Ka Bogo Dulucda Haatufka Maanta

Somaliland Wali may soo marrin xukuumadd ka fulaysan oo xoriyadda hadalka sidan uga baqata oo la mid ah tan Siilaanyo.

HAATUFKA MAANTA

Bal imika ninka C/laahi Abokor maxay ku haystaan?Miyaanay ahayn tacadi iyo aargoosi calashaan hadalkii uu yidhi Al-Shabaab golaha wasiiradda magaceeda laguma soo hadal-qaado.

Al-Shabaab iyagu qoryo iyo bambooyin qarxa ayey sitaan oo waa la arkaaye tolow xukuumaddan ma waxay la tahay in Ina Abokor sir culus qarxiyey sawtan la wada ogyahay Al Ictisaamka iyo Al Islaaxa meesha hoganaya ee wixii Islaanta iyo yarta Baashe ka hadha iyagu maamusha.

Adeer Kulmiye-ba mucaarid buu ahaa markay Siilaanyo gacanta ku  dhigeen ee ay ku yidhaahdeen gadhka la bax hadaad cod iyo lacagba naga doonayso ee ninkan ay Aamino Waris kibirka ku eriday markii uu liiska beesha ee golaha dhexe ee Kulmiye ka diiday ee labadii Guul-wade ee Cali Warancade iyo In Fadal gurigiisii intay kaga daba-tageen saqdhexe ku weerareen haddii Ilaahay-ba ka badbaadiyey wixii ay qorsheeyeen, hadaba ha ka macaashaan waa kaas ku noqday Maxbuuska siyaasadeed (Political Prisoner) ee lagu hayo jeelkii Hargeysa ee gaaladu u kiraysatay in lagu hayo budhcad-badeeda’e.

Xigasho Haatuf.net.