Hambalyada Bilashada Ramadaan ee Guddoomiyaha KULMIYE

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND

(KULMIYE)

                                                                                                  Date: 28/06/2014

 Ku:   Saxaafadda

 Ujeeddo: Hambalyo

 Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.

Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo.

 ALLA MAHAD LEH

 Muuse Biixi Cabdi.