Xulka Qaranka Costa Rica ayaa guuldaro naxdinleh baday xulka Italy , kagana adkaaday 1-0 ciyaartii caawa ee ay labada xul isku haleeleen , taas oo qirinqiir gallinaysa Talyaaniga laftiisa , Rajadii xulka England ka qabay u soo bixida koobka aduunkuna halkaas ugu dhamaatay, Heerka Groups kana kaga hadhay Tartanka sanadkan.
England oo laga badiyey labadii ciyaarood ee ay ciyaartayba , ayaa rajada kaliya ee ay sugaysay ahayd , xulka Italy oo badiya labada ciyaarood ee u hadhay , laakiin taas waxa beeniyey oo waliba rajada xulka Talyaaniga lafteeda qirinqiir gallisay xulka wadanka koonfurta Maraykanka ah ee Costa Rica.
Italy iyo Uruguay ayaa isku rajo ah imika , kuwaas oo labaduba u baahan guul , haddii kale oo ay barbar dhac gallaana , ku kala bixi doona dhinaca goolal tirsiga , taas oo ah ariin aan hawl yarayn.
Kubad uu madaxa ugu dhaliyey ciyaaryahan Bryan Ruiz ayaa ugu filaatay Costa Rica inay lix dhibcood ku hogaamiso Group ka D, England-na si toos ah uga saarto tartanka koobka aduunka , Maadaama Talyaaniga oo ka badiyey Ingiriisku uu guuldaraystay , halkaasna kaalinta labaad ku cidhiidhsanayo.
Xigasho Cadalool.com
Aftahahannews.com
Hargeysa/Somaliland.