Maxaa kala qabsaday Talyaaniga iyo Ingiriiska?

Ciyaartii u dhexeysay England iyo Taliyaaniga waxay ahayd mid aad u adag inkastoo kooxda Taliyaaniga ay inta badan cagtooda ay ku jirtay kubadda.

Daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta, kooxda uu kabtanka u yahay Gerrard waxay isku deyeen inay weerar degdeg ah ku qaadaan Taliyaaniga, balse umeysan suurta galin inay goolka la hormaraan.

Markii ay ciyaarta mareysay 35 daqiiqo ee qeybtii koobaad, Claudio Marchisio ayaa ruxay shabaqa kooxda England.

Marchisio oo goolkii koobaad ka dhaliyay England

Waxay ahayd gool ay qaladkiisu ay lahaayeen difaaca England, sababtoo ah si wanaagsan ugameysan hortagin laatkaasi ka dhashay, sida ay sheegayaan dadka falanqeeyo arrimaha ciyaaraha.

Balse, laba daqiiqo kadib, oo aheyd daqiiqadii 37-aad, England waxay muujisay inay awood u leedahay inay iska gudo goolka lagu lahaa.

Daniel Sturridge, ayaa goolka bareejada u dhaliyay tiimka England, qeybtii hore ee Ciyaarta ayaana ku dhammaatay barbardhacaasi.

Sturridge oo gool u dhliyay England

Laakiin, markii laisu soo noqday qeybtii labaad, Taliyaaniga waxay kordhiyeen weerarkooda, waxayna la wareegeen maamulka qadka dhexe ee garoonka ay ciyaarta ka dheceytsay.

Arrintaasi waxay dhalisay in tiimka England ay si wanaagsan ay isula heliwaayaan cagta. Daqiiqaddii 50-aad, Mario Balotelli oo markii horeba weerarkiisu uu aad ahaa ayaa goolka labaad madaxa ku dhaliyay, waxayna ciyaarta ka dhigtay laba gool iyo hal.

Balotelli Goolka uu ka dhaliyay England

Xulka England waxay heleen fursado badan oo goolal ay ku dhallinkaraan, balse qaar ka mid ah fursadahaasi way iska beerdareeyeen, halka kuwana si adag looga difaacay.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay guusha inay raacdo Taliyaaniga, waxayna ku dhamaatay England 1 – 2 Italy, waa ciyaartii ugu horeysay ee ay dheelaan labadan koox.

England, waxay weli u dhimman inay la ciyaarto kooxaha Uruguay iyo Costa Rica, si ay uga gudubta kooxda ay ku jirto ee D.

Hadaba dad badan oo Soomaali ah ayaa ka daawanayay ciyaartan oo ka mid ah tartamada kubadda cagta ee dunida.

Waxaa ka mid ahaa Cabdinuur Faarax Maxamud oo ku sugan dalka Brazil ee tartamada ay ka socdaan iyo Siciid Guuleed oo kusugan magaalada Baran ee maamulka Pundland.

Waxayna kala taageerayeen labada tiim, wareysi aan la yeelanay waxay sheegeen in ciyaartu ay adkeyd balse la dhowrayo kulamada kale ee harsan.

Source BBCSOMALI.COM.