay yeelanayaan.

Waxa muddooyinkan dambe aad isu xilqaamay ururka qareennada haweenka ee SWLA (Somaliland Women Lawyers Association), kuwaasoo doorkii ugu dambeeyey dhiirigelin badan u sameeyey hablo da’ yar oo Jaamacadda ka soo baxay, una qabtay tababar 6 bilood socday, balse qareennada ragga ah intaas waa laga waayey, nin kastaana goonidiis ayuu u qadhaabsi iyo manfac doontay.

Geesta kale, dalka Somaliland ma jiraan shirkaddo sharci (Legal Firms), kuwaasoo ku shaqaysta xirfadooda, culayska badana ka qaadi lahaa caddaaladda, lana heli lahaa qareenno xirfad fiican leh oo aqooni hagayso, sababtoo ah garyaqaanimadu waa waxyaabaha u baahan in qofku uu dhisnaado sharci ahaan iyo diin ahaanba si aannu xayndaabka caddaaladda u dhaafin.

Xildhibaanno Sharci-dejinta oo ku Maxaafsada Garsoorka:

Waaxyaha Sharci-dejinta iyo Garsoorku waa laba waaxood oo ka mid ah hay’adaha qaranka dhisa, waana laba qaybood oo kala madaxbannaan, lamana ogola in ay isku milmaan, sababtoo ah haddii shaqooyinkoodu isku dhex qasmaan waxa imanaysa in kala xaddayntii shaqooyinku meesha ka baxdo, dano gaar ahna yimaad amma masaaliixdu is khilafaan (Conflict of Interest), sidaa darteed dastuurka Somaliland, qoddobkiisa 71aad wuxuu reebay in xildhibaanku xilkiisa danno kale uga faa’iidaysto amma uu xil kale qabto, waxaannu qoddobku u dhigan yahay  “Xubinta Golaha Wakiillada uma bannnaana in ay qabato xil kale oo qaran, iyada oo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana inay uga faa’iideysato xilkaasi dano gaar ahaaneed.”

Xeerka Qareennada (Xeer No. 30/2004), kaasoo dhawaan xildhibaannada Golaha Wakiilladu Wax-ka-beddel iyo Kaabis ay ku sameeyeen 2013, saxeexa dhaqan-galkana Madaxweynuhu ku duugay waxa uu mancinayaa amma diidayaa in ruqsad la siiyo qof ka tirsan Golayaasha Qaranka (Guurtida, Wasiirrada & Wakiillada) iyo ciidammada, taasoo laga hortagaayo in ay meesha yimadaan masaaliix is khilaafa amma dano shakhsi ahaaneed looga faa’iidaysto mihnada qareenimo oo muhiim u ah sugida caddaaladda. Qodobka 2aad ee Xeerka Qareennada Somaliland wuxuu dhigaya:  ‘Qofna lama siin karo ruqsadda Qareenimo haddii uu ka tirsanyahay Golayaasha Qaranka ee (Guurtida, Wakiilada iyo Xukuumadda) Golayaasha Deegaanka, Shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamada.”

Haddii aan u dhaadhaco nuxurka, waxaad sannadadii u dambeeyey maqlayseen Wasiirka Caddaalada iyo xildhibaanno ku shaqaysta mihnada qareennimo oo isku haysta xaq uma lihidiin ruqsada in la idiin siiyo iyo waannu u leenahay oo xirfad iyo mihnad ta Injineernimada iyo dhakhtarnimada la mid ah weeyaan, waanay ku shaqaystaan xirfadaas, balse hubaal sababta qareennimadu uga duwan tahay mihnadaha kale waxa weeyaa waax la mid ah sharci-dejinta, garsoorkaanay ka mid tahay.

Waxa kale oo la kala ilaalinaay maadaama uu xildhibaanku xasaanad iyo awood badan leeyahay inuu awooddisa xildhibaannimo u adeegsado garsooraha kiiska qadaaya, meeshana ay timaado isku danaysi amma masaaliixdu is khilaafto, caddaaladiina halkaas ku lunto.

Haddaba, xildhibaannada mihnada ku shaqaysta waxay qayb ka yihiin in caddaaladda dhaawac ku yimaado, waxaana hubaal ah in sida sharcigu dhigaayo aan ruqsada la siin… la soco qaybta ugu dambaysa oo talo soo jeedin iyo su’aalo u badan, waana muhiim in aad raygaaga iyo dooda ka dhiibato si natiijo loo helo…….