Haatufka Maanta!

Kuwan la yaaban xukunkii Haatuf lagu riday miyaanay ogayn in dhulka aanu jirin garsoor wax xaqsoora oo maxkamadihii noqdeen Saylad cadaaladda lagu balan-baliyo oo ninka dawladu u diratay inuu dalka Qaadiyaal hagaagsan u sameeyaa yahay Xuseen Caydiid-kan dadka Ilaahay oo dhan wadda neceb ee Nacnac kula tartamaya u-guulwadaynta Siilaanyo iyo Aamina Warris.

HAATUFKA MAANTA

Sawkan meesha wali ka taliya Faysal Dhago-dhagihii 2007-dii intuu Haatuf  xabsiga Mandheera ku xukumay xadhiga iyo xayiraada iskugu daray ee Garandaha yar ku qaatay ee waliba intuu dalacay uu hadda kiisaska garsoore-yaasha kale laaluushka ka qaata.

Waxase layaab leh Asad Nuur-kan yar ee markii uu shalay Haatuf sarajooga ku xukumay wuxuu ku dhintayba noqdeen Kun loo qadimay iyo Laba Dhago-dhago shalay casarkii u keenay.

Waar wuxu han-yaraayee ma $3,000 buu ceeb arladda uga baxay oo uu godobta intaas leeg u galay!!.

Kan Dhago-dhago qudhigiisa maxay Iimaan la’aantu ku fogaatay. Sawkan sidii Xuseen Waji-Xunkii ku qatalmay Jicsinkii jaaliyada Sheffield loogu dhiibay isna $50,000 ee Xidid ku xoolow cadaalad xumadda ku doonayey wadda Jixaastay.

Labadda xeer ilaaliye ilayn ka reer Caynabo isagu waa Khusuusi oo xisaabta kuma jirine, Alaylehe bagay ku dhacday kii reer Oodwayne ee fadh-fadhiisii mooyaane qaylada iyo qadoodigu isu raaceen.

xigasho Haatuf.net.